Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Saliid macsarta haddii muddo meel taallo ma isbadashaa?
(1/1)
Hassan45:
asc dhamaan bahda hawl wadeenada page kan iyo dhamaan qofkasta oo ka qayb qaata wax soo galinta page kan bacda salaan
Dr sidaad horeba u sheegteen saliid macsartu faa'idooyin badan ayay leedahay wxaanad soo galiseen qoraal ku saabsan Faa,idooyinka saliid macsarta hadaba dictoore saliid macsartu hadii meel la dhigo oo muddo bilooyin ah la isticmaali waayo may isbadashaa? micnaha may xumaataa ama expire may noqotaa haday saliid macsartu is badasho wakhti intee leeg ayay isku badashaa thanks Dr
SomaliDoc:
Inkastoo ay saliidaha ay muddo oolli karaan iyagoo aanan is badalin laakiin waxay ku xiran tahay qaabka loo xifdiyay iyo weelka lagu xifdiyay iyo meesha lagu xifdiyay intaba.
Saliid macsarada haddii aan weelka ay ku jirto la furin waxay oolli kartaaa 2 sano haddii ay ku jirto faranjeer, ama 1 sano haddii ay meel banaan taallo, laakii haddii la furo weelka ay ku jirto waxay oolli kartaa 6 illaa 8 bilood.
Ka akhriso link-gaan inta saliidaha kala duwan ay isku badalaan haddii aad raadinaysid warbixin dheeraad ah: http://www.eatbydate.com/other/condiments/how-long-does-oil-last/
Navigation
[0] Message Index
Go to full version