Author Topic: Su'aal: Goor yaanku caloosha maku tarmi karaa?  (Read 4219 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Siciid baashi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Goor yaanku caloosha maku tarmi karaa?
« on: August 31, 2015, 10:59:00 AM »
Dhakhtarow boowe/baaye wxn ku weydiyey goor yaanku caloosha bani aadmiga maku tarmi karaa lab iyo dhadigna makala leyahay?

Hada kahor bn waxan daremay in calosheyda uu gooryan ku jiro wxn is iri laba kujira madama aan cidooda maqlo mararka qaarkood balse xanuun ama qaniinyo calosha ah madaremo aan ka aheyn lalabo iyo jiririco jirkayga kusaqda mararka qaarkood, dhakhtar bn mar utagey xanunka ihaya bn usheegay wuxu igu yiri ehelu shakiila tahay waxna ima qorin wxa aan kayabey waxa uu ula jeedo ehelu shakila tahay

Jawab bn kasugaya boowe

Mahadsanid





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Goor yaanku caloosha maku tarmi karaa?
« Reply #1 on: August 31, 2015, 03:55:30 PM »
Gooryaan caloosha wuu gali karaa, wuuna ku tarmi karaa, lab iyo dhadigne wuu leeyahay.
Laakiin astaamaha aad sheegtay qaar ayaa keenayo in dhakhtarka uu ku dhaho ehlu shakiile ayaa tahay inkastoo ay habboonayd inuu kuu wacyi galiyo arrintaas.
Marka hore shanqarta gooryaanka mala maqlo, dhaqdhaqaaqiisane caloosha dusheeda lagama dareemo, waana waxyaabaha qaladka ah ay soomaalida aaminsan tahay.
Waxa ugu badan ee lagu qaldo gooryaanka waa dibbirada gaaska uu keeno, maadaama hawo badan ay mindhicirrada galayso taas oo marmarba dhinac u guurayso, shanqar iyo cod la maqli karane ay samayn karto.
Infekshanka caloosha ku dhaco ee bakteeriyada ama gooryaananda qaarne dibbiradaas way keeni karaan, laakiin taasi macnaheeda ma ahan, in bahalkii uu marmarba dhinac u ordayo ama uu shanqar ama cod samaynayo.

Waxaa lagu ogaan karaa in saxarada lagaa baaro oo al fiiriyo haddii ay jiraan wax bakteeriyo ah, gooryaan ama bakteeriyada gaaska keento oo iyadane saxarada laga baari karo.
Haddii aad leedahay dibbiro, daaco badan, hur lugaha iyo gacmaha, af qallayl iyo wadna garaac waxay u bada ntahay in aad gaas ka cabanayso ee halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Gaasitirikada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin ama aad qabtid su'aalo dheeraad ah waad i soo waydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: