Author Topic: Su'aal: Ilkaha oo aan ka dareemo Saliilyo, Maxaa keeno?  (Read 20690 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cawil Baashe

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Ilkaha oo aan ka dareemo Saliilyo, Maxaa keeno?
« on: January 13, 2011, 10:24:55 AM »
Adinkoo mahadsan talo iga siiya su'aalahaan soo socda.

1. Ilkaha iyo Gowsahaba waxaan ka dareemaa saliilyo marka aan cabbo wax qabow ama aan cunto wax kulul ama ay ilkuhu dareemaan dabayl ku dhacda (Tusaale ahaan marka aan wax cunayo ama wax cabbayo ilkaha ayaan ka dareemaa sidii in ay i dhalaalayaan ama saliilyo saa'id ah), maxaan u sabab ah maxaanse sameeyaa?

2.  Sidoo kale Cirrid-keyga waxa uu ahaan jiray madow, hadana Cirrid-ka ayaan ka dareemayaa in uu caddaan sii noqonayo ama boor-boor sii yeelanayo  ama uu sii yaraanayo Color-kii madoobaa ee asalka ahaa, "Da'deydana waa 30 jir", maxaa u sabab ah maxaanse sameeyaa si aan dib ugu helo quruxdii cirrid-ka ?

3. Sidoo kale ilaha ayaa iga qodmay salka ama meesha ay ka soo dhashaan ilkaha ayaa i qodantay oo ilkaha salkooda ayaa soo baxaya, maxaa u sabab ah maxaanse sameeyaa?

Aad iyo aad baan idinkaga mahad celinayaa talooyinkiisa wanaagsan ee cilmiga ku dhisan ee aad noogu deeqdaan.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ilkaha oo aan ka dareemo Saliilyo, Maxaa keeno?
« Reply #1 on: January 18, 2011, 06:41:48 PM »


Saliilyada ama waxa caaifmaad ahaan loo yaqaanno "Dentin Hypersensitivity" waa xanuun daran oo qofku ka dareemo ilkahiisa markii wax qabow, wax kulul uu dhadhamiyo amaba dabeel ay ku dhacdo taasoo ka timaada in neerfihii iligga uu banaanka u soo baxay, xanuunka saliilyada waxaa kaloo kicin karo shanqarta iyo cododka qaar.
Saliilyada way iska baaba'daa mararka qaar laakiin hadduu xanuunka jireen noqdo ama aad u daran yahay waxaad u baahantahay in aad takhtar la xiriirito, xanuunka waa mid la daaweyn karo aadna u dhib badan oo xitaa dadka qaar ay ku fakaraan xanunka dartii in ilkaha ay iska siibaan.
Xanuunka badankiis wuxuu bilawdaa markii ciridka uu hoos u dago, xididka iliggane uu soo muuqdo kaasoo u adkeysan karin qabowga iyo kuleelkaba.

Saliilyadu waxay kaloo ku badan tahay dadka jirkoodu ku yartahay maadada Kaalsiyamka "clacium" ama dadka ilkaha ka jiran sida suuska ama bololka ilkaha oo kale.

Ciridka oo guura "Gum recession" waxaa ugu badan oo keeno waa laba shey:
A: In cadaysiga aadka ah uu keeno in ciridka uu durqo (waxuu u badanyahay dadka ilkaha xoogga u cadayo) ka taxaddar!
B: In caabuq ciridka uu ku dhaco kadibna uu baaba'o

Haddii ciridkii eebe ugu talagalay inuu xifdiyo rootka ama jiridda iligga uu ka leexdo waxay keensanaysaa in xididka iligga iyo neerfaha quudiyo ay jiraan tuboyin aad u yaryar oo indhuhu arki karin oo isku xira taasoo xanuunka dareenkiisa keeneyso.
Waxaad uga hortagi kartaa xanuunkaan adigoo ilkahaaga daryeela, si aadne aadan u cadayin.
Waxaa ku daaweyn kartaa saliilyadaan adigoo adeegsada daawada lagu cadeesto oo ay ku jirto potassium nitrate ama strontium chloride.
Daawada noocaas ah waxay yareysaa dareenka neerfaha, dhowr usbuuc kadibne saliilyada way baaba'daa (Isticmaal daawada Sensodyne).
Haddii xanuunka sidaa ku baabi' waayo la xiriir dhakhtar ilko si lagugu qoro daawooyin kale.

Su'aasha labaad iyo midda sadaxaadba jawaabtoodu waa midda kor ku xusan oo ah ciridkaagii uu sii guurayo, ilkaha xididkoodane uu soo muuqday, taasoo ay ka dhalatay caabuq ku dhacay ciridka ama aad si xoog leh aad u cadaysan jirtay ama in ilkaha dhowr jeer laguu dhadiifiyay ama la caddeeyay taasoo ciridka hoos u dhigta.
Ciridka oo bidabkiisa is badala oo cadaan noqdo waxay calaamad u tahay in ciridka uu jiranyahay, siina baab'aayo, la xiriir takhtar ilko una dheeg calaamadahaan cusub ee aad dareemeyso.

Halkaan ka akhriso qoraal looga hadlay caabuqa ciridka "Yiridka".
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1409.0.html

haddii aad su'aalo kale qabtid noogu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Ilkaha oo aan ka dareemo Saliilyo, Maxaa keeno?
« Reply #2 on: January 20, 2024, 12:59:28 PM »
Dr, marka hore waan ku salaamayaa.
Bacda salaan diktoore waxaan dareemaa saliilyo jirka oo dhan ah, khaasatan faraha, marka aan waxyaabaha qaarkood taabto sida dharka qaarkiis ama maryaha, iyo xitaa kabahaygu haday boor iyo carro leeyihiin,
Waxa kale oo iisii dheer haddaan arko qof maradiisa ama dharkiisa afkiisa ku qaniinaya maradiisa waxaan dareemayaa saliilyo aan dhibsanayo, sidii in aan anigu marada qaniinsanahay oo kale.
Markaa DR maxaa sababi kara?.
Thanks DR.
Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.

Offline SomaliDoc_

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Ilkaha oo aan ka dareemo Saliilyo, Maxaa keeno?
« Reply #3 on: March 31, 2024, 11:20:32 PM »


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 56525
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 107684
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58611
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 63318
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29582
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc