Author Topic: Su'aal: Nabar miyuu igu abuuray gaaska?  (Read 3573 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Kamaal

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 30
  • Points: +0/-0
Su'aal: Nabar miyuu igu abuuray gaaska?
« on: November 01, 2015, 06:58:43 PM »
asc doctors waxan ina waydinayaa suaal waxayna tahay gaas ayaa mudo ihayey waxan tagay dhakhtar komyutarna waa isaaray wuxuu ii qoray daawo anoo waydiin in uu gaaska nabar igu dhaliyey iyo inkale ayaan kaso tagay hadaba icaawiya dawooyinka uu ii qoray waxaa ka mid ahaa,,famocid,, kaniini lagu magacaabo waxana hoos aga qoran,,anti peptic ulcer agent, marka doctor warkaas ma cadyahay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Nabar miyuu igu abuuray gaaska?
« Reply #1 on: November 10, 2015, 02:48:56 PM »
Famocid 40 mg waa kaniini hoos u dhiga aashitada caloosha ku samaysanto ee dadka qabo cudurka gaaska.
Inuu nabar kugu sameeyay gaaskane laguma ogaado computerka ama ultrasound-ka caloosha la saaro ee waxaa lagu ogaadaa "Endoscopy" oo ah tubo afka lagaa gelinayo illaa caloosha tagayso oo afka hore ku leh kaamiro lagu arki karo inuu nabro kugu sameeyay iyo nooca nabarka uu yahay iyo haddii cad ama dheecaan laga soo qaadayo nabarkaas si loo baaro.

Akhriso qoraal ku saabsan xanuunka Gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21640
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Digirta/Cambuulada qofka gaaska qabo ma u daran tahay?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 10600
Last post February 18, 2012, 11:03:37 PM
by Naale
Su'aal: Ma jirtaa daawo natural oo lagu daaweyo xanunka gaaska?

Started by AlmisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55577
Last post August 15, 2015, 02:42:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan ahay nin dhalin yara ah Oo Ka Ganacsada iibinta Gaaska?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6240
Last post March 18, 2016, 12:05:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan iska daaweyay Gaaska calosha oo mudo la jiifay?

Started by Bakars0nBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5976
Last post June 05, 2016, 08:03:07 PM
by SomaliDoc