Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

(1/1)

Abdi21:
waxaan marar badan isku arka in halmar laabta i ololee feeraha j caburayaan aniga dhana si aan ahay aan garan waayayo ilaa aan ka shakiyo wadno xanuun miyaa ku soo haya lkn alx xoogaa kadib ayaan dareemaa matag markaan matago waxan matagaa biyo dhamaan acid ah amaba abuur dhanaan ah dhaqtarka wuxuu ii soo qoraa kaniiniyo isu magac eg oo lamrazole adiga ilmo zole isku ah sideen ku yaryn karaa icidka amaba ku ciribtiri karaa mahadsanid

SomaliDoc:
Abdi, waxaa muhiim ah marka hore in aad ogaatid waxa keenay acid-ka ma bakteeriyo gaaska keento oo la dhaho "H.pylori" miyaa jirta.
Haddii bakteeriyadaas ay kugu jirto daawooyinka aad tilmaantay waa kaalmaati kaliya oo xanuunka kaa bixiyo mayo ilaa aad qaadati daawo antibiotic ah oo lagu dilo bakteeriyada looguna talagalay.
Laakiin waan in lagaa baaraa marka hore oo saxarada, dhiigga ama neefta intaba waa laga baari karaa (saxarada ayaana fiican).

Haddii bakteeriyadaas ay negative tahay waa in aad habaysataa cunanda si acid-ka u yaraado.
Akhriso xanuunka gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html
Akhriso cunnooyinka gaaska yareeya: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5963.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version