Author Topic: Siyaabaha Miisaankaaga loo Maareeyo  (Read 45439 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Siyaabaha Miisaankaaga loo Maareeyo
« on: January 15, 2008, 06:28:14 PM »


In aad si xaad dhaaf ah u cayisho waxay halis weyn kuu gelineysaa dhibaatooyin caafimaad sida dhiig kar sare, sonkorow iyo wadne xanuun. Kala doorashooyin caafimaad samee maalin walba halkii aad marna cunto cuni lahayd marna iska joojin lahayd.

Si tartiib ah u luminta 227 garaam – 1 kiilo toddobaadkiiba ayaa ugu wanaagsan. Haddii aad miisaan badan si deg deg ah u lumiso, badanaa cayilku dib ayuu kuugu soo noqonayaa.

Cuntooyin ha ka boodin. Maalinta ku billaabo quraac caafimaad leh. Cunidda ugu yaraan 3 cunto maalin kasta waxay jirkaaga ka caawinaysaa inuu helo tamarta uu u baahan yahay waxayna kaa celinaysaa baahida.

Xakamee cabbirka qaybtaada. Isticmaal saxan yar isla markaana qaado xaddiyo yar oo cuntooyin kala duwan ah. Ilbiriqsiyo ka dib ha ku noqonnin.

Cun markaad gaajooto. Ka fogow in aad cunto u cunto in aad isku dejiso, ama in aad caajistay ama diiqootay awgeed. Soco ama wax aad ku raaxaysato samee.

Qor cuntada aad cunto oo dhan. Ku soo dar nooca cuntada, xaddiga iyo waqtiga aad cuntay. Tani waxay kaa caawinaysaa in aad noqoto mid aad ula socda si markaas aad u awooddid in aad si fiican u maareyso cunto cunkaaga.

Jir dhis samee. Ka soo hubi takhtarkaaga ka hor inta aadan billaabin jir dhis joogto ah. Noqo mid aad u fir-fircoon adigoo jaranjarada qaadanaya ama baabuurkaaga meel fog soo dhiganaya. U qasad in aad jir dhis sameyso 1 saac maalin walba, ugu yaraan 5 maalmood toddobaadkii adigoo sameynaya hawlaha sida socosho, bushkuleeti fuulid, dabbaalasho, orod iyo meel sare fuulid. Fasallada lagu barto jir dhisku way ku caawin karaan.

Iska xaddid sonkorta iyo mac-macaannada. Iska xaddid cuntada ay ku jirto sonkorta lagu daray sida mac-macaanka, doonaatka, buskudyada iyo nac-naca. Kuwaani waxay leeyihiin kalooriyo fara badan iyo nafaqo yar. Cabitaannada u isticmaal macaaneeye macmal ah halkii sonkor aad ka isticmaali lahayd.

Biyo cab. Dadka cabba biyo fara badan waxay u badan yihiin in ay lumiyaan miisaan badan. Cab 6-8 koob oo biyo ah maalin kasta.

• Ka taxaddar marka aad dibedda cunto ka soo cuneysid. Marka aad dibedda cunto ka soo cuneyso, dooro maraq iyo khudrad ama cuntooyin yar-yar oo dufanku ku yar yahay. Weydiiso suugo iyo labeenta ansalaatada la marsado. Haddii qaybuhu ay ballaaran yihiin, wax ka wadaag saxan ama kala bar guriga u qaado.

Cunto fudud oo caafimaad fiican leh. Ku raaxayso furuto aan la warshadayn, khudrad, ama garoor fudud oo aan dufan lahayn halkii aad ka cuni lahayd cuntooyin fudud oo la soo baakadeeyey. Qarjawleyaasha dufanku ku yar yahay, siiriyaalka iyo boorashku cuntooyin fudud oo fiican ayey noqdaan.

Isticmaal dufan yar marka aad cunto karineyso. Dub, bir iyo dhuxul ku dub, sol, ama uumi ku kari cuntada halkii aad ka shiili lahayd. Baruurta iyo maqaarka ka jar hilibka. Dufanka ka miir.

Noqo dukaan wax ka soo iibsade caqli badan. Cuntooyinka horey u sii qorsheyso. Isticmaal taxane kana fogow dukaan wax ka soo iibsashada markaad aad gaajaysan tahay. Soo iibso furuto, miro wadajira, khudrad, cuntada badda, digaag iyo hilib caato ah. Haddii aad cunto waxyaabaha caanaha laga sameeyo, soo iibso kuwa aan dufan lahayn ama uu ku yar yahay.
 
Isbeddello yar-yar waxay horseedi karaan natiijooyin wanaagsan. halkaan ku waydii haddii aad wax su’aalo ama walaac ah qabtid.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Aamino

  • Newbie
  • *
  • Posts: 22
  • Points: +0/-0
Re: Siyaabaha Miisaankaaga loo Maareeyo
« Reply #1 on: January 04, 2015, 11:00:23 AM »
Wad idin salamay  waxan qaba su al ku sabsan misanka waxan ahay hoyo  markan laba cunug dhalay aya misan kaygu kordhay kadib wan iscateyey hilibki ayan iska riday hada misankaygu waa 257 dherarkayguna waa 157 waxan laxirira kuwa dadaka cateya ama tala kasiya siday misankoda udhimilahaye waxan lakulmay bishi hore waxay isaren bahalyar oo ay dhehen waxa uu shegaya  inta inta fett ku jirta jirkaga iyo murqhaga inta ay legyihin marka waxa uu sosaray in  inkabadan inti lagarabay waxa ay dhehen waxa uu aha in ad ahado 25  isna waxa u shegay 38  marka wa inad siwada jemka oo ad rida marka wan fahmiwayey waxas waxan raba inad ifahansisan  mafadka jirka kujira mise wa waxkale waxa ay igu dhahen waxa waye fadka adag ee jirka  mana fahmin tankale waxay igu dhahen muqaharana waxay  ubahanyihin in ay  dhisman xoga way ka hoseyan inti laga rabay tankale waxanmaqlay nagaha ur maqadan hadi uu waydkodu sareyo maxaka jira tana wad mahadsantihin

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Siyaabaha Miisaankaaga loo Maareeyo
« Reply #2 on: January 05, 2015, 11:16:00 AM »
Miisaanka aad soo sheegtay ma Kilogram mise Pound?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: