Author Topic: Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?  (Read 73215 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ibnu muhammad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 15
  • Points: +0/-0
Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?
« on: August 31, 2015, 01:32:49 AM »
Sln kadib idinkoo mahadsan
waxaan rabay inaan wax ka ogaado geedka la yiraahdo DACARTA dad ayaa igu yiri gaaska ayay dawo u tahay ee arintaasi caafimaad ahaan maxaa laga yiri. Mahadsanidiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Faaiidooyinka Caafimaad ee Geedka Dacarta
« Reply #1 on: August 31, 2015, 09:24:17 PM »


Dacarta "Aloe Vera" waa dhir daaweed aad u qiimo badan oo ay dhakhaatiirtu isku waafqsan yihiin waxtarkeeda.
Dacarta waxay isku qabiil yihiin tuunta iyo basasha oo iyagane leh faaidooyin aad u badan.

Inkastoo dacarta loo adeegsado xanuuno iyo cillada kala duwan, waxaan rabaa in aan qoraalkaan ku soo aruuriyo wixii watar la hubo oo la rakay leh oo ku salaysan cilmibaaris.

Dacarta waxaa ku jirto illaa 200 oo maaddo waxtar leh oo ay ka mid yihiin fitamiinno, macaadin, borotiin, dheecaanno jirka u baahan yahay, carbohydrate iyo dufan.

Dacarta waxay daawada kaga jirtaa dhareeraha, waxaana dhareerahaas la qiyaasaa in la adeegsan jiray kumanaan sano ka hor oo ay qawmiyadu kala duwan aaminsanaan jireen waxtarkeeda.

Faa'idooynka dacarta waxaa ugu muhiimsan:
  • Dacarta waxaa ka buuxdo fitamiino iyo maadooyin jirka uusan ka maarmin oo aad u badan, waxaana ka mid ah fitamiinka A, C,E, Folic acid, Choline, B1, B2, B3, B6 iyo B12. Waxaa kaloo ku jiro macaadinta muhiimka ah sida Calcium, Magnesium, Zinc, Chromium, Selenium, Sodium, Iron, Potassium, Copper iyo Manganese.
    Ka akhriso halkaan waxtarka fitamiinnadaan kala duwan ee aan kor ku soo xusnay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html
  • Dacarta waxaa ka buuxo waxyaabaha borotiinka laga sameeyo ee loo yaqaanno "Amino Acids" iyo waxyaabaha dufanka laga sameeyo ee loo yaqaano "Fatty Acids" waxaa dacarta laga helaa illaa 20 amino acid iyo 10 fatty acids, waana dhif in tiro intaas la eg laga helo geedo daaweed.
  • Dacarta waxay caawisaa dheefshiidka, dheefshiid xumada waxaan ognahay in ay ka dhashaan cudurro badan oo saameyn ku yeelan karo caafimaadka qofka, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html
    Waxay kaloo dacarta leedahay faa'ido lala yaabo oo ah: haddii qofka uu shubmayo way istajinaysaa, hadduu qofka caloosha fadhisane way socodsiinaysaa, waxayna daawo u tahay xanuunka mindhicirrada kacsan "Irritable Bowel Syndrome", xanuunka gaastirikada khaas ahaan boogta caloosha,Akhriso cunnada kale ee u roon gaaska.
    Dacarta waxay kaloo caloosha ku yaraysaa bakteeriyada jeermiska ah laakiin bakteeriyada nafciga leh way daysaa, meesha daawoyinka loo qaato infekshanka ay labada nooc ay bakteeriyadaba ay dilaan.
    Sidaas owgeed waxaa jiro cabitaanno kal duwan oo laga sameeyo geedo daaweedka dacarta.
  • Dacarta waxay jirka ka saartaa qashinka iyo sunta, waxayna u fiican tahay dadka cillad ay ka haysato dhinaca qashin saarka sida dadka beerka ama kilyaha ka xanuunsan.
  • Cilmibaaris lagu soo daabacay joornaalka "British Medical Journal" waxay sheegtay in dacara ay leedahay faa'idooyin dhinaca caafimaadka wadnaha, maadaama ay yarayso kolestaroolka, waxayna kordhisaa qulqulka dhiigga, waxay kaloo kordhisaa awoodda xambaarista oksajiinta ee unugyada dhiigga cascas.
    Qoraalka waxaa lagu soo gabagabeeyay in maadaama dacarta ay ku fiican tahay dhinaca kontoroolka cadaadiska dhiigga, yaraynta kolestaroolka iyo kordhinta qulqulka dhiigga ee xididada yaryar waxay yaraysaa halista wadna qabadka.
  • Dacarta waxay kobcisaa difaaca jirka, maado ku jirta dacarta ayaa waxaa la arkay in unugyada difaaca u qaabilsan jirka in ay aad uga shaqaysiiso o ay falgaliso, waxay kaloo la arkay in dacarta xilliga qandhada haddii la cabo in qandho jabis ahaan u shaqayso inkastoo aanan weli la fahansanayn qaabka ay qandhada u jabio
  • Dacarta waxay nafaqaysaa maqaarka jirka, waana sababta shirkado badan oo kareemyada sameeyaa iyo daawooynka oogada loogu talagalay ay asal uga dhigaan geedka dacarta, waxaa kaloo cilmibaaris lagu arkay in xanuuno maqaarka ku dhaco oo dhowr ah in dacarta lagu daaweeyo kuwaas oo ay ka mid yihiin: xanuunka Psoriasis, gubashada iyo dhaawacyada maqaarka.
    Waxaa kaloo dacarta ay yaraysaa cuncunka iyo xasaasiyada maqaarka.
    Maadaama dacartu ay 99% ay dareere tahay, waxay maqaarka siisaa qoyaan ka hortago kadkaduudka iyo kor qallaylka, waxaa kaloo loo adeegsadaa caga jeexjeexa, waxay kaloo kordhisaa qulqulka dhiigga xididada yaryar sidaan horay u soo sheegnay taasoo in si dhakhso ah dhiigga u soo gaaro maqaarka taasoo maqaarka siiso dhaldhalaal qurxoon.
  • Dacarta waxay yaraysaa lurka ama caabuqa "Inflammation", sidaas awgeed waxay u roon tahay xanuunada lafaha ku dhaca sida roomaatisamka iyo riixa.

