Author Topic: Su'aal: Hida socodka cudurka SQUINT?  (Read 3322 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hafido

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Su'aal: Hida socodka cudurka SQUINT?
« on: September 07, 2015, 04:53:07 PM »
Asc
Waxan rabay inaad faahfaahin iga siisaaan hida socodka cudurka SQUINT.

MAHADSANIDIIN




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hida socodka cudurka SQUINT?
« Reply #1 on: September 09, 2015, 01:01:17 PM »
Weershanimada ama indhaha oo kala wareegsan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Squint" am "Strabismus".
Halkaan ka baro waxa uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2959.0.html

Haddii aan u gudbo su'aashaada, inkastoo dhakhaatiirta indhaha ay muddo isku khilaafsanaayeen in weershanimada ay dhaxal ku timaado iyo in kale oo doodo badan la isla dhex maray ayaa 10-kii sano ee ugu dambaysay hadalka ku soo gabagaboobay in dhaxal ku imaan karo ama dhaxal la'aan.

Inta aan la ogaan dhaxalka noociisai yo tafaasiisha waxay dhakhaatiirta in la kala dhaxlo ku doodi jireen in weershanimada ay ku kala duwan yihiin qawmiyaatka ama qoysaska oo dad gooni ah aad ugu badan yahay taasoo tilmaamayso in dhaxal meesha aysan ka marnayn.
Waxaa kaloo jira xitaa weershanimada labadoooda nooc ay ku kala duwan yihiin dadka ku kala nool wadamo kala duwan.

Waxaa kaloo la arkay mataanayaasha laga abuuray halka ugxan oo aadka iskugu eg in ay weershanimada ay wada yeelan karaan qiyaastii boqolkiiba 80% meesha mataanaha kala ugxanta duwan in ay kala duwanaan karaan oo hal mid kaliya qabi karo weershanimada qiyaastii boqolkiiba 40%
Taasi waxay sii xoojisay fikrada dhaxalka.

Ugu dambayn waxaa warka soo gabagabeeyay diraasad lagu ogaaday in weershanimada lala xiriiriyay cillad ku timid koromosoomka ama hide wadaha 7-aad ee biniaadanka ku jiro.
Waxaana lagu arkay qoysas gooni ah, inkastoo dooddii dhaxalka soo afjartay laakiin weli way jiri karaan in cillada dhaxalka ay ku kala duwanaan karaan cidaha qaar laakiin nasiib wanaag waa la baari karaa haddii aad qoys ahaan iska shakiseen in weershanimada qoyska dhowr qof ka qabaan in ay dhaxal tahay.

Waxaan filayaa in aan ka jawaabay su'aashaadii.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46487
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28924
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18444
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95964
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27094
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc