Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Sidee lagu daweeyaa cad cadka afka?

(1/1)

Abdi21:
Caruurrayda waxay ku dhasheen cad cad afka ah dhaqtar ilaa hada laga daba wado wuxuu marwalba yiraahdaa isagaa baabaya ee daawadan siiya magaceeda waa mycostatin waxna kama tarto waxaan wadnaa 2 bil iyo 15 maalmood caruurtiina caano cabidii ayaa markaan dhib ku ah maxaa talo nagu siineysaan walaalahayga

SomaliDoc:
Cadcadka afka ee loo qaato daawada aad kor ku soo xustay waxaa keeno cudurka Cabeebka ama Umulowga loo yaqaano.
halkaan ka akhriso qoraal faahfaahsan ee ku saabsan xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html
Haddii ay nabruhu weli baab'i la'yihiin waxay noqon kartaa 4 mid:
1- Inuu xanuunka uusan ahayn umulow ama cabeeb
2- In daawadu aysan tayo lahayn
3- In jeermiska cabeebka keenay uu adkaysi u yeeshay daawada.
4- In difaac yari jirka ay jirto oo uu cabeebka ilmaha uu ku soo laalaabto.

Taladayda waa in aad la xiriirtaa dhakhtar cudurrada caruurta ku takhasusay.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version