Author Topic: Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?  (Read 18447 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mohamed Abdirizak

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
hadaba su,aashaydu waxay tahay kaadidan markaan biyaha badan cabo iga imaanaysa ma faa,idaa oo kalyaha bay sifayn  mise waa xanuun,sidoo kale markaan kaadida dhamaysto tif tif ama waxyar oo kaadi ah baa iga imaanaysa oo goos goos ah iyadana xalkeeda  ama dawadeeda
inkasto aysan kaadidu i dhibin markaan kaadinayo iyo markay igadhaamatoba

Mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waxaa jiro qoraalo dhowr ah oo aan horay uga hadalnay faaidada cabitaanka badan, iyo haddii ay wax dhibaato ah keenaan haddii si xad dhaaf ah loo cabo iyo isbadalka caafimaad ee kilyaha ku sameeyaan.

Akhriso qoraaladaan hoose:
1- Caafimaadka laga helo biyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html
2- Sidee u wanaajisaa caafimaadka kilyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html
3- Dhibaato ma keenaan biyaha badan oo la cabo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5447.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Mohamed Abdirizak

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
SC DHAMAAN DHAKHAATIIRTA IYO DADKA KU XIRAN WEBKAN AAD MUHIIMKA U AH

intaas ka dib 2 sua'aal baan qabaa oo kala ah sidan:

Daawada ugu wanaagsan ee lagu daweeyo cudurkaan baa ah maadada kooxda PDE 5-joojisa, daawooyinkaasi waxay xoojiyaan qulqulka dhiiga xubinta ragga, iyadoo la helayo kacsi ama uu joogto noqonayo.
 1:suaashaydu kowaad waxay tahay  daawooyinkan PDE-5 maxaa kamid ah mida soomaalidu adka u isticmaasho ee looyaqaan VEGA makamid baa wax dhibaato ahna ma iikaynaysaa hadan isticmaalo?

waxaa kaloo jira bamaato kabuubiso (Lidocaine) ah oo la marsado taasoo keento in dareenka uu yaraado sidaasne ay ku dheeraato muddada.

Su'aashayda labaad
 2:doomaatadan mawaxay meesha ka saaraysaa dareenka kacsiga oo muhiim ah mise kaliya biyahay daahinaysaa,qaabka loo marsanayo ma xubinta dhan bad ku duugaysaa  mise gumuca hore oo kaliya
in la isticmaalo boomaatadan ama PDE-5 kee baa fiican labadooda

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa sax waxaa ka mid ah daawada Viagra, halkaan ka akhriso warbixinteeda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3443.0
Midda ku saabsan bamaatada, waxay yaraynaysaa dareenka sidaas ayayne biyaha u soo daahayaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15840
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21100
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15529
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 78249
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48083
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc