Author Topic: Geedka Moringa Oleifera  (Read 53292 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Darmaan123

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
Geedka Moringa Oleifera
« on: September 16, 2015, 11:31:32 AM »
Marka hore diktooradu way salaaman yihiin. bacda salaan walal geedka moringa oleifera wax ma ka taraa xanuunka welwelka, sideese loo isticmaali karaa, maxay ka aaminsanyihiin dhakhtaradu geedka moringa oleifera. ma aqoonsan yihiin inuu dawo yahay mase la hubsaday waxtarkiisa?.
Waad mahadsan tihiin wll.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Geedka Moringa Oleifera
« Reply #1 on: February 17, 2016, 03:19:18 PM »


Waxaan ka hadlayaa geedka loo yaqaano "Moringa" oo bilahaan sheekadiisu aad ugu soo badatay bulshada soomaalida dhexdeeda iyo haddii ay wax ka jiraan faa'idooyinka tirada badan ee la sheego in laga helo.

Moringa Oleifera waa geed kumanaan sano loo soo isticmaali jiray siyaabo kala duwan, cunno ahaan iyo daawo ahaanba.

Waa geed la sheego inuu leeyahay boqolaal faa'ido oo aan halkaan lagu soo koobi karin, waana geed aad loogu sameeyay baaritaano cilmibaaris oo kaal duwan, haba u badnaan baaritaanandaas in lagu tijaabiyay xayawaanka.

Sidaa darteed waxaan halkaan ku sheegayaa kaliya 6 faa'ido oo la xaqiijiyay inuu faa'ido u leeyahay bini'aadanka, iskuna waafaqeen cilmibaarisyo kala duwan.

  • Moringa waa geed aad u nafaqo badan: hal koob oo caleenta geedka markii la shiido waxaa ku jiro 2 gram oo protein ah, Vitamin B6 19%, Vitamin C 12%, Bir 11%, Vitamin A 9% iyo Magnesium 8%. waa geed caleentiisu iyo jiridkiisuba aysan kala yaraysan xaggan nafaqada. waxaa jiro kaniiniyo capsule ah oo laga sameeyay caleenta geedka oo la shiiday, loona adeegsado fitamiin ahaan, waxaana la siiyaa dadka nafaqo darrida hayso.
  • Moringa waxaa ka buuxo waxa loo yaqaano 'Antioxidant': waa walxo jirka kala dagaallama wixii sun ku ah, sidaas darteed walxahaas uu la dagaallamo waxay keenaan wadna xanuunka iyo sokorta nooca 2, walxaha la dagaallamo sunta oo laga helay geedkaan waxaa loo yaqaanaa "Quercetin" iyo "Chlorogenic acid" kan hore wuxuu hoos u dhigaa dhiig karka, kan dambane wuxuu hoos u dhigaa sokorta khaasatan markii wax la cuno kadib, si marka maadadaan faa'idada leh jirkaaga in ku filan aad u heshid, waxaa lagu taliyaa hal qaado oo budada geedka shiidan in aad maalin walba isticmashid muddo sadax bilood oo isku xiga.
  • Moringa wuxuu hoos u dhigaa sokorta: dhowr baaritaan oo lagu sameeyay dad qaba sokorta, waxaa la arkay in sokorotoodii aysan u kicin siday u kici jirtay, daawadii ay qaadan jireene cabirkeedii hoos u dhigmay, isbadalka la arkay waxay ahayd in sokorta hoos u dhacday boqolkiiba 21% markii la isticmaalay 50 grams muddo 3 bilood ah.
  • Geedika Moringa wuxuu hoos u dhigaa infekshanka: khaasatan infekshanka qofka muddada dheer soo hayay oo difaaca jirka la qabsaday waxay ku caawisaa in awooda difaaca jirka ay kordhiso si infekshanka heerkisia loo yareeyo, maadada ku jirto geedka oo difaaca kordhiso waxaa loo yaqaanaa "Isothiocyanates"
  • Moringa wuxuu hoos u dhigaa kolestaroolka: diraasado kala duwan oo lagu sameeyay xayawaanka iyo bini'aadankaba waxaa lagu arkay in kolestarool ama dufanka dhiiga uu hoos u dhacay markii la siiyay geedka Moringa.
  • Moringa wuxuu jirka ka ilaaliyaa sunta loo yaqaano "Arsenic": suntaan oo siyaabo kala duwan qofka u soo gaari karto, haddii ay dhacdane badin karto jaaniska inuu qofka kansar ku dhaco, waxaa la arkay dadka isticmaalka Morniga joogteeyo in ay sunta ka hortag uga tahay.

Haddaan soo koobo qoraalkaan, Geedka Moringa waa geed asalkiisu ka soo jeedo dhulka hindida, waxayna u isticmaali jireen weligood in ay ku daaweeyaan xanuuno badan, waana geed meelo badan ka bixi karo haddii lagu beero oo ay ka mid tahay dhulalka soomaaliya, wayna jiraan dad guryahooda ku beertay s ay uga faa'ideystaan.

Haddii aad leedahay xanuunka wadnaha, sonkorta, dhiig-karka ama kolestaroolka, waa in geedkaan la saaxiibtaa.
Haddii ay nafaqo darri jirto ama cunnadaada aysan isu dheelli tirnayn iyaduna waa kuu muhiim in aad cunnada ku darsato.

Midda ku saabsan welwelka, waxuu ka mid yahay waxyaabaha badan ee la sheego in lagu daweeyo, laakiin ma arag cilmibaaris u gaar ah arrintaan oo ku talinayso in daawo welwel ahaan loo qaato.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalah: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Msaxane

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Geedka Moringa Oleifera
« Reply #2 on: March 13, 2016, 12:08:10 PM »
Salamu Calaykum

Waxan idiin sheegayaa geedkan Moringa inuu ku yaalo oo ka buuxo miyiga dhulka Somalida si dabiici ah,
Gaar ahaan Waxan anigu ku arki jiray dhulka howdka ee koonfur kaga beegan Burco.
Dadku ma yaqaan reer miyiga halkaas
Joogaa wax uu taro,
Xataa magacisa ma aqoon deegaanka looga yaqaan.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Geedka Moringa Oleifera
« Reply #3 on: June 17, 2016, 10:09:19 AM »
Dr. Waxaad sheegtay in la isticmaalo caleenta oo shiidan, waxaa su'aal ah; caleenta oo qoyan miyaa la shiidayaa mise caleenta oo la qalajiyey?
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Geedka Moringa Oleifera
« Reply #4 on: July 05, 2016, 11:35:20 AM »
Iyadoo qoyan ayaa la shiidayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Darmaan123

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
Re: Geedka Moringa Oleifera
« Reply #5 on: August 30, 2016, 08:50:06 PM »
aad iyo aad baad u mahadsan tahay diktoor alle khayr haku siiyo jawaab fiican baad iga siisay suaashii aan kaa sugayaye.

Intaa waxaan ku darayaa geedkan waxaan ku beeray xaafada dhexdeeda wuxuuna kusoo baxay 7-cisho gudahood. mudo sanad ahna wuxuu dherer ahaan gaadhay ilaa 4mitir.

waxaan u isticmaalaa xumada, hargabka, hurdo xumada, vitamin yaraanta (sida marka afku nabaro i yeesho). waxaan kale oo u isticmaalaa biyo-sifeeye ahaan. oo biyaha ayuu xareed ka dhigaa ama nadiifiyaa.
waad mahadsan tahay diktoor.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Geedka Moringa Oleifera
« Reply #6 on: October 16, 2016, 06:57:45 PM »
Wixii isbadal caafimaadkaaga aad ka garata nala soo socodsii insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Balqiisahaaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Re: Geedka Moringa Oleifera
« Reply #7 on: June 04, 2017, 05:59:49 PM »
Dr wax dhibaato ah maleh yahay mida kale ilmaha yar OO difaaca jirkooda yar yahay mala siin karaa


 

Maxaad Ka Taqaanaa Geedka Bunka Ama Kafeega (Coffee)?.

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 15561
Last post January 17, 2012, 04:13:18 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?

Started by Ibnu muhammadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 73223
Last post September 02, 2015, 02:45:21 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxay Faa'iidadda Caafimaad Ee Geedka Koostadu?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 53066
Last post February 15, 2016, 08:32:14 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa Kanin laga sameeyo geedka Ginseng?

Started by Harun HurunBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7031
Last post August 01, 2016, 05:59:44 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha layga caawiyo helitaanka geedka (astragalus)?

Started by IdilnuuraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3813
Last post October 13, 2016, 09:51:46 AM
by SomaliDoc