Author Topic: Waa maxay Full Check-up? - Qoraal muhiim ah!  (Read 29820 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa maxay Full Check-up? - Qoraal muhiim ah!
« on: October 25, 2015, 02:36:40 PM »


Bismillahi..

Mawduuceenu maanta wuxuu ku saabsan yahay waxa loo yaqaano "check-up" ama isbaarista guud, sababta igu kalliftay in aan qoraalkaan diyaariyo waa iyadoo dadka badankiis ay ka heestaan fikrado aad u qaldan oo keeni karto qofka waxa uu doonayay inuu siduu rabay u sheegan kari waayo.

Marka ugu horeyso, Waa maxay "Check-up"?
Isbaarista guud ma ahan sida dadka badankiis ay aamisan yihiin in dhiigag badan lagaa qaado oo cudur kasta lagaa baaro, Check-up waxaa laga wadaa in dhakhtarkaagu uu wiisiteyn guud kugu sameeyo markuu waraysi dheer kula yeesho isagoo qeyb kasta oo jirkaada ka mid ah uu ku baaro gacantiisa ama qalabkiisa, tusaale ahaan in neefsashadaada iyo wadna garaacaaga uu dhageesto, caloosha uu taataabto isagoo raadinayo wax aan dabiici ahayn iyo in maskaxdaada iyo neerfahaaga iyo falcelinta xubnayaashaadu uu wiisiteeyo.
Kadib markuu intaas sameeyo ayuu kuu diri doonaa  baaritaanada kuu muhiimsan isagoo wax ku dhisayo taariikhdaada caafimaad, wiisiteynta iyo haddii ay jiraan cudurro halis ugu jirto xag deegaan ahaan, xag qoys ahaan iyo xag shaqadaada ama haddii aad leedahay xanuuno ama balwado u baahan in la baaro haddii ay halis ku yihiin caafimaadkaaga.
Markii intaa la isku daro (waraysi, wiisiteyn iyo baaris) ayaa waxaa la dhahaa "check-up", laakiin dadka badankiisa sidaa uma fahansano waana arrin in lagu baraarugo ay waajib tahay maxaa yeelay in xanuun lagaa helo boqolkiiba 30% kaliya ayaa dhici karta in baaris dhiig ama raajo lagu ogaado, 60% waxaa lagu ogaadaa waraysi iyo wiisiteyn.

Maxaa laga wadaa "Full Check-up"?
Baaris dhameestiran waxaa laga wadaa in markii lagula maro inta aan kor ku soo xusay kadib laguu diro baaritaanada ugu muhiimsan oo la dhihi karo qeybaha ugu badan jirka way dabooli karaan, waxayna weli ku xiran taay da'daada, jinsigaaga iyo  taariikhdaada caafimaad, laakiin waxaa jiro baaritaano la isku raacsan yahay in aysan ka marnaan baarista dhameestiran oo mudadiiba mar la sameeyo hadduu qofka uu caafimaad qabo, waxaana ka mid ah:
  • Baaritaanka lagu baarayo unugyada dhiiga ee "Full Blood Count ama Full Hemogram" oo lagu ogaanayo haddii ay dhiig yari jirto, hadduu unugyada difaaca uu khalal ku jiro iyo haddii unugyada xinjiroobista dhiiga ay cilladi ka jirto
  • Nooca dhiigaaga "Blood Group"
  • Baarista dhiiga ee lagu ogaanayo shaqada kilyaha "Kidney Function Test"
  • Baarista dhiiga ee lagu ogaanayo shaqada beerka "Liver Function Test"
  • Baarista dhiiga ee lafaha sida "Calcium, Vitamin D iyo Phosphate-ka"
  • Baarista dhiiga ee xanuunada lafaha ku dhaca sida roomaatiisamka iyo xanuunka Gout-ka "Rhematoid Factor iyo Uric Acid"
  • Baarista dhiiga ee qanjirka thyroid-ka "Thyroid Function Test"
  • Baarista dhiiga ee cagaarshowga "Hepatitis B iyo Hepatitis C"
  • Baarista dhiiga ee sonkorowga "Blood Sugar"
  • Baarista dhiiga ee kolestaroolka ama subag dhiiga "Lipid Profile"
  • Baarsita raajada ee feeraha "Chest X-ray"
  • Baarista shaqada wadnaha ee "ECG:
  • Baarista dumarka ee lagu baaro kansarka afka ilmogaleenka "PAP Smear"
  • Baarista raajada naasaha la saaro ee lagu baaro kansarka naasaha "Mammogram"
  • Baarista dhiiga ee lagu baaro kansarka qanjirka borostaatada ee lagu sameeyo raga ka wayn da'da 40 sano " Prostate Specific Antigen"
  • Baarista kaadida ee laga fiirinayo caabuq ama cillad dhinaca kilyaha ah "Urinalysis"
  • Baarista saxarada guud ee lagu fiirinayo caabuqa, gooryaanka iyo wxii aan dabiici ahayn "Stool Analysis"
  • Baaritaanka saxarada ee lagu baaro bakteeriyada keento boogta gaas calooleedka "H. Pylori Antigen"
  • Baarista caafimaadka guud ee ilkaha, indhaha iyo nafaqada jirka

