Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Cudurada Maqaarka iyo Nefaha?

(1/1)

FARXALAY:
ASC DR WAAN IDIN SALAAMAY SALAAN KADIB LABO SUA'AAL AYAAN QABAA
1-LABADA LUGOOD AYAA WAXAA IGA HAYA CUN CUN SIDII AAN U XOQAYEY WAXAY YEESHEEN FINAN YAR YAR OO QOYAAN LEH DAAWOOYIN BADAN AYAANA QAATAY WALINA WAX ISKAMA BADALI
2-LUGTA MIDIG AYAA I XANUUNEYSA MUDO SINTA ILAA IYO QOOBKA DHAQAATIIR NEERFANA WAAN TAGAY WALINA ISMA BDALIN EE WAXAAD ISIISAA TALO IYO HADII AY JIRTO DAWO AAN QAATO


     MAHADSANIDIIN

SomaliDoc:
Su'aasha 1-aad, waxaan kugula talinayaa ina ad la xiriirtid dhakhtar cudurada maqaar si loo arko lugahaaga iyo finanka ka soo baxay nooca ay yihiin, waxaa jiro xanuuno badan oo lahaan karo calaamadaha aad tilmaantay waana in la arkaa.
Su'aasha 2-aad, waxay u badan tahay xanuun neerfaha sinta galo oo loo yaqaano "Sciatica", ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html
Inkastoo dadka qaar daawooyinka aysan waxba u tarin, laakiin dadbaa ku caafimaada toobinta iyo subaga idaha.
Akhriso Toobinka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6038.0.html
Akhriso Subaga Idaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5927.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version