Author Topic: Jugaa igu soo kacday ma sax baa?  (Read 30503 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Jugaa igu soo kacday ma sax baa?
« on: September 06, 2015, 05:45:16 PM »


Inta aad dhakhtar u tagtay ma ku tiri: "jug hadda ka hor igu dhacday yaraantayda ayaa igu soo kacday" dhakhtarkii ma kugu qoslay oo ma ku yiri: "waxaas wax jira ma ahan, jug ku gaartay 20 ama 30 sano ka hor see u soo kaceysaa? wax caqli gal ah sheeg!"

Jawaabtii aad dhakhtarka u sheegi lahayd ayaa la soo helay ee safiican ii fahan si aad dhakhtarkaaga ugu sharxadid, waxaa la aaminsanaan jiray in jug haddii ay ku gaarto oo aad ka raysato in aysan dib u soo laabanin, dadka oranayane way igu soo laabatay waa arrin iyaga ay iska dhaadhicyeen ayaa la dhihi jiray ee wax cilmi ahan sax ma ahan ayaa dhakhaatiirta ka dhaadhacsanayd.

Laakiin cilmibaaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday in arrintaas ay dhici karto, jug kastane aysan ka dhalan oo kuwo gooni ay ka dhalato.

Marka ay qofka jug gaarto, jirka wuxuu isku dayaa inuu kasoo kabsado wixii soo gaaray, haddii jugta ay culus tahay oo qalliin ama daaweyn u baahatane kuma sii jirto, taasi macnaheeda waxay tahay, haddii ay jug ku gaarto in jirkaaga sidii uu ahaa ku laabanayo sax ma ahan, jirkaagu wuxuu isku dayayaa in xanuunka iyo bararka yareeyo wixii xubin dhaawac gaarayne ay bogsato laakiin raad reeb markasta wuu jirayaa.

Jugta soo kacdo waa kuwa gaaray seedaha iyo carjawda ku jiro laabatooyinka khaas ahaan dhabarka qeybtiisa hoose, sinta iyo jilbaha, waxaa kaloo soo laaban karo ama soo kici karo jugta gaarto neerfaha sababta ay dhakhaatiirta u sheegaan labadaas nooc oo jug in ay soo laabtaan ayaa ah in dhaawacyada gaaro neerfaha iyo seedaha murqaha ay u baahan yihiin waqti aad u dheer si ay u bogsadaan, taasina waxay ka timaadaa in unugyada neerfaha iyo seedaha qaarkood aysan dib u soo kori karin oo ay lakab yeeshaan maadaama dib u cusboonaysiinta unugyadaas aysan suura gal noqon karin mararka qaar ama ay u baahan yihiin sanooyin aad u badan.

Waxaa intaa sii dheer waxaad arkaysaa in dadka badanaa ay jugta ku soo kacdo xilliyo gooni ah sida xilliyada qabowga, xilliyada roobabka, xilliyada dabeylaha iyo xilliyada barafka.
Taasina waxaa lagu fasiray isbadalka cimillada ku dahca xilliyadaas in ay isbadal ku sameeyaan cadaadiska hawada sare taasoo u keento bni'adanka isbadal ku dhaca laabatooyinka iyadoo dheecaannada ku jiro kala goysyada ay ballaartaan, taasina ay daqnaysiiso meelihii hore ay jugta gaartay, sidaasne uu xanuunka ku soo kordho.

Dareemista xanuunka xilliyada cimillada qabow waa wax si dhakhso ah loo dareemo, xitaa waxaa arki kartaa in duqowda ay ka dareemaan jilbahooda ama sinankooda inuu jawiga isbadali rabo ama cimillo cusub la galay.

Waxyaabaha kale ee jugta soo kiciyo waxaa ka mid ah hadduu qoka miisaan dagdag ah uu fuulo ama miisaanka si dhakhso ah uga dago, jugta badanaa soo kacdane waa midda badanaa lafdhabarta gaartay maadaama lafdhabarta ay muhiim u tahay isu dheellitirka miisaanka qofka, culeeska badanaane uu lafdhabarta ku dhaco, hadduu qofka cayilo jugtii horay u gaartay si dhakhso ah ayaa loo dareemaa.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad ogaataan in jug kasta aysan soo kicin, waxayna ku xiran tahay jugta soo kacayso sida ay kuu gaartay iyo raadka ay reebi karto iyo in ay ahayd meesha ay kaa gaartay meel kalagoys ah ama neerfe uu maro, laakiin qof kasta oo madax xanuun ka sheegto macnaheeda ma ahan in hada ka hor madaxa aad meel ku dhufsatay darteed uu madax xanuunka kugu yimid, sidaas awgeed waa muhiim in aad kala fahanto jugta soo kacdo iyo midda aanan soo kicin.

Waxaa kaloo cilmibaaris kale lagu arkay dadka qaba xanuunada laabatooyinka khaas ahaan riixa ama waxa afka qalaad lagu dhaho "Osteoarthritis" in ay badanaa ka dhalatay jug qofkaas ka gaartay laabatada riixa uu ka hayo: halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Riixa ama Tufta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html

Marka haduu dhakhtarkaaga ku dhaho: jug ma soo kacdo oo waa khuraafaat, u sheeg in cilmi ahaan loo fasiray jugta inay soo kici karto, noocyada soo kacane ay tahay kuwa aan kor ku soo sheegnay.

Haddii uu awowgaa ku dhaho: "jilibkaa la iiga soo boodayee ma roob baa soo socdo?!
Way dhici kartaa inuu saxsan yahayee, alaabta iyo dharka ka soo aruurso roobka!!!
Haddii ay ayeydaa ku dhahdo: "Sintaa la iga qabtayee ma barafaa soo di'i rabo?!
Way u badan tahayee, dukaanka ka soo adeego ama jaakadaha caruurta u sii dhaqo.!

Awoowayaasheena iyo Ayeeyasheena intii nool caafimaad iyo cimri dheer alle ha siiyo.
Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid noogu soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

Akhriso qoraalladaan la xiriiro casharkaan oo aan horay uga hadlay:
1- Waa maxay Neerfo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html
2- Waa maxay xanuunka neerfaha ee sinta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html
3- Waa maxay xubno xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html
4- Waa maxay seedo xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html
5- Waa maxay dhabar xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,570.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Jugaa igu soo kacday ma sax baa?
« Reply #1 on: September 07, 2015, 02:07:01 PM »
DR. Dadka ay Xabadduhu ku dhaceen oo ay ka dhex baxeen rasaastii amaba muddo dheer xabaddo jirkooda ku dhex jiraan oo inta laga saari waayey rasaasta la iska daayey, xaaladdaasi ayada oo aan la taaban meesha xabaddu ku dhacday, ama ay fadhido, jugta ma soo kaceysaa?
Xabad= (Bullet)
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Jugaa igu soo kacday ma sax baa?
« Reply #2 on: September 09, 2015, 12:29:46 PM »
Way ku soo kici kartaa haddii meesha xabadu ama firirku ku jirto ay cadaadis saaranto ama nuuxsato oo booskeeda ka dhaqaaqdo ama isbadal ku yimaado qybaha ku hareeraysan xabadda ama firirka.
Haddii xabaddu ay neerfo dhawacday ama ay daqninayso xidid neerfe way soo kici kartaa, xanuunkane badanaa joogto ayuu noqdaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Jugaa igu soo kacday ma sax baa?
« Reply #3 on: September 09, 2015, 09:15:06 PM »
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Somalidoc.
Talo SAARO Allaah