Author Topic: Si dabiici ah u daawee madax xanuunkaaga  (Read 29546 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Si dabiici ah u daawee madax xanuunkaaga
« on: August 23, 2015, 03:08:33 PM »


Dhibaatada Paracetamol iyo Panadol-ka
Paracetamol-ka waa daawada ugu badan dunida ee loo isticmaalo qandho jabinta iyo madax xanuunka.
Barashtimoolka "Paracetamol" wuxuu la mid yahay daawooyinka kale oo waxyeello caafimaad wuu leeyahay inkastoo ay yar tahay laakiin haddii la badsado wuxuu keenaa dhibaatooyin halis ah oo ay ka mid tahay inuu beerka dhaawac gaarsiiyo ama howlgab ka dhigo, qofkane u dhinto.

Sababta aand maanta Paracetamol-ka ugu hadlayo waxay tahay in dadka qaar ay aaminsan yihiin in uusan wax dhibaato lahayn sidaas darteedna joogto loo caadeestay in la qaato oo ay dhici karto in maalintii la qaato tiro aada u badan oo qofta naftiisa halis galin karto.

Waxaan rabaa in qof kasta uu rumeysan yahay in aysan jirin daawo aanan waxyeello lahayn "side effects" haba kala darnaadaanee, laakiin haddii daawada qadartii loogu talagalay in ka badan laga qaato dhib la hubo ayay keentaa.

Waxaa la hubaa haddii aad maalin gudaheed aad qaadatid in ka badan 4000 mg in beerka uu dhaawac gaarayo, taasoo u dhiganto 8 xabo oo kaniiniga 500 mg ah.
Sidaas darteed dad baa u isticmaala in daawadaan ay isku dilaan iyagoo ka liqa tiro badan.

Markasta ku dadaal in aad raacdo talada dhakhtarkaaga oo aadan naftaada halaajinin, haddii aad leedahay madax xanuun joogto ah ama xanuun kalaba la xirr dhakhtarkaaga si daawooyin kala duwan laguu siiyo, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuun baabi'yiyaasha, waxa ay ku kala duwan yihiin, waxyeellada ay keenaan iyo waxa ay ka samaysan yihiin: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,773.0.html

Waxyaabaha kale oo uu keeno paracetamoolka la badsado waxaa ka mid ah, wareer, kaadida oo yaraato, sokorta oo dhacdo, kilyaha oo dhaawacmo ama howlgabo iyo jirka oo sumoobo.

Hadduu qofka la kulmo dhibaatooyinkaas waa in si dhakhso ah lagu geeyo isbitaalka qeybta degdegga ah si looga dhaqo daawada, haddii 24 saac ka soo wareegato wax ka qabasho ma lahan.

Dhibaatada ugu badan ee loo isticmaalo paracetamol waa "madax xanuunka", halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan noocyada madax xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html

Si dabiici ah u daawee madax xanuunka
Waxaan rabaa labo talo oo la tijaabiyay oo faa'ido laga helay in aan halkaan ku sharxo oo madax xanuunka daawo u ah, kagana maarmi doontid kaniiniyada ad qaadan jirtay.

