Author Topic: Su'aal: Nushnushleyda madaxa ilmaha yar?  (Read 32356 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Elmi Hirabey

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Nushnushleyda madaxa ilmaha yar?
« on: September 06, 2015, 05:41:12 PM »
Asc, waan u mahad-celinayaa dhakhtarrada fursadaan qaaligaa noo ogolaadey.
   su'aasheydu waxay tahay : waxaan wada ognahay in ilmuhu markey dhashaan ay madaxa kuleeyihiin  meel yar oo jilicsan oo aan lafta madaxa laheyn isla markaana dhaqdhaqaaqda , haddaba abuurista kasakow cilmiga caafimaad ahaan maxaa Lagu macneeyaa ? majiraan caruur kudhalata ayagoon laheyn ? meeqa jir ayey kubuuxsantaa ? haddii ilmaha wax uga dhacaan dhib intee le'eg ayey sababi kartaa ? in wax adag sida caleen lashiidey ama malmal IWM lamariyo maxaa kadhalan kara faa'iido iyo khasaaro ? .
  ALLAAA MAHAD LEH.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Nushnushleyda madaxa ilmaha yar?
« Reply #1 on: September 07, 2015, 02:11:40 PM »


Nushnushleyda ama meesha jilicsan ee basada caruurta yaryar ku taallo waa abuuris ilaahay ugu talagalay faaidooyin badan inta ay ka daboolmayso.
Hooyooyin badan ayaa ka walwala ama is weydiiyay nushnushleyda caruurtooda in ay cilladi keeni karto iyo in kale.
Waxaan qoraalkaan kaga jawaabi doonaa su'aalo badan oo waalidku isweydiiyo:

Waa maxay Faa'idada Nushnushleyda?
Meel kasta oo jirkeena ka mid ah waxaad ka baranaysaa awoodda ilaahey iyo mucjisada ka dambaysa abuuristeeda, ogow markaas faa'idada ka dambaysa ama ha ogaanin, mar waliba waa in aad aaminsan tahay in ay macno leedahay abuuris kasto uu eebe wax u abuuro.
Nushnushleyda waa boos banaan oo u dhaxayso lafaha madaxa qeybteeda hore, waxaana si toos ah halkaas basada uga hooseeyo maskaxdii cunugga.
Waxay xirantaa ama daboolantaa inta u dhaxaysa 7 illaa 19 bilood gudahood iyadoo ku xiran marka korriinka maskaxda uu dhamaado.
Faa'idooyinka illaa iyo hadda la og yahay ee nushnushelyda waxaa ka mid ah:
  • Korriinka maskaxda caruurta oo weli sii jirto taasoo hadduu madaxa wada daboolan yahay aysan maskaxda kori karin tasina halis ku ah caruurta haddii ay dhahshaan iyagoo aan lahayn nushnushleyda.
  • Nushnushleyda waxay yaraysaa cilladaha ka dhalan karo markuu madaxa dhallaanka ay jug gaarto, wuxuu ilaahay ugu talagalay in hadduu cunuga meel ka soo dhaco ama marka uu dhalanayaba in lafaha madaxa is dul fuuli karaan iyadoo wax cillad ah maskaxda aysan gaarin maadaama maskaxda meel ay ka nafisto ilaahay u baneeyay, maadaama caruurta hal sano iyo bar inta ay ka yaryihiin ay u nugul yihiin in hooayda ay ka fakadaan jugtane badanaa madaxa ay u badan tahay in ilaahay ku badbaadiyo maskaxda curdanka ah ee dhallaanka.
  • Nushnushleyda waa meel ay dhakhaatiirta ka qiyaas qaataan xanuunada caruurta yaryar, waalidkuna waa inuu fahmaa macnahada caafimaad ee ay ku fadhiso, haddii nushnushleyda ay aad u diisanto ama hoos u dhiganto waxay tilmaamaysaa in cunugga uu fuuq baxay oo u baahan yahay in la fuuq ceilyo, haddii nushnushleyda ay soo buuxsanto ama soo kuusanto waxay tilmaan u tahay in cadaadiska maskaxda uu kordhay sida xanuuunka ku dhaca maskaxda ee qoorgooyaha loo yaqaan "meningitis" oo lagu fahmo caruurta yaryar in xanuunkaa dilaaga ah ku soo socdo iyo in kale khaas ahaan hadduu cunugga uu leeyahay qandho saa'id ah, sidaas daraadeed haddii ay hooyadu aragto in nushnushleyda cunugeeda isbadal ku dahco oo uuna xanuusan yahay waa in ay dhakhtar u tagtaa, Ogow cunuga markuu oynayo way soo kuusan kartaa nushnushleyda taasina dhib ma lahan.
    iska baro xanuunka "meningitis", waa muhiim, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5470.0.html

Maxaa keeno in nushnushleyda ay boodboodo ama garaacanto sida wadnaha oo kale?
Nushnushleyda oo garaacanto wax dhib ah ma keento caafimaad ahaan, waxayna badanaa hooyadu ay arki kartaa markii ay nuujinayso.

