Author Topic: Su'aal: Astaamahaan ma xanuun baa mise?  (Read 3516 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Oskaman

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Astaamahaan ma xanuun baa mise?
« on: October 07, 2015, 08:54:39 PM »
Salaan kadib waxaan doonaya inaa wax niiga weydiyo calaamado aan isku arkay inay jiro tahay iyo inkale kala garan waayey. Calamadaha waxa kamida:
1. Kalsooni xad dhaaf ah
2. Firficooni zaaid ah.
3. Sex desire badan xata mararka qaar ka sexan wayo(kacsi badan)
4. Anoo hurdo badan iyo nasasho badan ubaahanin xata hada manta dhan shaqeynayey.
5. Inaa isku arko inaa dadka kale wax dheerahay .
 
Isbuucyo kadib waxa dhacda inaan caadi kuso laabto oo saxibada qaar iweydiiyan maxa kugu dhacay sidi hore uma firfircoonide markaasna dareemo niyad jab. Please waxan sugaya jawabtina . Thank you.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Astaamahaan ma xanuun baa mise?
« Reply #1 on: October 16, 2015, 12:12:24 PM »
Badanaa sifaatka ama dabeecada uu biniaadanka eebe ku abuuray waxay leedahay xad haddii ay dhaafto la dhihi karo dhibaato ayaa jirta, taasina laguma fahmi karo su'aal ee waxaa lagu fahmaa waraysi iyo u fiirsasho ay ku jirto in la qiyaaso hab dhaqankaaga, tusaale ahaan.

Kalsoonida waa wax fiican, laakiin haddii ay xad dhaaf noqoto oo aadan kala sooci karin wixii dhib kuu keeni kara ama halis caafimaadkaaga galin karo oo aad ku dhiirato adigoo tiigsanaya kalsoonidaada, taasi waa dhibaato maskaxeed oo u baahan xallis, sidoo kale firfircooniga siyaadada ah waxay noqon kartaa arrin fiican laakiin haddii ay caafimaadkaaga dhibaato ku tahay oo aadan is daryeelaynin oo aad culeys aadan xamili karin isi saartid iyadane waxaa la dhihi karaa waa dhibaato caafimaad, sidoo kale rabitaanka galmada, hurdo yarida iyo dhafarka iyo isla waynida intaba.

Laakiin haddii aad aragto in dadka aad la dhaqanto in ay kuula dhaqmayaan qof wareersana ama aan caadi ahayn oo kale, fadlan la xiriir dhakhtar si loo fiiriyo haddii ay cillad jirto, waxaa kaloo jiri kara in ay hormoonada qaar ay ku kacsan yihiin oo keeni kara astaamaha qaar aad tilmaantay sida xanuunkaan oo kae: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33241
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32285
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23479
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41599
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29401
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc