Author Topic: Su'aal: Haweenka Uurka leh ee aan saxaroonin?  (Read 9295 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Haweenka Uurka leh ee aan saxaroonin?
« on: September 11, 2015, 03:49:05 PM »
ASC DR. Haweenka uurka leh (lix bilood ka dib) haddii aysan saxaroon muddo todobaad ah, ama ay saxaradu ku adkaato, daawooyinka sida feeradana ay qaadan weyso lalabo darteed, xaaladdaani maxay tahay Dr? Daawooyinka caloosha socodsiiya ma la siin karaa?
Mahadsanid.
Mahadsanid.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Haweenka Uurka leh ee aan saxaroonin?
« Reply #1 on: September 13, 2015, 12:49:05 PM »
Calool fadhiga wuxuu ka mid yaha dhibaatooyinka laga fisho haweenka uurka leh, calool fadhiga wuxuu ka yimaadaa hormoon hooyada uurka leh ku bato oo ilaahay ugu talagalay inuu dabciyo murqaha minka maadaama ilmuhu ay korayaan, wuxuu kaloo yareeyaa socodka iyo dhaqdhaqaaqa mindhicirrada, sidaasne waxaa ku dhasho calool adeegga.
Way jiraan daawooyin caloosha jilciyo oo aan uurka saamayn ku lahayn waxaa ka mid ah sharoobada la dhaho "lactulose syrup", haddii sharoobadu wax tarin waa in "enema" loo sameeyo ama daawo saxarada jilciso oo sumboosto ahaan loo isticmaalo.
Wixii talo kale oo dabiici ah iyo waxyaabaha kale ee laga filan karo uurka ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1203.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?

Started by CeeblaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 75422
Last post June 28, 2015, 11:26:21 AM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa sababa gabadha uurka leh oo aan kaadida xejin karin?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 39651
Last post March 30, 2011, 01:35:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20456
Last post May 14, 2011, 10:14:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xulbadu maxay u tartaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurjiifka ah?

Started by FarhyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25833
Last post July 05, 2016, 11:28:25 AM
by SomaliDoc
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 23586
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc