Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Gariir jidhka dhamaantiis?
(1/1)
Shaaficifalcoa:
asc waan idin salaamay dhamaantiin somalidoc.com illahay ha idinka ajar siiyosida fiicane aad bulshada somaliyed u caawisaan dr an waxaan ka cabanayaa gariir jidhkayga oo dhan ah wax dhakhtar ah uma tegin kalamana hadlin arin kaas marka aan garigariirana wa wakhtiyada sida
markaan hawl culus qabto
markaan gaajoodo
markaan dagaalamo
waxaana dawo ii ah intaasoo dhan ilaa iyo aan cunto cuno gariirka ma iga ba'ayo
hadan qof isqabano markan dagaalka ka baxo jidhkayga gariir ayuu bilaabi hadan isdhaho dagaalka ku laabo tamar ma lihi lkn hadaan cuno cunto caadi baan noqon mxaa sababa dr
SomaliDoc:
Astaamaha aad tilmaantay waxay u eg tahay in sonkortaada ay dhacayso ee halkaan aka khriso waxa laga wada sonkorta dhacdo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,722.0.html
Shaaficifalcoa:
tnks dhakhtar waan akhristay jwbtiina aadbaana u mahadsantihiin ani wax dhakhtar ah uma tegin balse arinkani asbuucii hal mar ama labamar ayu igu dhacaa markay igu dhacdana ilaa aan cuno cuno ma joogi karo hadaba ma waxaan sameeyaa oo iska cuno sonkor leh sidaa tilmamaha aad I siisay mise dhakhtar ayn u tagaa una sheegaa calamadahan si la iigu cadeeyo oo aan daawo u qaato
SomaliDoc:
Haddii aad samaysid howl culus oo aadan horay u samayn jirin dhib malahan inta jirka uu kala qabsanayo howsha culus ayaa sii dareemi doontaa.
Haddii aad jimicsi bilawday waa muhiim in aad cunno kugu filan oo isu dheelli tiran aad qaadataa.
Haddii rabitaanka cunnad kugu yaryahay ama xilliyadi aad cuni jirtay aad badashay waa in aad cunnadaada habaysataa.
Haddii intaasba aysan jirin oo isku sii aragto waa in aad dhakhtar la xiriirtaa.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version