Author Topic: SU'AAL: Isticmaalka Barafka joogtada ah?  (Read 5588 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
SU'AAL: Isticmaalka Barafka joogtada ah?
« on: August 27, 2015, 09:13:18 PM »
Dhakhtar, haddii Barafka si xad dhaaf ah, loo cuno, sida marka uu barafku fadhiyo, (jalaato, ice cream IWM) ama si xoog leh loo cabbo  sida marka barafka wax lagu qaso oo laga sameeyo sharaab qaboow badan leh), dhibaato ma u keeni kartaa caafimaadka qofka, Gaar ahaan caruurta, haweenka uurka leh iyo dadka waayeelka ah? Mahadsanid.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: Isticmaalka Barafka joogtada ah?
« Reply #1 on: August 28, 2015, 11:14:34 AM »
Biya qabo ama jallaato la cuno wax dhib ah oo gooni ugu keenayso ma jirto qofka..
Hadduu qofka si gooni ah cunista ma cabidda waxa qabow ay dhibaan sida hadduu qofka qabo cuno xanuun ama quuman oo uu dhakhtarka kula taliyo inuu ka fogaado waxyaabaha qabow waa inuu ka fogaadaa.
Laakiin sida kale dhibato ma lahan.

Haddii aad su'aashaada ka waddid dadka barafta ruugo ama raamsado oo caado ka dhigtay khaas ahaan haweenka uurka leh, taasi waa cillad ay keento dhiigyarida khaas ahaan markii jirka ay ku yar tahay birta.
Waxyaabaha qofka uu ku walfo inuu cuno waxaa ka mid ah, carada, dhagaxaanta, dhuxusha, barafka ama waxyaabo kale, intaasba haddii lagu arko qof uur leh waa in si dhakhso ah laga baaro dhiigyari.

Hadduu qofka sidaa baraf ugu walfo oo joogto barafka u ruugo, waxay dhaawac u geysan kartaa ilkaha ama in qofka uu sidaas biyo badan jirkiisa ku galaan oo macaadinta jirkiisa ay ka dhunto isu-dheelli tirnaanta, taasina ma ahan wax aad u dhaca.

Cabidda biyaha qabow ama cunista barafka sideeda dhibaato uma keenaan illaa inuu qofka qabo xanuun barafka ama waxa qabow u daran yahay mooyee.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?

Started by Hassan-DeeqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 18655
Last post December 10, 2013, 07:14:30 PM
by CMD
DIGNIIN: JOOJI ISTICMAALKA FASCO CREAM!

Started by Waxbaro!Board Health News and Events

Replies: 0
Views: 13238
Last post May 26, 2011, 07:12:02 PM
by Waxbaro!
Su'aal: Isticmaalka kareemKa fisiliinka xiliga galmada?

Started by PrincejeyteBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10187
Last post April 08, 2017, 05:33:49 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Faaiidada ay leedahay isticmaalka barida?

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 7644
Last post February 14, 2017, 09:55:07 PM
by Jamaaluddiin
5-ta Qeybood ee Isticmaalka Daroogada

Started by PharmacistBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 13182
Last post December 22, 2007, 02:59:14 AM
by Pharmacist