Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Maxaa keeno saxarada inay la socoto wax candhuuf u eg?

(1/1)

Ibnu muhammad:
Sln kadib waad ku mahadsantihiin shaqada aad bulshada u haysaan.
Maxaa keeno saxarada inay la socoto wax candhuuf u eg, ama mararka qaarba aad saxarooto cadhuufti laftirkeedi? Caloosha oo kaligeed buuqda ama sheekaysato? Shukran lakum.

Mo Digdig:
Inkastoo aysan wanagsaneyn inan ka hordhaco dhaqaatiirta webka, hadana wixi karaankeyga ah wan kaa caawinayaa walal.
Astaamaha su'aashaada waxaa iska leh gooryaan calooleed , in kasto an u daayay dhaqaatiirta sharafta leh , inay noo wada iftiimiyaan jawbta saxda ah ee Su'aashaada bro Ibnu Muhammad. Waad mahadsantihiin

SomaliDoc:
Waxa candhuufta camal oo aad tilmaantay waxaa la dhahaa "mucus" dadka qaar waxay u yaqaanaan "axal" waxay astaan u tahay infekshan caloosha inuu jiro waxyaabaha keeni karo waxaa ka mid ah gooryaanka iyo bakteeriyada caloosha ku dhacdo laakiin waxaa ugu caansan cudurka jaarda laambiyaha ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,837.0.html

Fadlan la xiriir dhakhtar oo saxarada iska baar.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version