Author Topic: Su'aal: Maxaa lagu babi'in karaa dhareerka caruurta?  (Read 27249 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Sucaad1

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa lagu babi'in karaa dhareerka caruurta?
« on: August 29, 2015, 08:31:30 PM »
Asc, waxaa idin wedinaa walaalo maxaa lagu babi'inkara dhareerka caruurta? Canug labajir ah ayaa iga dhareerayo muda sanad kabadan mala laha afkiisa cabuq calashan wax xanuun uu afka ka qabo majiro? Ilaah kheyr ha idinsiiyo.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa lagu babi'in karaa dhareerka caruurta?
« Reply #1 on: August 30, 2015, 07:31:13 PM »


Waa maxay dhareerka siyaadada ah ee caruurta?
Caruurta inta ay ka gaarayaan 4 sano sida caadiga ah ma kontorooli karaan dhareerka afkooda, waalidiintu badana way dhibsadaan dhareerka badan ee caruurta khaas ahaan markii ay laba sano gaaraan.
Dhareerku waa dabiici inta ay da'daas ka gaarayaan caruurta, laakiin waxaa jiro xanuuno keeni kara dhareerka siyaadada ah, sidaa awgeed waa muhiim in ay hooyadu u fiirsato haddii dhareerka ay a socdaan cillado kale sida afka oo gaduud noqdo, carabka oo nabro leh, faruuryaha oo dildillaac ama qalleel leh, korriinka cunugga oo aan dabiici ahayn ama garaadkiisu inuu ka yar yahay caruurta faciisa ah.

Astaamaha dhareerka siyadada ah:
Dhareerka siyaadada ah wuxuu soo dhaafaa afka oo cunuga wuu ka soo daataa, dharka ayuu iskaga halleeyaa, qofka xambaarayo ama haynayane wuu dhibsadaa, marmarka qaar dhareerka wuxuu gaaraa daamanka taasina waxay caruurta qaar u keentaa in daamanku ay xasaasyad ka qaadaan weliba xilliyada qabowga.

Asbabaha dabiiciga ah ee dhareerka keeno:
Haddii cunuggu ilko u soo baxayaan, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan ilkabaxa iyo hooyooyinka qaar oo ilmaha ka siibo ilkaha si ay dhareerka u joojiyaan, taasoo ah arrin qalad ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2700.0.html
Waxaa kaloo keeni kara haddii wax liqidda cunugga uusan safiican u kotarooli karin maadaama dhareerka uu banaanka u soo baxayo, wayna ka gudbaan caruurta arrintaan.

Sidee ku ogaan karaa inuu dabiici yahay dhareerka cunugeyga?
Waxaad ku ogaan kartaa in aad u fiirsatid arrimahaan soo socdo:
  • Hadalka cunugaaga dabiici ma yahay?
  • Maqarlka cunugaaga dabiici ma yahay?
  • Foojignaanta cunugaaga iyo ka waqabka hareerihiisa dabiici miyaa?
  • Caafimaadka ilkaha cunugaaga soo ma fiicno?
  • Cunuggaa ma ka caafimaad qabaa quuman, cabbur sanka ah iyo wax liqid la'aan?
Haddii su'aalahaas oo idili, jawaabtu "HAA" tahay, wax welwel ah ha isku ridin, cunugaaga wuu ka gudbi doonaa marxaladda uu marayo.

Goormaa la daaweyn karaa dhareerka caruurta?
Waxaad daawo raadsan kartaa ama dhakhtar la kulmi kartaa markii aad isku aragto wax ka mid ah su'aalaha aan kor ku soo xusay ama haddii cunugga uu afar sano gaaro isagoo weli dhareerayo.
Markaa waa laga yaabaa inuu dhakhtar talooyin ama daweynba kugu la taliyo.

Haddii aad qabtid su'aal caafimaadkaaga ku saabsan ku soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 56124
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162984
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58224
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62808
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29316
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc