Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: ku saabsan sariingo?

<< < (2/2)

SomaliDoc:
Saliilyo lama dhaho wax jirka aad ka dareento markaa maqashid codad ama shanqaro gooni ah, waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "misophonia" maan ahan cillad ka socoto ilkaha.
Markay cillada jiriiricada ilkaha laga dareemo ayaa la dhahaa saliilyo.
Misophonia waxaa kaloo loo yaqaanaa "selective sound sensitivity syndrome" mana ahan cudur ee waa xaalad dadka qaar ay qabaan oo aan caafimaad ahaan la fasiri karin, dadkuna ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay dhibsadaan.
Waxyaabaha la dhibsado waxaa ka mid ah:
1- Shanqarta ka dhalato markii cidida lagu xoqo sabuurada.
2- Qofkoo wax shanqar leh kugu ag cuno ama kugu ag ruugo sida daangada oo kale.
3- Alaab dhulka lagu jiido oo kale ama carpet korkiisa.
4- Lugahaaga oo qallalan haddaa dharka aad hugsan tahay ku xoqdid oo kale.
5- Codka ka dhasho markii alaabta ay isku dhex daadato khaas ahaan qaadooyinka iyo wixii la mid ah.
6- Jinyeerka surwaalka ama jaakada markii la xirayo oo kale.

Kuwaas kore waxay ka mid yihiin kuwa ugu caansan laakiin waxaa jiro boqolaal waxyaabo kale oo arintaan keeni karo, dadkane way ku kala duwan yihiin.

Manna:
thanks doctor, jazakallah

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version