Ma taaban karaa nushnushleyda, haddii aan salaaxane ma dhib ayaa ka imaan kara?
Hooyooyin waxaa jira aaminsan in aan nushnushleyda la taaban karin oo cunuga dhib u imaanayo.
Taabashada wax dhib ah ma lahan, markaa cunuga u qubaynaysid oo kale wax dhib ah ma lahan, waxa la diidayo waa in la riixo ama la cadaadiyo kaliya, waana muhiim in aad ka ilaaliso caruurta yaryar ee guriga la joogto.

Waxyaabaha la mariyo sida malmasha iyo geedo daaweedka kale, maxay taraan?
Caafimaad ahaan wax sal iyo raad leh maahan, sidaas awgeed waxaa habboon in aadan waxba marin oon waxna ku samaynin, waqtigii ilaahay ugu talagalay ee ay maskaxda korriinka dhamaysato isagaa xirayo waana sababta ay ugu kala duwan yihin caruurta xagga korriinka maskaxda, qaar ayaa dhakhso u kortaa, nushnushleydane daboolantaa muddo gaaban, laakiin haddii aad sii aragtid nushnushleyda oo furan 19 bilood ka dib, markaas la tasho dhakhtar.

Caruurta la'aanteed ma ku dhalan karaan?
Haddii cunuga uu dhahso nushnushley la'aan waa in aad dhakhtar caruur si dhakhso ah ula tashataa, maxaayeelay korriinka maskaxda cunugaas ayaa hali ku jira, badanane xanuuno caruurtu ku dhashaan oo maskax yari keeno ayaa jira.

Haddii nushnushelyda ay xermi wayso ma keeni kartaa in madaxa cunuga uu weynaado?
Maya, ma keento laakiin hadduu cunuga madax barar ku dhasho waxaa dhici karto in nushnushleyda ay xirmi wayso ama soo daahdo sida xaaladda loo yaqaano "hydrocephalus" oo kale, ka akhriso halkaan waxa ay tahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3834.0.html

Haddii aad wax su'aal ah qabtid, iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ali Muxsin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Nushnushleyda madaxa ilmaha yar?
« Reply #2 on: September 08, 2015, 11:53:52 AM »
ASc marka hore waa mahadsantihin inta cilmimga caafimaadka u saaxibka ah.
waxaa suaal ka qabaa Nushnushleyda madaxa ilmaha yar.
cunug jiro 1bil oo 3 nushnusley leh macnaha 3 meel oo madaxa ku leyahay nushnushleey  dhib mey leedahay waayo wax arki jirnay hal nushnushley cunuga inuu yeesho

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Nushnushleyda madaxa ilmaha yar?
« Reply #3 on: September 09, 2015, 01:18:38 PM »
Badanaa caruurta markay dhashaan laba meel ayaa jilicsan, mid basada hore ku taallo oo la wada yaqaano iyo mid gadaal ku taallo dhinaca qadaadak, taasi badanaa lama arko maadaama ay dhakhso xiranto.
Midda sadaxaad aad sheegtay halkee ku taallaa? ama halkee ku aragtay?, cunugane meeqo bilood ayuu jiraa?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maraqa gaar ahaan maraqa madaxa xoolaha?

Started by Diihaal GuutoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11032
Last post April 24, 2016, 03:11:28 PM
by SomaliDoc
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44196
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Joogto U Xiirida Timaha Madaxa, Dhib Miyaa Ka Imaan Kara?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17121
Last post January 29, 2012, 12:07:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Caanaha naaska dhagaha ilmaha malagu shubi karaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12527
Last post February 06, 2016, 02:44:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ilmaha markay yaryihiiin la garaaco mxay u dhibi kartaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 36319
Last post February 28, 2016, 02:40:13 PM
by SomaliDoc