Author Topic: Su'aal: Culays laabta aan ka dareemo?  (Read 4337 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Lixle

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Culays laabta aan ka dareemo?
« on: October 16, 2015, 03:28:07 PM »
Waqtiyada qaar waxa dhacada inaan ka dareemo culays halkay ku dhamaadaan Feedhaha Dhinac bidix, Culayskaas kor ayuu u soo kacaa wuxuu soo gaadhaa Xabadka mararka qaarkood. Badanaa waxaan dareemaa markaan jiifsado habeenkii. Fadlan iga jaahil saara.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Culays laabta aan ka dareemo?
« Reply #1 on: October 19, 2015, 11:55:32 AM »
Imisa sano ayaa jirtaa?
Dhiig kar, macaan ama Kolestarol ma qabtaa?
Miisaankaagu waa imisa?
Wax xanuuno aad isku ogtahay ama daawo aad ka qaadatid ma jiraan?
Ma dareentaa neeftuur iyo daal markaa howl qabatid?
Cagaha ma ku bararaan marmarka qaar?
Jaranjarooyinka si raaxo leh ma ku fuuli kartaa?

Cadaadiska aad ka dareemayso dhinaca bidix ee feeraha wuxuu noqon karaa cillad ka jirto xaga wadnaha, waxaa haboon faahfaahin dheeraad ah in aad naga siiso xaaladaada.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Lixle

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Culays laabta aan ka dareemo?
« Reply #2 on: October 25, 2015, 10:39:54 PM »
ASC salaan ka dib

Dhiikar iskuma ogi waxaan ahay 24 jir miisaankaygu markii iigu danbaysa lix bil laga joogo wuxu ahaa 67, wax xanuun ah oo aan isku ogay waxa jira Gastric oo badanka igu soo kaca kaas igu sameeya in dhuuntu i cuncunto. Badanaa culayskan waxaan arkaa markaan Fikiro, am aan walwalo, dhakhatar aan bari u tagay wuxuu igu yidhi waa Gastric, ee ma ah wadna xanuun. Badanka maaha wax joogta ah bishii hal mar ayaan isku arkaa, halkaa mar ee aan isku arko, jaranjarooyinka markaan korayo waan dareemaa culaysa, laakiin mudo ka dib caadi ayan noqodaa. Markaan jiifsado habeenkii ayaan aad u sii dareemaa. Cholestor iskuma ogi

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Culays laabta aan ka dareemo?
« Reply #3 on: November 04, 2015, 11:13:49 AM »
Gaastirikada waxay keenta wadna garaac iyo cadaadis xabadka ah, wuxuu kaloo qofka dareemi karaa daal iyo tabar darri, dibiro iyo daaco ama dhuuso qofka markii ay ka timaado uu nafisayo.
Fadlan qoraalkaan akhriso ku saabsan gaaska iyo siyaabaha aad ula tacaali kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Markii dareen kacsi dareemo xiniinyaha way yaraadaan?

Started by HoOYoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8928
Last post August 10, 2015, 10:51:52 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Ilkaha oo aan ka dareemo Saliilyo, Maxaa keeno?

Started by Cawil BaasheBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20796
Last post March 31, 2024, 11:20:32 PM
by SomaliDoc_
Su'aal: Mararka qaar aan dareemo daaco ama naqas?

Started by KaabuliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4285
Last post October 02, 2016, 08:35:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xaniinyaha oo burtuq yeesho markaan wax dareemo?

Started by Jamal Cade11Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6119
Last post December 24, 2016, 11:01:37 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun laga dareemo xaniinta bidix?

Started by Hhusein101Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5507
Last post December 07, 2018, 12:14:37 AM
by SomaliDoc