Author Topic: Boogaha Cudurka Macaanka iyo ku Bogsoshada Malabka - Qoraal muhiim ah.  (Read 53901 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association


Bismillahi Raxmaani Raxiim..

Waxaan rabaa maanta in aan idinla wadaago mawduuc aan in muddo ah baaris iyo tijaabin ku waday oo ku saabsan ku daaweynta malabka nabraha iyo boogaha uu keeno xanuunka macaanka ama sokorowga sida dadka qaar ay u garanayaan.

Waa maxay Nabraha ama Boogaha Macaanka?
Dadka qaba cudurka macaanka waxay u nugul yihin in ay yeeshaan nabro ama boogo badanaa ku samaysmo lugaha iyo cagaha hoose ee jirkooda.
Waa maxay macaan ama sonkorow? Ka baro halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,623.0.html
Sababaha arintaas ay ka dambaysane waa in macaanka uu yareeyo dareenka lugaha taasina ay keeni karto in qofku si sahlan uu dhaawac isku gaarsiin karo isagoo aanan dareemin oo uu ku baraarugo muddo ka dib in lugtiisa ay boog ama nabar yeelatay.
Sida aan wada ognahayne cagaha waa meelaha jirka ugu jeermis badan, hadduu nabar gaaro way sahlan tahay in jeermiska uu ku faafo, nabarkane uu sii qodmo taasoo keeni karto in infekshankaas jirka qeybihiisa kale u gudbo ama xubintu ay dhimato kadibne la gooyo.
Midda kae oo muhiimka ah ayaa waxay tahay in nabraha macaanku aysan dhakhso ku bogsanin maadaama sonkorta ay saamayso xididada yaryar ee cagaha iyo lugaha gaarsiiyo qulqulka dhiigga, hadduu meeshii dhiig fiican soo gaaraynin, raysashadiina way daahaysaa.
Waxaa intaa ka sii daran, hadduu meesha nabar ay yeelato, jeermiskii si xad dhaaf ah ayuu ugu tarmaa maadaama bakteeriyada ay helayso dheecaan macaan oo sonkor leh, bakteeriyadane way jeceshahay wayna quudataa sonkorta.
Intaas oo la isku daray waxay keentaa dhibaato in muddo ah dhakhaatiirta wareerisay in nabraha aysan si sahlan ku bogsanayn, xitaa haddii daawo qallajiyayaal la qaato, bakteeriyadii wax aad u wayn ka tari mayso.
Dhayidda nabraha macaanka waxay qaataan dhowr bilood si qofka uu uga raysto, waa haddii lagu guulaysto in daawada ay nabarka wax ka tarto.

Awooda jeermis dilidda malabka:
Malabku in muddo ahba waa la ogaa in awood jeermis dil cajib ah uu ilaahay ku abuuray, cilmibaarisyo aad u badan lagu sameeyayne waa lagu arkay in jeermis delis kaliya aysan ahayn laakiin nabraha bogsashadoodane uu dadajiyo.
Waxay faraaciintii hore meydadka boqoradooda ku xifdin jireen malabka, isagoo aanan is badalin ayuu meydka boqolaal sano ku dhex jiri jiray gasacyo malabka oo waaweyn oo ay ugu talagalayn in meydadka lagu xifdiyo, taasi waxay cilmibaarayashu ka tilmaansadeen in malabka uu jeermis walba noocay ahaataba uu ka adag yahay.
Laakiin iyadoo saasi la og yahay, weli malabka ma helin ogolaansho ay dhakhaatiirtu u adeegsan karaan in ay ku daaweeyaan cudurrada jeermiska bakteeriyada ay keento.Waxaa intaa sii dheer in shirkadaha daawooyinka sameeyo oo maalin kasta faa'ido balaayiin lacago dollar ah, wax kasta oo looga maarmi karo daawooyinkooda dagaal culus ayay diyaar u yihiin in ay la galaan iyagoo adeegsado awood syaasadeed, awood warbaahin, awood bahdilid iyo awood cabsi galin iyagoo ka cabsiiya dhakhaatiirta haddii ay qoraan wax aan la ansixin in ay ku wayn doonaan laysansiga dhakhtarnimo ama ka cabsiiyo dadweyna in ay halis tahay in la adeegsado daawooyin aan la ansixin.

Dhakhtar ahaan maxaa kula gudboon:
Anaga maadaama aan nahay dad muslimiin ah wixii aan daliil dhinaca diinteena u heysano inuu caafimaad leeyahay isagaa kaga kalsooni badan nahay wixii cilmibaaris lagu ogaado, laakiin wixii ka soo heray oo kiimiko ama daawo dhireed ah ma diidanin in baaritaan la marsiiyo kadibne markii la isku waafaqo inaysan dhib lahayn oo la adeegsan karo in aan bukaanadeena ku daaweyno.

Isbabardhig: daawada kiimikada iyo malabka:
Maadaama aan ka soo hadalnay awooda malabka uu ilaahay siiyay inuu jeermis walba ka adag yahay, waxaa cilmi ahaan soo muuqatay cadaymo aanan la inkiri karin oo aanan laga indha daboolan karin, taasoo danta ku qasabtay shirkadaha ama dhakhaatiirta qaar in laga ogolaado isbitaalada in loo isticmaalo ku daaweynta nabarada sonkrota maadaama ay daawooyinkii kale ku fashilmeen.
Laakiin taasi macnaheeda ma ahan in ogolaansho loo helay in malabka lagu daaweeyo nabar kasta, maadaama weli daawooyinkii kiimikada ahaa aysan ka quusan nabraha kale!!
Laakiin waxa mucjisada ah ee la filanwaaga noqotay ayaa waxa ay tahay, maadaama macaanka dhibkiisu uu yahay sonkorta jirka ku badatay, qofkii macaan qabane laga ilaaliyo wixii sonkor leh oo dhan, sidee malabka oo aan ognahay inuu macaan yahay loogu daaweyn karaa nabraha ka dhasho cudurka macaanka?! waxa la filanayo waa inuu nabarka ka sii dari doono oo sii fashfashi lahaa?
Laakiin taasi ma dhicin oo waxaa dhacay wax cajiib ah oo aad loola yaabay, waxaa la arkay nabarkii inuu qallalay, nadiif noqday, maalmo ka dibne boogtii ay soo buuxsantay oo hilib nadiif ah soo galay, laba illaa sadax usbuuc ka dibne nabarkii wuu wada bogsaday isagoo aanan yeelan wax haaro ah ama tilmaamayo in meeshaan ay boogi ahaan jirtay.

Subxaanallah!
Arintaasi waa arrin qofkii aanan rumeysneyn eebe iyo awooddiisa caafimaad ee malabka ka fajacin karto, maxaa yeelay arintani waa wax khilaafsan miisaankii iyo aqoontii ay dhakhaatiirtu wax ku qiyaasan jireen.
Waxay dhakhaatiirtu ogaayeen in nabraha macaanku uu keeno ay badanaa u dambayso in suulka ama farta boogta yeelatay in la jaro, haddii jariin ay ka badbaadane in bogsashadeeda ay qaadato in ka badan 6 bilood, waxay kaloo ogaayeen in markasta oo nabarka macaanka la dhayo inuu xoqitaan ama hoolis joogto ah u baahan yahay si unguyada dhintay looga saaro meesha, waxay kaloo ogaayeen in nabarka markuu jeermiska ka dhinto xitaa in maqaar lagu talaalo meesha boogta ah ay qasab tahay.

Cilmibaaris isa soo tartay kadib iyo arintii oo noqotay wax aan la hor istaagi karin, waxay shirkadihii loolan kulul u galeen in malabka ay daawo ahaan u ansixistaan in loo isticmaali karo nabraha sonkorta iyo nabraha ku sameesmo dadka sariiraha saaran ee naafada ah.
Shirkadii ugu horeysay oo ku guulaysatay in loo ansixiyo malabkeeda waxay ahayd sanadkii 2007.
Waxaad halkaan ka akhrisan kartaa arjigii ay ansixisay hay'adda maraykanka ee daawooyinka ee loo soo gaabiyo "FDA" ay ku ansixiyay malabka in loo isticmaali karo nabrahaas, laakiin ogow taasi macnaheeda ma ahan in malabka shirkadaan loo ansixiyay in uu yahay malab gooni ah, laakiin iyagaa waxay ula baxeen magacaan maadaama markii la rabo in la ansixiyo si loogu suuq geeyo, Akhriso: http://www.accessdata.fda.gov/cdrh_docs/pdf7/K072956.pdf

Cimibaaristii intaa kuma sii ekaan ee way sii socotay, dhakhaatiirtii ku taqasustay boogaha macaanka waxay qoreen qoraallo badan oo ay ku sheegayaan in ay yaraatay tiradii bukaanada laga goyn jiray faraha iyo lugaha!!.
Halkaan ka akhriso qoraal ka mid qoraalladii ay qoreen dhakhaatiirtii bilawday isticmaalka malabka: http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/20364754

