Author Topic: Su'aal: Dhiig ma iska shubi karaa?  (Read 4496 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline A/qadir Abdi

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 28
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhiig ma iska shubi karaa?
« on: September 29, 2015, 12:22:04 PM »
Asc Dr. dhakhtar baan u tegay sababtoo ah groin lymph nodes-ka oo xoga iyara bararsan wax xanuunana aan lahayn, mana muuqdo bararkoodu lkn marka la taabto ayaa la dareemayaa. dakhtarkii wuxuu ii diray dhiig. waxaan kaa badhaya buu yidhi neutropenia.dhiigii markaan iska soo qaaday waxaan u keenay warqadii ay ku qornaayeen natiijadii shaybadhku waa sawirka hose e. wuxuu igu idhi wax wayn ma qabtid lkn waxa kugu badan RBC gaaga ama dhiiga cas markaa 1 unit oo dhiig ah iska soo shub. markaa maxad igula talinaysan dr.




Offline A/qadir Abdi

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 28
  • Points: +0/-0
Re: Dhiig ma iska shubi karaa?
« Reply #1 on: September 29, 2015, 12:35:07 PM »
sawirkii wan so diri kari wayay sideen u soo diraa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhiig ma iska shubi karaa?
« Reply #2 on: October 02, 2015, 11:01:27 AM »
Sawirka baaritaanka aad samaysay noogu soo dir boggeena Facebook: http://facebook.com/HealthySomalia/
Kadib halkaan ku soo qor in aad sawirka soo dirtay, waan kaaga jawaabi doonnaa insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline A/qadir Abdi

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 28
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Dhiig ma iska shubi karaa?
« Reply #3 on: October 03, 2015, 09:30:10 AM »
Waan soo diray sawirkii Dr

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhiig ma iska shubi karaa?
« Reply #4 on: October 05, 2015, 12:23:32 PM »
Waan arkay sawirada baaritaanka.
Marka hore xanuunka uu keeno dhiiga markuu bato waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "polycythemia"
Xanuunkaan waxaa lagu gartaa madax xanuun, xajiin ama kor cuncun, caajis, calool xanuun, dhabar xanuun ama kalgoysyo xanuun.
Astaamihiisu ka mid maahan in qanjir uu ku bararo.
Midda kale baaritaanku dhiigaagu wuxuu sheegayaa inuu ka yaryahay cabirkii loogu talagalay haddii astmaahaas lagugu arko xitaa in dhiig lagaa shubo, waa in hemoblobin-kaagu uu gaaro 18.5 g/dL si laguu dhaho dhiig shub.

Talo:
sida aad tilmaantay qanjirka barar wayn kuma jiro oo markii la taabto ayaa la dareemayaa kaliya, sidaas awgeed haddii aadan lahayna astaamo kale sida in miisaankaaga uu sii socdo, ama qanjiradu ay ku daqnanayaan ama ay qandho ku hayso ama cillad kale waxay rabto ha ahaato oo aad is leedahay way isla xiriiraan in aad baaritaan dheeraad ah samaysid.
Haddii intaasba aysan jirin, way dhacdaa in qanjiradu marmarka qaar ay barar yar soo galo haddii jirku infekshan uu jiro maadaama qanjiradu ay difaaca jirku ka qayb qaataan, bararakuna wuxuu tilmaamaa in ay howl siyaado ah hayaan.
Waxaa intaa sii dheer haddii aad tahay qof caato ah, adigoo aanan wax dhib ah qabin qanjiradaadu waa la taaban karaa ee waxba haka walwalin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: