Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Naasaha oo culeys noqda cudur miyaa?
(1/1)
Malinda Nassah:
Asc astamo xanun miyay tahay nasaha oo culeys noqda sidey caano ku jiran iyo tam casho lee anona uur lahayn. Mahsanid
SomaliDoc:
Naasaha oo culeys noqdo marmarka qaar si dabiici ah ayay haweenka u dareemaan iyadoo wax cudur ah uusan keenin, hormoonada ayaa ugu horeeyo waxyaabaha saameeyo culeyska iyo cufnaanta naasaha waana sababta ay naasuhu u bararaan xilliga caadada ay soo socoto, waxay kaloo barari karaan xilliga uu dareenka haweentu kacsan yahay.
Waxaa kaloo bararin karo haddii khalal hormooandu ay dhacaan ama ya bataan sida in hormoono xad dhaaf la soo daayo sida ugxan sidaha oo fiix yeesho oo kale.
Haddii aad isku aragto arintaan oo joogto ama astaamo kale la socdaan sida caado wareer ama tintaada oo gurmayso oo kale, fadlan la xiriir dhakhtar haweenka ah si laguu baaro.
Haddii aad qaadatid wax daawooyin sida kuwa uurka looga hortago ama daawooyin kordhiya hormoonada way keenaan naaso bararka iyagane ee la soco.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version