Author Topic: Su'aal: Allergi Ayaan Qudaarta Qayb ka mida ku ahay?  (Read 4378 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dooyaale

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Allergi Ayaan Qudaarta Qayb ka mida ku ahay?
« on: September 10, 2015, 11:10:58 PM »
Asalamu Calaykum Wr Wb : Halkaan waxaan mahadnaq balaaran iyo salaanba ugu gudbinaa Takhaatiirteena , Waxaana leeyahay Allaah miizaamkiina ha idinkugu daro camalkaan. Caafimaad waara iyo Cimriyo cibaado dheerna Allaha idinku Arzaaqo.
-Intaa ka bacdi suaasha aan halkaan kusoo gudbinaa, waa sida tan : Takhtar waxaan in muddo ahba ama ilaa yaraantaydii qabay SANBOOR. Balse muddo hadda sanad laga joogo ayaan isku arkay, calaamado cusub , sida  qudaarta qaar markaa cuno ayaan ku xajiimoonaa. Qaabka xajjiintuna waa anigoo dibnaha/faruuryaha, sanka, ilaa dhabaxanagu i cuncunaan.
-
 Kedibna sanboorkii igu soo kacaa, qudaarta iigu darana waa BARADHADA CEERIINKA AH iyo TUFAAXA, iyo Karootada. Takhtar waan u tegay waxuuna i dhahay  ISKA JIR KANA DHEEROOW WAXA AAD ALLERGIGA ku tahay.

Marka heer hadda waxaan maraa, markaa baradhada suugo ku karsanaa aan gacmaha, wax gashto, wejigana maro ku duubto.
Xitaa markaa karkeedaa i dhibaa , lkn hadday bislaato ima dhibto, qudaarta kalena waa iic aadi sida MOOSKA, iyo dhammaan qudrada kale.

Bashiir




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Allergi Ayaan Qudaarta Qayb ka mida ku ahay?
« Reply #1 on: September 11, 2015, 01:42:45 PM »
Marka hore waan ku faraxsanahay in aad u fiirsatay waxa ku dhibayo maxaa yeelay dadka badanaa iigu dhbaatooyinka xasaasiyada ma garanayaan waxa dhibayo waana dhib in qofka wuxuu dhibsanayo la ogaado waxay noqon kartaa wax uu cunay, wax uu labistay wax uu isku carfiyay, wax uu neefsaday, waxyaabo badan ayaa keeni karo.
Samboorka, xajiinta iyo neefta iyo cuncunka indhaha intaba waa wax allerjiga ka dhasho, dadkane way ku kala duwan yihiin waxa keneo, qofka intaba wuu isku qabi karaa, marmarka qaar wax ka mid ah, marmarka qaarne way isbadali karaan, haddii samboor aad lahaan jirtay neef way kugu dhici kartaa, haddii xajiin jirka aad lahaan jirtay indhahay way u gudbi kartaa haddii gacmaha xajiin ka qabi jirtay faruuryaha ama meelo kale oo jirka ka mid ah way u gudbi kartaa.

Intaa haddii aan ka soo gudbi, inta aad tilmaantay ee tufaaxa, baradhada iyo karootada cayriinka ah waa nooc ka mid ah allerjiga waxaana qofka bararo afka waxaana loo yaqaanaa cilladaan "birch pollen allergy" maadaama intaba ay leeyihiin waxa la yiraahdo "birch", halkaan waxaad ku arki kartaa diraasad lagu sameeyay caruurta allerjiga ku ah qudaartaan: http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/6846743

Allergy-gaan daaweyntiisu waa in aadka fogaatid waxa aad dhibsanayso ma jirto daawo inta lagu siiyo aad kaga fiicnaanayso xajiintaada, waxaa jiro uun daawo markii uu kugu kacsan yahay kaa dajinayso kaliya.
Sidaas awgeed waa muhiim in qofka uu ogaado waxa dhibayo si uu isaga ilaaliyo.

Haddii ay soo laalaabtaan oo allerjiga siyaado noqdo waxaa dhici karto in lagu siiyo cirbad ka hortag oo jirkaaga muddo ku jirayso laakiin qof walba waxba kama tarto cirbadaas, dadka qaar ayaa ku nafiso oo kaga nasto xajiinta.

Akhriso Sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html
Akhriso Cuncunka Indhaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5764.0.html
Akhriso Neefta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html
Akhriso Xajiinta Gacmaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1091.0.html
Akhriso Allergy-ga guud: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid waad na soo waydiin kartaa.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaan bartaa? Halkee ayaan ka bartaa?

Started by SomaliDocBoard I want to Study Medicine

Replies: 1
Views: 317368
Last post June 09, 2018, 12:51:13 AM
by Ahmed_Carab
Su'aal: markii aan cayaaro Kubada dhididka cirbad la igu duraayo ayaan moodaa?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24418
Last post May 23, 2011, 07:44:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?

Started by NasiimaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 25969
Last post April 10, 2016, 11:10:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: dhowr sano ayaan isku arka qanjiro iskaa kee bararaya?

Started by Cariif2020Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18179
Last post July 16, 2016, 02:09:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cilada naaso bararka runti dhib weyn ayaan ku qabaa?

Started by Dada AmiinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24271
Last post October 31, 2016, 04:11:20 PM
by SomaliDoc