Dacarta waxyeello ma leedahay?
Dacarta lama cabo xilliga uurka, xilliga caadada, haddii aad Baabasiir qabtid, haddii xameetida ay jiran tahay iyo haddii beerka uu hawlgab yahay.

Qaabkee loo isitcmaalaa Dacarta?
Waa muhiim in aadan dareeraha dacarta aadan si toos ah u cabin iyadoo aan la soo marsiinin warshad ama la soo sifaynin, laakiin waad marsan kartaa maqaarlka, kalagoysyada.
Dacarta iyadoo cabitaanno laga dhigay ayaa lagu gadaa farmashiyada ama dukaamada qaar, haddii aad doonaysid in aad cabtid, waa in aad soo gadataa iyadoo la sifeeyay.

Halkaan ka akhriso qoraal aan uga hadalnay Dhirta Daawada Leh: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,794.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?
« Reply #2 on: September 01, 2015, 01:40:48 PM »
Dr. Dhinaca kale, Dacarta ma lagu daaweyn karaa xoolaha xanuunsan, gaar ahaan Digaagga?
Anigu waxaan arkay, geedkaan dacarta oo inta la jar jaray, digaag buka (oo war wareersan), biyaha loogu riday. Digaagga aan ka hadlayo waa digaagga guri-joogta ah ee Soomaaliya lagu dhaqdo. Mahadsanid.
Talo SAARO Allaah

Offline Ibnu muhammad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 15
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?
« Reply #3 on: September 01, 2015, 11:40:42 PM »
Tolow cabitaankaas aad sheegtay DR ma laga helaa KENYA? Maxaana loo yaqaan magac ahaan?

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?
« Reply #4 on: September 02, 2015, 02:18:42 PM »
Dr. Dhinaca kale, Dacarta ma lagu daaweyn karaa xoolaha xanuunsan, gaar ahaan Digaagga?
Anigu waxaan arkay, geedkaan dacarta oo inta la jar jaray, digaag buka (oo war wareersan), biyaha loogu riday. Digaagga aan ka hadlayo waa digaagga guri-joogta ah ee Soomaaliya lagu dhaqdo. Mahadsanid.

Waan ku faraxsanahay su'aalaha aad isoo waydiisid maadaam ay u badan yihiin waxyaabo caado dhaqan noo ah laakiin in asal caafimaad loo raadiyo ay muhim tahay.
Arrintaan aad ka hadashay oo ku saabsan digaaga lagu daaweeyo dacarta weli ma aanan maqlin laakiin markaan dib u baaray waxaan ogaaday in ay jiraan qowmiyadu badan oo dacarta ku daaweesto digaaga inkastoo ay badankood uga daaweeyaan xanuun digaaga lugahah kaga dhaco oo keeno in lugaha ay ka jeexjeexmaan ama qolfoof ka yeeshaan.

Waxaan kaloo arkay in dalka philippine ay digaaga siiyaan dacarta iyagoo biyaha ugu shiida si ay u naaxaan oo miisaan degdeh ah u yeeshaan, waana arrin lagu sameeyay cilmibaaris oo la arkay in digaaga dacarta la siiyo aya ka caafimaad badan yihiin digaaga kale.

Haddii aa intaa uga gudbo, maadaama aan horay uga soo hadlay in dacarta ay nafaqo leedahay iyo faaidooyin dhowr ah lama yaabayo haddii uu ka faaidaysto ama ku caafimaado noole aanan biniaadanka ahayn.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?
« Reply #5 on: September 02, 2015, 02:45:21 PM »
Tolow cabitaankaas aad sheegtay DR ma laga helaa KENYA? Maxaana loo yaqaan magac ahaan?

Waxaa loo yaqaanaa Aloe Vera Juice, ma garanayo in laga helo Kenya, laakiin ka raadi supermarket-yada waawayn ama warayso farmashiyada gado daawooyinka nutrition-ka & dadka takhasuska u leh "Nutritionists".
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15122
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
MAXAA KA OGTAHAY Shaqaalihii Caafimaadka ee lagu dilay Soomaaliya 1991 - 2009?

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 3
Views: 49756
Last post September 10, 2015, 04:45:26 PM
by Mo Digdig
Faaqidaada Buuga, Book Review:- Daryeelka Caafimaadka Hooyada iyo dhalaanka

Started by Dr.AdnanBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 295788
Last post November 02, 2017, 11:13:46 AM
by Ahmedabdiok12
Wasaaradda Caafimaadka oo hubineysa tayada Dawooyinka dalka soo gala

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 19435
Last post May 01, 2011, 08:00:58 PM
by Drkheyre
Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Dawo ah gaarsiisay qaar ka mid ah Cisbitaallada..

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 18691
Last post May 05, 2011, 01:49:29 PM
by Drkheyre