Baaritaanada aan kor ku soo xusay waa kuwa badanaa la baaro markii baaris guud la samaynayo meel kasta oo aad joogtid, way dhici kartaa in xarumaha qaar ay wax yar ka badalaan iyagoo lagu darayo ama laga reebayo xanuuno ku badan ama ku yar deegaankaaga.
Akhriso waxa kumbuyuutarka lagu ogaan karo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6174.0

Laakiin ma jirto baaritaan "scan" sida CT, MRI ama mid kalaba oo "checkup" ahaan qofka loo saaro ama loo dhexgeliyo, waana khalad in sidaas la sameeyo sababtuna waa iyadoo uusan wax walba sheegi karin, iyo inaan meel walba lagaa saari karin iyo halista shucaaca ee aan baahidu keenin.!

Goormaa la sameeyaa "Full Check-up"?
Waa su'aal kale oo aysan dadku badanaa fahansanayn, baarista guud ee kor ku xusan waxaa badanaa la adeegsadaa markii qofku isbaarayo isagoo wax xanuun ah uusan ka cabanayn waana mid sanadkii ama lixdii biloodba mar la sameeyo.
Haddii aad xanuunsan tahay ama meel ay ku xanuunayso waa in xanuunkaas la baaro kaliya si lagaaga daaweeyo ee ma ahan macnaheedu in lagaa baaro inta baaris ee aan kor ku xusay ama aad ka codsato dhakhtarkaaga illaa in waqtigii isbaarista guud inaad ku aadan tahay mooyee.
Midda kale baarista guud waa wax la isla ogyahay ee haddii aad isbitaalka u timaadid "full checkup" wixii walaac aad qabtid ama codsasho gooni ah waxaad dhakhtarka u sheegi kartaa xilliga waraysiga lagu la yeelanayo ama lagu wiisiteynayo.

Wax kasta ma la baari karaa?
Maya, wax kasta lama baari karo, dhakhtar kaa yeelayo in wax kasta lagaa baarane ma jiro haddii aad lacag kasta aad diyaar u tahay in aad bixiso, maxaa yeelay baaritaanada qaar qof caafimaad qabo maba lagu sameeyo oo waxaa dhici karto in iyaga laftirkoodu ay waxyeello kuu keenaan.

Talooyin muhiim ah:
  • Haddii aad xanuunsan tahay waxaad xooga saartaa si xanuunka ku hayo loo ogaan lahaa oo aad iskaga daawayn lahayd
  • Ogow baarista Full Check-up, waa baaris la sameeyo waqtiyo xadidan ee ma ahan mid markasta la sameeyo, waxaana lagu sameeyaa dadka caafimaadka qaba oo doonayo in caafimaadkoodu ay la socdaan wixii ku soo kordhayo.
  • Ogow malaariyo, tiifow, buruseel, isfiilito, aydhis iyo xanuuno kale oo aad aamisan tahay in Check-up kasta lagaa baaro in aysan qasab ahayn oo ay ku xiran tahay astaamaha aad dareemayso iyo in dhakhtarkaagu kula fahansan yahay waxa aad damacasan tahay iyo sababtaba aad iskaga baaraysid.
  • Waxaa dhici karta mararka qaar in baarista guud lagu arko isbadalo yaryar ee lagu arkay qeyb ka mid ah baaritaanka, taasi ma ahan inaad daawo u baahan tahay, laakiin wuxuu dhakhtarku kaa codsan karaa in baaritaankaas isbadalka lagu arkay in la sameeyo muddooyin isku dhow dhow si loo ogaado wixii isbadal ah.
  • Haddii lexdii bilood ama sanadkiiba aad sameeyso baaris guud, waxaa haboon in aad hal isbitaal ama hal dhakhtar aad ku xirnaato si taariikhda caafimaadkaagu uusan kala go' ugu dhicin, arjigaaguna kaaga lumin, maxaa yeelay isbitaalada qaar ma bixiyaan natiijooyinka iyo report-yada baaritaanada aad samaynaysid.

Haddii ada qabtid su'aal caafimaad iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66475
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69496
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62422
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46706
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44962
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc