Author Topic: Muxuu Qabtaa Computer-ka la dhexgalo?  (Read 29719 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Muxuu Qabtaa Computer-ka la dhexgalo?
« on: October 20, 2015, 12:06:48 PM »


Qoraalkaan waxaan maanta u doortay in aan uga hadlo maadaama aan arkay in dad badan ay ka aamisan yihiin qaladaada aanan sax ahayn oo keeni karto in ay dhakhaatiirta iyo bukaanada ay is fahmi waayaan.

Waa maxay computer-ka la dhexgalo?
Waa mashiin raajo casri ah oo afka qalaad lagu dhaho "scan" kaas oo u kala bixi kara labo qayb oo kala ah "CT" iyo "MRI", waxaa la saaraa qofka markuu dhakhtarka u baahdo inuu ogaado meel jirka ka mid ah in ay cillad ka jirto cilaldaas oo ah wax la arki karo oo ay raajada soo saari karto.

Cudurradee ayaa lagu ogaadaa?
Waxaa lagu ogaadaa cudurro badan, fikraduna waxay ku dhisan tahay in xanuunka qofka hayo wuxuu is badal oo uu jirka ku sameeyay in la arko, tusaale ahaan in xubin ay weynaatay oo kale, in nabar uu jirka ka soo baxay ama buro, in dhaawac qofka gaaray lagu eego heerka uu gaarsiisan yahay, in caabuq ama infekshan dhaawac gaarsiiyay qofka in lagu ogaado heerkiisa iyo noociisa intaba iyo waxyaabo kalaba.

Ma jiraan waxyaabo aanan lagu ogaan karin?
Waxyaabo badan oo waxaa jira aanan loo baahnayn in la saaro qofka oo ay jiraan siyaabo ka fudud oo lagu ogaan karo, laakiin dadka badanaa ay si qaldan u fahansan yihiin waxaa ka mid ah:
- Haddii aad rabtid in xubin jirkaaga ka mid ah in ay shaqaynayso iyo in kale in aad ogaatid sida kilyaha ama beerka ama qanjirada hormoonada soo dayo oo kale, waxaa lagu ogaadaa in dhiig laga qaado qofka si loo baaro heerarka dheecaanada ay xubnahaas soo saaraan, hadduu yar yahay iyo hadduu weyn yahayba.
- Haddii qofka cillad ay ka haysato xubin gooni ah oo u baahan qalab loogu talagalay in la saaro sida wadnaha oo kale, hadduu qofka wadnaha uu ka jiran yahay ama howlgabsan yahay, waxaa habboon in la saaro mashiino kale oo wadnaha u khaas ah.

Markii qofka la dhexgaliyo ma la arkayaa meel kasta oo jirka ka mid ah?
Tanna waa qalad kale oo dadku ay aaminsan yihiin, dhakhtarka markuu kuu soo diro in lagu saaro mashiinkaan wuxuu soo qoraa meesha uu rabo in lagaa saaro kaliya, waxaa dhici karto in madaxa kaliya lagaa saaro ama lafdhabarta kaliya ama caloosha kaliya ama sinta ma jilibka kaliya.
Waa inta uu soo codsaday dhakhtarkaaga kaliya ee meelo kale waxba lagaaga sheegi maayo mana lagaa saarayo.
Waana qalad fikrada ah in mashiinka haddii laguu diro ay macnaheedu tahay in jirkaaga oo idil la wada arkayo wixii cilald qarsoon oo meel kasta lagu eegayo.

Ma isku diri karaa anigoo dhakhtar soo marin?
Maya, waa mamnuuc in aad isi saarto iyadoo aadan dhakhtar arkin, maxaa yeelay markii lagu saarayo qalabkaan waa muhiim in qofka ku saarayo uu fikrad ka heesto waxa uu baarayo iyo waxa uu raadinayo iyo warbixin ku saabsan xanuunkaaga ma cabashadaadu waa inuu wax ka ogyahay.

Qalabkaan caafimaadka wax ma u dhibi karaa?
Inkasto uu ka shucaac badan yahay raajada laakiin laakiin ma ahan qalab si joogto ah la isku saaro ama jirka meelo aadan u baahnayn in la saaro.

Maxay ku kala duwan yihiin CT scan iyo MRI scan?
Labada qalab ama baaris way isku dhow yihiin inkastoo MRI-du ay ka casrisan tahay CT-scan-ka laakiin taasi macnaheedu maahan in ay ka wax sheegis fiican tahay, waxa ay ku kala duwan yihiin waxay ku xiran tahay waxa la baarayo, waxyaabaha qaar waxaa fiican in lagu ogaado MRI sida cilladaha lafdhabarta ama xangullaha ku dhaco, cilladaha maskaxda ee aadka u yar yar iyo cilaldaha ku dhaca seedaha kalagoysyada oo kale, laakiin wixii kaloo ka soo haray sida jajabka lafaha, dhaawacyada maskaxda iyo cilladaha sambabada iyo helist burooyinka waxaa ku fiican qalabka CT-scan-ka.
Sidaas awgeed qalabka aad u baahan tahay waxaa xadidi karo dhakhtarkaaga, waxayna ku xiran tahay waxa uu kaaga shakisan oo uu rabo inuu kaa baaro.

Iska ilaali qaladaadkaan:
  • Ha tagin meel lagu saaro qalabkaan adigoo dhakhtar soo marin.
  • Ha u malaynin haddii laguu diro in jirkaaga oo idil la wada baarayo.
  • Ha codsanin nooca computer-ka aad rabtid maadaama waxtarkoodu iyo nooca aad rabtid ay ku xiran tahay xaaladaada.
  • Ha is dhihin cillad kasta waa lagu ogaan karaa, xaaladaha qaar laguma ogaan karo amaba laguma arki karo.
  • Haddii baaritaankaan lagugu sameeyo oo wax la waayo ma ahan macnaheedu waad caafimaad qabtaa ama mashiinka ayaa halaysan
  • Ugu dambayn ogow natiijada iyo report-ka dhakhtarka uu soo qorayo waxay ku xiran tahay khibrada iyo taxadarka dhakhtarka ku taqasusay raajooyinka iyo scanada ee soo akhriyay sawirada lagaa qaaday.

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Muxuu yahay "Internal Medicine"?

Started by AdminBoard Clinical Rotations

Replies: 0
Views: 45503
Last post February 11, 2007, 12:34:45 PM
by Admin
Albaabkaas markii la furo nalku shidmaayo, markii la xidhona damaayo, muxuu yahay?

Started by CilmiSabcaBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 2
Views: 30253
Last post December 08, 2012, 08:50:56 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Dawooyin badan baan qaata effect kooda muxuu yahay?

Started by Hashi1234Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7688
Last post November 01, 2011, 09:47:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kumbiyutarka hoosta laga galiyo haweenka, muxuu yahay?

Started by KaafiyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7137
Last post November 01, 2011, 08:56:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Muxuu yahay garan waayaye? xageense ugu hagaagaa Daawadiisa?

Started by QalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 11103
Last post May 20, 2012, 01:19:14 PM
by SomaliDoc