Author Topic: Su'aal: Qoyaan ayaa iga imaada daloolka dabada markasta?  (Read 8170 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Muxiyo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
Su'aal: Qoyaan ayaa iga imaada daloolka dabada markasta?
« on: October 24, 2015, 12:58:37 AM »
Asalama calaykum walaalaha isu xilqaamay inay umadooda u faaiideeyaab ugana jawaabaan suaalaha caafimaadka .

Walaal waxaan ahay wiil 25jir ah
Mudo 10sano ah ayaan siigaysanaayay , hada mudo dhawr sano waxaan isku arkay dheecaan dhinaca dabada iga imanaaya , waxaan u maleeyey biyahayga inay yihiin lkn xiliga aan kacsado iyo xiliga aan caadiga ahay markasta dheecaankaas waan isku arkaa.

Walaal muxuu noqon karaa dhibkaasi
Waxaan rabaa hada inaan guursado wax dhibaato ah ma ii keeni karaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qoyaan ayaa iga imaada daloolka dabada markasta?
« Reply #1 on: October 24, 2015, 05:27:24 PM »
Inkastoo ay fiicnaan lahayd in dheecaanka aad naga siisid fikrad dheeraad ah sida midabkiisa, urtiisa iyo xilliyada uu badan yahay laakiin waxaa dhici karta in ay jirto fistula wax la dhaho oo lagu garanayo dheecaan joogto ah oo ur badan, wixii faahfaahin dheeraad ah ku saabsan fistula ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5618.0.html

Fadlan la xiriir dhakhtar cudurada guud si uu kuu wiisiteeyo oo u fiiriyo cillada waxa ay tahay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: