Author Topic: Su'aal: Maxaa keeno luga bararka umusha kadib?  (Read 4775 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa keeno luga bararka umusha kadib?
« on: October 16, 2015, 11:29:37 PM »
asc walaalayaal khayr alle ha idinka siiyo wanaaga walaanimo ee aad nala garab taagan tihiin suaasheeyda weey badan tahay xaaskayga ayaa dhashay 2 caruur ah luga barar ayaa ku yimid lkn hada oo 40 maalmood ka soo wareegtay ayaa lug aad u sii cuslaatay bararna aad ahna keentay ilaa eey kici weeyso maxaa xal ah tan kale waxa lagu dhahay minkada booskiisa kuma noqon oo caloosha dusheeda ayaa barar ka jiraa xanuuna weey ka dareentaa marka la taabto waxa kale oo jira naaska waxa uga soo baxay wax cad cad xanuuna wuu keenay ilmaha markeey dhalanayeen ayaa afka wuxuu ka ahaa cadaan ilaa hadana wuu ka ayahay daawo ayeey qaataan in uu cabeeb yahay ayaan umaleeynay daamanka iyo faruuryaha ayaa cad cad oo suuf lagu xoqaa daawana lagu shubaa tan kale caruurta habeenkii kama jiifano dhafar oohin badan lugo isku xoqid dhaqtarka loo geeyayna wuxuu ku sheegay ineey gas calool qabaan lkn anaga calool majiir ineey tahay ayaan umaleeynay dhuuso badan diliq dibiryo hurdo la aan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keeno luga bararka umusha kadib?
« Reply #1 on: October 19, 2015, 12:06:09 PM »
Marka hore lugta bararan waxay u badan tahay inay tahay xinjiroobid xidid lugta ah ee xanuunkaas oo faahfaahsan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1460.0.html
Waa xanuun ku badan haweenka umusha ah waana in aad la xiriirtaa dhakthar aqoon u leh daaweynta xanuunkaan.

Midda ku saabsan minka oo booskiisa weli ku laaban, way dhacdaa in ay haweentu sidaa noqoto markii ay mataano dhasho, laakiin wuu iska laaban doonaa, bararkane wuu yaraan doonaa insha'llah.

Midda sadaxaad ee cabeebka waa suura gal in ilmaha ay ka qaadeen hooyada haddii ay horay u qabtay infekshan cabeeb, naasaha ibtooda iyo agagaarkoodane wuu ku dhici karaa, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan cabeebka afka iyo midka ibta naasaha intaba.
Cabeebka Afka (Umulow): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html
Cabeenka Ibta naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1438.0.html

Midda afaraad waxay u badan tahay in calool majiiruu jiro caruurta ah, taasina daawooyin loo qaato ayaa jira ee halkaan ka akhriso iyadane qoraal ku saabsan calool majiirka ilmaha hada dhashay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5987.0.html

Haddii aad su'aalo dheeraad ah ka qabtid qoraaladaas ama faahfaahin u baahan tahay waa is oo waydiin kartaa.
Ogow inta cabasho aad soo gudbisay waxaa in si degdeg wax looga qabto ah midda ku saabsan lugta bararan.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58631
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 110039
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 60479
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 65459
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30758
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc