Author Topic: Su'aal: 5 jir bilaabay inuu isku kaadiyo isagoo hurdo?  (Read 3850 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ibnu muhammad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 15
  • Points: +0/-0
Su'aal: 5 jir bilaabay inuu isku kaadiyo isagoo hurdo?
« on: September 19, 2015, 11:16:31 AM »
Salaan kadib waxaan waydiin lahaa dhakhaatiirta ilmo 4-5 jir ah oo markiisi hore fiicnaa ayaa wuxuu bilaabay inuu isku kaadiyo isagoo hurdo iyo isagoo soo jeeda labaduba.
Mid kale oo da'daas un jira qufac iyo riiraxyo habeenkii u badan ayuu leeyahay? Mahadsanidiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: 5 jir bilaabay inuu isku kaadiyo isagoo hurdo?
« Reply #1 on: September 22, 2015, 01:49:00 PM »
Ilmo aanan horay iskugu kaadin jirin, haddii ay isku kaadiyaan waxaa keeni karo:
1- Hadduu cunuga xanuunsan yahay, xanuunka noocuu rabo ha ahaado khaas ahaan kuwa qandhada leh.
2- Haddii calooshu fadhiso ama hurdada ka soo kici la' yahay daawooyin la siiyay khaas daawooyinka ilmaha qufaca loo siiyo oo hurdada leh.
3- Haddii cabsi ama welwel soo food saartay cunuga ama inuu qarwo habeenkii.
4- Haddii cimilladu ay is badaleen oo xilli qabow la galay ama meel kale la keenay.

Waxyaabo badan oo sidaas oo kale ayaa keeni karo caruurta in ay isku kaadiyaan iyagoo aanan isku kaadin jirin, waalidku inuu ka walwalo ma ahan haddii aysan joogto noqon.

Talo: dhakhtar u geey ilmaha haddii ay xanuunsanayaan si loo daaweeyo, daawooyinka dhakhtarku kuu qorane waydii waxyaabaha laga filan karo sida inay hurdo leeyihiin oo kale.

Akhriso qoraalkaan ku saabsan isku-kaadinta caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,447.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26459
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21463
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44021
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47815
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29382
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc