Author Topic: Su'aal: Ilmo ku abuurmay meel ilma galenka ka baxsan?  (Read 7194 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Salma Moha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Ilmo ku abuurmay meel ilma galenka ka baxsan?
« on: August 30, 2015, 10:12:00 PM »
Asc wr wb bacda salaan mahad oo idil waxee usugnatay allaah subhana watacalaamida labadna idinka oo isku howlay inad umadina wax fahansisan kana jaahil bixisaan een waxaa qabaa suaal muhiim ah oo ah waxan ahay gabar hada dhow guursatay mudo labo ilaa 3 isbuc ban xanun dareemay dhabarka warega kuli een habenki sabtiga ayaan isbitaal soo galay kadib baritan baa laigu sameyay wax uur ah wala wayay dhigega ayee kaheleen in uur jiro marka waxe ishegen in ilmaha an ka arki karin lkn axada ila isninta hadana tijabi kale samenayan waxe kalo ishegen in labo si macqul tahay i  ilmaha meshi logu talagay uu ku korayo lkn waki uu yaryahay waxe kalo ishegen in macqul tahay in mel ilma galenka kabaxsan ku aburmen lkn eekala hubsanayan suashedu waxe tahay maxaa ila gudbanan kara labada dhinacba maxa samen kara oo figrad ah mesha an jogana waa dalka Germany  arinkas aya wal wal iguhaya manta xataa dhiig labad aye iga qaden xanunki wali wa ihaya tankale bishii 10aad ee sanadki 2014 intan gursan ayan qalnin calosha ah galay sidokale calosheda markii aan gursaday mudi 8 bil kahor ilaa hada waxba ka dhax dhaqaqa oo ka dhax bod bodaya mana garan karo shugran walal intaas iga jahil bixiya ilaahay qeer haidin siyo igana raali ahada hada suasha dhereyay shugran




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ilmo ku abuurmay meel ilma galenka ka baxsan?
« Reply #1 on: August 31, 2015, 03:20:51 PM »
Marka hore, uurka haddii laga baaro dhiigga ama kaadida isku wax ayay raadinayaan, waana hormoon laga helo haweenka oo ay soo dayso ibida marka ay samaysanto oo loo yaqaano "HCG", dhiigga ayaa marka hore laga arki karaa, laakiin muddo kadib kaadida ayaa laga helaa, hadduu uurka billow yahay way dhici kartaa in kaadida laga waayo oo dhiigga laga helo.

Taasi waa mid, midda kale waxyaabo waxaa jiro aanan uur ahayn oo hormoonkaan soo dayn karo oo uur u ekaan karo, taasina waa in la baaraa oo la hubiyaa adigoo lagu saaro ultrasound ama computer-ka lagu ogaado uurka, waana sax sida ay dhakhaatiirta ay sameeyeen.

Haddii kumbuyuutarka lagu arki waayo in minka aysan waxba ka muuqanin, labada sabab ay sheegeen dhakhaatiirta waa suuragal, inkastoo aadan noo sheegin xilliga caadada kuugu dambaysay si looga qiyaas qaato haddii uu uur jiro inta maalmood uu noqon karo.

Waxaa kuu soo haray arrinta ku welwelinaysa ee ah ilmaha ay ku abuurmaan meeel minka ka baxsan, way dhici kartaa waana suuragal in ilmaha tubooyink ay ku samaysmi karaan laakiin xanuun lama dareemi marka hore, xanuun wuxuu yimaadaa marii ilmaha tubooyinka ay ku weynaadaan oo cadaadis keenaan, waxaana uurkaas oo la yaqaanaa "Ectopic Pregnancy", afsoomaalina waxaa lagu dhahaa "Ilma Qoolan", halkaan ka akhriso qoraal aan horay uga hadalnay cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,853.0.html

Marka in baaritaan lagugu celiyo mar labaad oo safiican loo hubiyo in uu uur jiro, hadduu jirane meesha uu ku samaysmay waa muhiim.

Fadlan nala socodsii wixii ka soo baxo baaritaanka labaad si aan talo kaaga siinno.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Salma Moha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Ilmo ku abuurmay meel ilma galenka ka baxsan?
« Reply #2 on: September 13, 2015, 04:43:16 PM »
Asc wr wb walal marka hore aad baad umahadsantihiin marka labaad wan iska xanusaday isbitalka kujiray mudo hada wan cafimadqabaa alhamdulilaah walal baaritaankii wuxuu noqday uur alhamdulilaah lkn hal cilad ayaa jirto oo sobaxday taas oo walwal nagu hesaa ciladaas oo ah waxa jirtay in dawo usocotayn ninkega dawadas oo loogu qorayin dhabarka qeebta kilida ka koreso ee kasobaxay nabar buuran markii labarayna ee noqotay tiibisho meshas gashay lkn ee tahay nooc aan furnen micnaha uuna dad ugudbin karin dr wuxu ishegay hadi dawadi oo socoto aan qaday uurkaas in dhibaatoyin imaan karan ee kamid tahay in ilmuhu cafimad daro kudhasho in ilmaha uu dhasho xiligii loogu tala galay kahor midakale dhiigawaxa igu danbesay 26.7.2015 waxenaishegen in ilmaha dhalan karo 1.5.2016 marka arinkaas maxad talo iyo waebixin iga siin kartaan wa  jira matahay mise waa waxyabo laga baqayo bas hadi jiraanse maxa oga hortagI kara mahadsanidin walal

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ilmo ku abuurmay meel ilma galenka ka baxsan?
« Reply #3 on: September 16, 2015, 01:28:24 PM »
Wax laga walwalo iima muuqdaan sababaha soo socdo awgood:
1- Sida aad tilmaantay tb-da waa mid xiran oo aan laga qaadaynin ninkaaga, haddii ay dhici lahayd xitaa in laga qaado waa in adiga kugu dhacdaa si ay u saamayso uurjiifka.
2- Daawo ninkaaga u qaatay tiibisho in ay adiga waxyeello kugu reebto sidaas awgeedne ilmaha ku dhashaan dhibaato caafimaad arrin la xaqiijiyay ma ahan ee waa iska qiyaas iyo amay sidaas dhacdaa? wax documented ah oo la fasiri karo lagama hayo, waxaa dhici karo kaliya haddii uu ninkaaga qaato daawo ka baxsan daawooyinkii lagu yaqaanay in tb-da lagu daaweeyo, markaasina waa in aad noo soo sheegtaa daawooyinka noocooda.
3- Hooyada tiibishada qabto xitaa haddii ay qaadanayso daawada kuwooda loo yaqaano "first line medications" oo ah "Rifampicin, Isoniazid, Pyrizenamide iyo Ethambutol" hooyadaasne uur leedahay, lama arag ilaa iyo hadda ina y saameyn ku leedahay uurjiifka.
4- Midda kale ogow caruurta ku dhashaan caafimaad darrada boqolkiiba 90% lama ogo waxa keenay oo lama fasiri karo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Qof afar jeer la qalay ilmo kale a dhali karaa?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10177
Last post July 05, 2010, 11:00:01 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jirtaa dawada raga ka joojiso inay ilmo dhalaan?

Started by LaabtaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 8266
Last post May 19, 2012, 04:33:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haddii infakshan awgiis ilmo la waayo, maxaa talo ah?

Started by Mohamed12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6628
Last post April 25, 2015, 02:26:47 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ilmo iila dhashay waxaa hayo kuriimo xumo?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3067
Last post July 05, 2016, 11:24:09 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Ilmo yar oo bil jira oo wali xundhurtii bogsan?

Started by AbdiqadirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2780
Last post March 17, 2016, 12:58:02 PM
by SomaliDoc