  • Ku daawaynta saliid macsarada: Waxaan tijaabo ahaan u arkay muddo badane aan soo diraasaynayay, dad badane wax looga gartay saliid macsarada, waxay aad ugu roontahay madax xanuunka ka dhasha fakarka, daalka, culeeska nolosha iyo shaqada joogtada ah, waxay joojisaa kana hortagtaa madax xanuunka loo yaqaano 'tension headache', waxayna siyaadisaa foojignaanta iyo wax fahmidda dhakhsada ah khaas ahaan u roon tahay ardayda ku jira xilliyada imtixaanaatka.
    Qaabka ugu waxtarka badan ee loo isticmaalo waa in saliidda aad madaxa ku shubatid habeenkii marka aad jiifsanayso, waa in qadar ku filan tintaada oo aad basada ka dareentid ku shubataa madaxa, kadibne aad maro kula xirtid sidaasne aad ku jiifsataa, xiritaanka waxay ka ilaalinaysaa saliidda in joodariga iyo barkinta aysan kaa gaarin, waxay kaloo saliida siinaysaa huur iyo kulayl ku filan in ay basada ka gudubto oo waxtar u yeelato.
    Subaxii marka aad ka soo toosto iyo maalintaa oo idilba waxaad dareemi doontaa ilaahay idinkiisa isbadal aadan weli horay u arag oo xaga firfircoonida, foojignaanta iyo madax xanuun la'aan iyo welwel yari, haddii aad ka mid tahay dadka maskaxdooda aadka uga shaqeysiiya ama howlo culus qabto ama ku jira shaqo stress leh, daawadaan waad ka faa'idi doontaa ee ku dadaal, iska hubi saliid macsarada aad isticmaalaysid in ay tahay mid saafi ah.
    Saliid macsarada waxay kaloo leedahay faa'idooyin badan oo aan la soo koobi karin ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3195.0.html
  • Isku daawee Sanjabiilka: wuxuu ka mid yahay geedaha dhifka ah ee cilmibaarayaasha isku raaceen inuu u roon yahay madax xanuunka, sanjabiilka oo shaaha lagu karsado, cunnada lagu garsao ama sidiisa loo isticmaalo waxay joojisaa madax xanuunka, ka hortag ahaane waa loo isticmaalaa, waxaa jirto shirkad ka samaysa capsule oo xanuun baabi'ye ahaan loo adeegsado, waxay cilmibaarayaasha sheegaan 250 mg oo sanjabiil ah inuu awood ahaan u dhigmo 400 mg oo kaniiniga "Ibuprofen" oo aad loogu isticmaalo xanuunada, waxay kaloo cilmibaarayaasha sheegaan haweenka aadka u istcmaalo sanjabiilka in aysan la kulmi xanuunka caadada sidaas awgeedne daawo ahaan loogula dardaarmaa in sanjabiil ay haweenku isitcmaalaan xilliga caadada u soo dhawdahay si xanuunka ay uga hortagaan, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunka caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html

Ku dadaal in aad cunnooyinka dabiiciga ah ee daawada laga helo in aad ku dadaasho, annagane waxaan diyaar kuula nahay in aan wixii talo ah aan kaaga caawino arrintaas, haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah kuwa cusubma ku soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Si dabiici ah u daawee madax xanuunkaaga
« Reply #1 on: August 23, 2015, 05:20:51 PM »
Dhakhtar, saliid macsarada waa laba nooc. Mid waxaa lagu sameeyaa Makiinad (Makiinadda saliid Macsarada), mid waxaa lagu sameeyaa Awr (Awrka oo wareejiyo geed loogu talo galay). Haddaba, Dhakhtar, labada saliidood isku dha dhan ma ahan, isku midab ma ahan isku urna ma ahan. Tee ayaad bulshada kula talineysaa in ay door bidaan?
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Si dabiici ah u daawee madax xanuunkaaga
« Reply #2 on: August 26, 2015, 02:10:39 PM »
Waxaa muhiim ah in macsarada ay saafi tahay oo aan saliid kale lagu labin, laakiin qaabka loo shiiday farqiga u dhaxeeyo iyo sida ay ku kala fiican yihiin ma garan karo (midna bir baa shiiday midne qori baa lagu shiiday, inkastoo la is dhihi karo midda birta lagu shiiday waa laga fiican yahay.
Allahu aclam...
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Jir xanuun iyo madax xanuun?

Started by Nasta xajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7589
Last post August 01, 2017, 08:58:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuun mergiyo xanuun xabad xanuun seedo xanuun?

Started by XajikadiyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 11722
Last post October 31, 2016, 04:09:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41596
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuun, daal iyo kuleel ayaan isku arkay?

Started by KaamilaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25522
Last post February 01, 2010, 09:40:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qof ka markii uu rabo in Madax looga istaago mxaa keeno?

Started by AshomBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5188
Last post May 06, 2016, 09:51:18 PM
by SomaliDoc