Tijaabadayda gaarka iyo waxii aan ka faaiday:
Waxaa isoo martay dhowr xaaladood oo 5 ka mid ah ay ahaayeen dad horey looga soo jaray faraha lugaha qaar ka mid ah ama iyaga oo dhan, waxay lahaayen boogo isugu jira kuwa cusub iyo kuwa raagay oo u badanaa suulasha hoostooda, faraha qaarkood iyo cagta hoose.
Waxay qaarkood la soo tacaalayeen boogaha lugahood muddo bilooyin ah iyagoo timaamay in ay soo isticmaaleen daawooyin aad u badan oo isugu jiro cirbado iyo daawooyin loogu talagalay in lagu dhayo nabraha oo waxtarkoodu aanan la tilmaami karin.
Ilaahay mahadiis, kulligood way ku bogsadeen ku daaweyntii malabka inkastoo ka bogsashada ay ku kala duwanaayeen, qofkii ugu dheeraa wuxuu qaatay 53 maalmood gudahood.

Talo ku socoto dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha:
Waxaan kula talinayaa dhamaan dadka la tacaalo bukaanadaan leh boogaha ay sonkorta keentay in ay adeegsadaan malab saafi ah haddii ay heli karaan iyagoo aanan fiirin faaidada ay ka heli jireen daawooyinkii ay dhaymada u isticmaali jreen iyo kuwii qallajiya ahaanta ay u siin jireen bukaanadooda.
Waa inaa ilaalisaa shuruudahaan soo socdo haddii aad rabtid in bukaankaaga uu dhakhso u bogsado:
1- Inta aadan isticmaalin marka ugu horreyso waa in aad nabarka nadiifisaa oo wixii qashin ama unguyo dhintay ka saartaa "debridement" oo markii uu fresh noqdo oo dhiig nadiif ah ka yimaado ka dib ayaa malabka ku shubi kartaa hadduu nabarka uu yeeshay god ama duleel kadibne faashada aad ku daboolysid ayaa malabka marinaysaa waad ku duubaysaa.
2- Dhaymada caadiga ah waxaa lagula taliyaa qofka inuu malain dhaaf ama labadii maalin uu dhaymo u yimaado, laakiin malabka wuxuu u baahan yahay in loo sugo 5 maalin illaa 7 maalmood.
3- Badanaa markuu bukaanka kuu soo laabto inkastoo ay ku xiran tahay heerka nabarkiisa uu marayay markii horeba, laakiin badanaa nabarkoodu wuu qalalan yahay oo dheecaan ma yeeshaan, hadduu nabarku nadiif yahay, waxba dhaqi maysid faashadda iyo bandaajada iyo sharootada ayaa ka badalaysaa malab cusubne waad ku shubaysaa.
4- Waa muhiim in qofka uusan xiran kabo daboolan inta nabarka uu ka bogsanayo ama inuu kabaha xiran dhowr saacadood oo xiriir ah uusan wadan, waxaa kaloo muhiim ha in faashada lugta ku daboolan laga ilaaliyaa qoyaan iyo wasakh in ay gaarto, waa inuusan qofka cag cadaan soconin.
4- intaa ka dib inta la sugayo waxay ku xiran tahay heerka bogsadhada nabarku uu marayo iyo dhaymada inta loo dhaxaysiin karo.
Haddii aad doonayso faahfaahin dheeraad ah, ka fiirso filinkaan qaabka loo dhayo boogaha macaanka adigoo isticmaalayo malab.


Ogow in aad isticmaasho malab saafi ah, haddii nabarku raysan waayo waa in aad ka shakisaa maabka aad isticmaalaysid iyo qaabka aad u dhayaysis - ha hilmaamin in nabarku uu nadiif yahay inta aadan malab ku shubin.
DIGNIIN: FADLAN XABAD SOWDADA HA U ISTICMAALIN NABRAHA IYO BOOGAHA OO IDIL MAXAA YEELAY INKASTOO JEERMISKA AY DILAYSO LAAKIIN NABARKU WUU SII QODMAYAA, XABAD SOWDADU WAXAY U FIICAN TAHAY JUGTA, DHAAWACA MURQAHA IYO BARARKA KALAGOYSYO XANUUNKA LAAKIIN NABRAHA FURAN HA KU SHUBIN HANA MARIN.

Faaidooyinka kale ee malabka, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3929.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaadka ku saabsan aad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46511
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28933
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18450
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95975
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27104
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc