Author Topic: Oof Wareen (Pneumonia)  (Read 60662 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Oof Wareen (Pneumonia)
« on: January 17, 2008, 02:42:02 PM »


Marka aad caabuq sanbab qabtid, kiishashka hawada ee sanbabada ayaa waxaa ka buuxsama jeermis ama xab.
Caabuqa sanbabka "Pneumonia" waxaa keena bakteeriyo, fayras ama kiimiko. Badanaa qofna qof kale uma gudbiyo.

Calaamadaha cudurka sanbabka (Pneumonia)
• U neefsashada si ka dhakhsa badan sida caadiga ah ama dhibaato neefsashada qofka kaga timaadda
• Laab xanuun marka la neefsanayo ama la qufacayo
• Qufac xab leh oo laga yaabo inuu yahay jaalle, cagaar ama midab daxal/mirir
• Qandho
• Qar-qaryo ama gariirid
• Dhidid
• Faruuryaha ama ciddyaha oo buluug noqda (cyanosis) - waxay tilmaamaysaa in hawada oksajiintu ay kugu yaraatay.

Maxaa keeno caabuqa sanbabada?
Caabuqa sanbabada ku dhaca waxaa laga qaadi akraa jeermis, jeermiskaas wuxuu noqon karaa mid bulshada ku badan ama mid isbitaalalda laga qaado, waa muhiim in caabuqa la ogaado meesha aad ka keentay.
Waxaa badanaa lagu ogaan karaa, haddii adigoo isbitaalka jiifa 2 maalmodo in ka badan isku aragtay astaamaha kor ku qoran waa in laguu daaweeyaa qaab caabuqa sanbabka ee isbitaallaga laga qaado, laakiin haddii adigoo xaafadaada, iskuulka ama meesha shaqada ku xanuunsatid waxaa loo daaweeyaa si ka duwan.
Waxaa jiro xanuunno badan oo qofku ku qaldo xanuunka Oof-wareenta, waxaana ka mid ah xanuunadaan soo socda:
1- Burunkiito: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,436.0.html
2- Koolba-aaryo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5710.0.html
3- Neef ama Xiiq: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html
5- Qaaxo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html

Waa muhiim haddii aad isku aragtid qandho iyo qufac xaako leh in aad dhakhtar la xiriritid si loo ogaado xanuunkaaga nooca uu yahay, daawane laguu siiyo, fikradaha qaldan ee soomaalidu aaminsan tahay waxaa ka mid ah in qofka isagoo saa u xanuunsan in uusan daawo raadsanin oo uu yiraahdo "hargab ayaa igu xumaaday" ee dhib kale ma qabo.

Daryeelkaaga
Takhtarkaagu wuxuu dhegeysan doonaa sanbabadaada. Waxaa laga yaabaa in raajo feeraha lagaa saaro isla markaana candhuuf laga qaaday laga fiiriyo jeermis bakteeriyo ama fayras loo yaqaanno abuurka xaakada (sputum culture).
• Waxaa laga yaabaa in aad antibiyootiko kaniini ahaan u qaadato ama IV (xididka lagaa siiyo). Kaniiniyada sida lagu faray u qaado. Daawada oo dhan qaado ilaa aad ka dhammeysaneyso xataa haddii aad bogsato.
• Waxaa laga yaabaa in lagu siiyo daawo si ay kaaga fujiso xanuunka ama qufaca. Daawada sida lagu faray u qaado.
• Waxaa laga yaabaa in ogsijiin lagu siiyo iyadoo qayb ka ah daryeelkaaga.
• Waxaa lagu weydiinayaa in aad qufacdo aadna si qoto dheer u neefsato 2-dii saacadoodba mar inta aad soo jeeddo si xabka lagaaga saaro.
• Wixii xab ah ee aad soo qufacdo ku tuf warqadda dhididka la isaga tiro ka dibna iska tuur. Ha liqin xabka.
• Badanaaba naso.
• Cab 8 koob ama ka badan oo cabitaanno ah maalin walba.
• Cunto caafimaad leh cun.
• Sigaar ha cabbin.
• Takhtarkaaga la soco muddo 7 maalmood ah, xataa haddii aad bogsato.

Isla markiiba isbitaalka aad haddii:
• Ay dhibaato kaaga timaaddo neefsashada
• Aad isku aragto qandho ama qandhadaadu ay jireyso wax ka badan 1-2 maalmood
• Aad isku aragto jahawareer
• Aad isku aragto feero xanuun kugu soo kordhaya
• Aad isku aragto lalabbo ama matagid
Ka baro halkaan sida lagu garto xanuunada ku dhaca feeraha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html

Halkaan ku soo dir waxii su'aalo ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Dr.Faaruuq

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Oof Wareen (Pneumonia)
« Reply #1 on: October 04, 2009, 02:01:59 PM »
walaal waxaan rabaa in aan wax ka ogaada oof ku ama feeruhu ma ku dhacaan roomatizim hadii uu ku dhaca sidee looga garan karaa oof wareen ka maxeey kula badalayihiin
mahadsanidiin

Offline Alqasim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Oof Wareen (Pneumonia)
« Reply #2 on: October 05, 2009, 11:50:13 AM »
salaan qaali ah ka dib waxaan rabaa inaan wax yar ka sheego rumatiizimka ku dhaca sambada ma filaayo in jirto cudur ahaan rumatiizimka ku dhaca sambada may be in wax yaalo badan ku dhacaa samabada dhibaatooyin u qudbiya sida cudurka TB da iyo oof wareerka marka waxaan ka sugeynaa walaalaheena waxii intaasi ka dheeri ah hadii ay jiraan si aan ugu faaideysano waana mahadsan tihiin 

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Oof Wareen (Pneumonia)
« Reply #3 on: October 06, 2009, 11:13:12 PM »
Walaal su'aashaada safiican u sharax,
ii sheeg waxa aad dareemeyso adigoo adeegsan magac cudur sida roomaatiizam oo kale?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Dayib878

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Oof Wareen (Pneumonia)
« Reply #4 on: October 18, 2011, 12:10:14 AM »
walaal waxaad ii sheekta health edacation ka ama advise  ka aad siin laheyd qof qaba cudurka  Pneumonia

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Oof Wareen (Pneumonia)
« Reply #5 on: October 29, 2011, 11:24:49 AM »
• Wixii xab ah ee aad soo qufacdo ku tuf warqadda dhididka la isaga tiro ka dibna iska tuur. Ha liqin xabka.
• Badanaaba naso.
• Cab 8 koob ama ka badan oo cabitaanno ah maalin walba.
• Cunto caafimaad leh cun.
• Sigaar ha cabbin.

Wixii talooyin intaa dheer ka akhriso qoraalka kore.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ahmedey

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Oof Wareen (Pneumonia)
« Reply #6 on: August 20, 2012, 06:21:12 AM »
Qoraalkan ku saabsan Oof Wareenka (Pneumonia) waa mid si haboon loo qoray waana ku mahadsanyahay qoraaga.
Laakiin waxaan ku dari lahaa arimahan soo socda:

1. Dowooyinka Antibiotica loo qorayo bukahba Oof wareenka waxay ku xiran tahay nooca cudurka -Ma mid isbitaalka laga qaadaa mise, mid bulshada lagala kulmay (Hospital acquired or Community acquired). Hadii bukaanku uu cudurka ka qaaday kadib markii isbitaalka la keenay 48 saacadood kadib waxaa lagu qeexaa Oof wareen isbitaalka laga qaaday. Hadiise uu layimid isbitaalka waa mid bulshadeed.

2. In sidaas loo kalo saaro la tacaalida Oof wareenka waxay ka hortagi kartaa soo bixitaanka bakteeriyada u adkeysata dawooyinka antibiotica (Resistance bacteria or Super bug).

3. In loo sharaxo oo uu fahmo bukaanku sababta loogu boorinayo inuu dhameysto dawooyinka, biyo badan cabo, iyo inuu qufaco waxay sahli kartaa inuu si fudud talooyinka u qaato (compliance). Tusaale ahaan markaad u sharaxdo in biyo badan cabitaan iyo qufac ay sahlayaan inuu iska saaro xaakada, caabuq sii kordha ,kana hortagi kartaa inuu sambadadu bur-buraan (Alveolar atlactasis).
Mahadsanidiin
Ahmed


 

Management of acute pneumonia in children under five !! PART I

Started by DandaawiBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 9908
Last post February 19, 2009, 12:04:41 PM
by Dandaawi
WHO: Treat Severe Pneumonia at Home

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 17297
Last post January 10, 2008, 12:38:35 PM
by Diagnostic
Ready Reference Of Pneumonia.

Started by CilmiSabcaBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 5321
Last post September 28, 2011, 11:55:37 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Siday kugudubtaa PNEUMONIA?

Started by Cabdi DaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3574
Last post April 29, 2016, 08:56:47 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudurka Pneumonia?

Started by Mukhtaar Cabdulaahi MukhBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6895
Last post July 10, 2011, 07:35:42 PM
by SomaliDoc