Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Gariir jidhkayga oo dhan ah?

(1/1)

Abdiqani Dhoobo:
Asc. Dr waxaan ahay nin dhalinyaro ah waxaan ka cabanayaa gariir fara badan oo jidhkayga oo dhan ah waxaan layga helay hada ka hor neerfe daawooyin kiina wan qatay kabacdi dhakhtarki markan ku noqday wuxu iyiri  waad ka bugsatay hase ahaatee markan kubad ciyaaro amase aan qof faraka ciyaarno amaba qoraxdu kululaato oo aan hawlo qaqabto waxaan dareemaa tabar dari iyo gariir fara badan mararka qaar indhaha ayaa i madoobaada marka  Dr hadaa wax Treatment ah ama  talo ah Igusoo kordhinaysid aad baan uso dhawaynayaa baahi wayn baana u qabaa taladaada mahad sanid.

SomaliDoc:
Xanuunka neerfaha aad tilmaantay waa noocee? halkaan ka ogow waxa uu neerfaha yahay haddii aadan fahmin su'aashayda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html
Haddii aadan garanayn, daawooyinka aad qaadan jirtay ma xasuusataa magacyadooda?
Markii aad isku aragtid gariirka maxaad samaysaa si gariirka uu kaaga tago?
Ma leedahay wadna garaac?
Gariirka ma addimaha kaliya (gacmaha iyo lugaha) mise jirka oo idil?
Ma leedahay dhidid badan xilliga aad gariirayso?

Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab si aan u fikrad buuxda uga helno xanuunka aad ka sheeganayso.

Abdiqani Dhoobo:
Daawooyinka aan qaatay waxa kamid ahaa     1] Sodium valproale   tabs 500mg [30 xabo]
                                                                           2] Olanzapine            tabs 5mg [30 xabo]                                                                             
   waxaan kaloo qaatay daawo iraab ah  laakin iminka aanan xasuusan magaceedii .   
wadna garaac waan leeyahay mararka qaar laakiin iguma badna, dhidid na malihi  gariirkana wuxu u badan yahay gacmaha iyo  lugaha weliba bawdyaha marmar waxa dhacda in bushmaha i gariiraan sido kale madaxana aad moodo inuu i ruxmayo, marka aan gariiro keliya waxaan sameeyaa waan nastaa waxana  iskudayaa inaan hawsha ama shaqada aan hayo inaan joojiyo mararka qaar waxa dhacda aniga oo aan shaqo hayn oo iska fadhiya in gacmuhu i gariiraan.

SomaliDoc:
Daawooyinka aad soo qortay midda hore waxaa loo qaataa qallalka iyo xanuun maskaxda ah ee loo yaqaano "bipolar disorder" midda labaad waxaa loo adeegsan karaa "bipolar disorder" iyo xanuuno kale oo dhinac maskaxda ah.
Inkastoo aadan noo sheegin sida aad daawada ku noqotay inta aad qaadanaysay, laakiin wali ma kala caddo xanuunkaaga nooca uu yahay ee ma jiraan wax baaritaanno ah oo aad samaysay ama dhakhtar xagga neerfaha oo aad la kulantay  "Neurologist" ama "Psychiatrist"
Haddii aadan fahmin waxa ay dhkhaatiirtaas qaalisan yihiin halkaan ka baro: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5850.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version