Author Topic: Su'aal: Maxaa keena in xubinta taranku yaraato?  (Read 10652 times)

0 Members and 5 Guests are viewing this topic.

Offline Samowade

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa keena in xubinta taranku yaraato?
« on: June 13, 2017, 05:06:35 PM »
Asc wan idinsalamaya bahda  aadba ugu mahadsantihin sida  uma isugu xilqanteen
Waxan idin waydin laha maxa keena in xubinta taranku yaraato xubintyda taranku way si yaranaysa marba marka ka danbaysa
Waad mahadsantin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena in xubinta taranku yaraato?
« Reply #1 on: March 25, 2018, 06:05:00 PM »
Yaraanshaha ama shuuqista haddii aad ula jeedid dhinaca xiniinyaha taasi waxa ku badan ragga, waxaana loo yaqaanaa "Testicular atrophy", waxyaabaha keeno waa dhowr cilladood, waxaana ugu caansan caabuqa xaniinta ku dhaco ee loo yaqaano "epididymo-orchitis" oo qoraal hore ku faahfaahinnay ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8414.0

Haddii yaraanshaha ama shuuqista aad ula jeedid dhinaca xubinta laftirkeeda "guska", taasi waxay u baahan tahay in aad kala fahantid laba arrimood, dhalinyaro badan ayaa welwel iskugu abuura wax aan jirin, xubinta Alle wuxuu ugu talagalay inay yaraato marne dheeraato iyadoo ay jiraan dhowr arrimood oo saameeya oo aan cudur ahayn, tusaale ahaan jawwiga qabaw, xubintu way yaraataa, hadduu dareenku yar yahay ama qofka buuq ku furan yahay way yaraataa, laakiin waa wax kumeel gaar ah, laakiin haddii arintu ay tahay mid joogto ah oo xubintu aysanba kacayn, hilib ahaanteeduna ay yaraatay ama bilawday inay qarsanto taasi ayaa cillad ah, waxayna ka timaadaa dhaawac gaaray xididada ama neerfaha kontaroola xubinta, markaas waxaad u baahan tahay inaad dhakhtarka ku shaqada leh ee loo yaqaano "urologist" inaad talo dheeraad ah waydiisatid, waana muhiim in lagu wiisiteeyo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55902
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162208
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106910
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57916
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62238
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig