Author Topic: Su'aal: Maxaa keeno dawakhaada?  (Read 61639 times)

0 Members and 5 Guests are viewing this topic.

Offline Salmnyare

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa keeno dawakhaada?
« on: December 05, 2015, 02:54:58 PM »
asc dhaman bahda dhakhatiirta ee uhuray wakhtigooda qiima lehe inay kacawiyaan bulshada somaliyed e walalahoda dhinaca cafimadka
Waxan isku arkay dawakhaad wakhtiyada qaar markaan fadhiga kakoco.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keeno dawakhaada?
« Reply #1 on: December 07, 2015, 11:40:49 AM »


Maxay kala yihiin Dawakha iyo Wareerka?

Erayga dawakha siyaabo kale duwan ayay dadka u adeegsadaan, waxaana jiro dhowr xaaladood oo u eg ama lagu khaldi karo dawakha.
Tusaale ahaan, haddii luqadda english-ka loo eego.
Dawakhaad waxaa la yiraahdaa "lightheadedness" oo ah macnaheeda inuu qofka dareemayo inuu suuxi rabo ama madaxa uu khafiif noqonayo, xaaladaan qofka ma dareemo inuu isla wareegayo ama waxa ku hareeraysan inay wareegayaan. waa dareemid suuxdin camal sida indho-madoobaadka oo kale, xaaladaan qofka wuxuu dareemi karaa lalabo iyo matag, waxayna xaaladaan tagtaa markuu qofka jiifsado.

Wareerka oo uu qofka dareemayo inuu dhulka la socdo ama sariirta la sabaynayso waxaa loo yaqaanaa "Vertigo", xaaladaan kuma xirna haddii aad taagan tahay ama aad fadhido, qofkane wuxuu dareemayaa inuu isla wareegayo, ama uu meel ka dhici rabo ama kursiga uu ku fadhiyo inuu la gadoomi rabo, qofka ma istaagi karo mana socon karo, waxay u badan tahay inuu ka dhumo balance-ga oo uu dhaco.

Labadaas xaaladood way kala duwan yihiin waxyaabo kala duwan ayaana keena, waxayna dadka ugu wada yeeraan "wareer" ama "dizziness", Sidaas awgeed qoraalkeenu maanta waxaan ku kala soocaynaa labadaan wareer iyo mid walba waxa keeno.

A: DAWAKHAAD (LIGHTHEADEDNESS)
Qofka inuu dareemo dawakhaad iyadoo cillad wayni aysan jirin way dhacdaa marmarka qaar, waxayna aad ugu badan tahay dadka da'da ah. Dawakhaadu waxay ka timaadaa in cadaadiska dhiiga oo si kadis ah hoos ugu dhaco waana sababta aad loo dareemo markuu qofka istaag ka kaco, taasoo keenayso in dhiiga uu gaari waayo maskaxda, sidaasne lagu dareemo dawakhaad.

Hadduu qofka cilaldaasi isku arko waa inuu is celiyaa oo xoogaa istaagnaadaa inta uusan dhaqaaqin taasi waxay ku caawinaysaa in cadaadiska dhiiga uu caadigiisa ku soo laabto sidaasne uu qofka caadi ku noqon karo.

Haddii aad isku aragtid dawakhaad joogto ah waa in aad si dhakhso ah ula xiriirtid dhakhtar waxaa dhici karo inay cillado kale ay jiraan.

Waxyaabaha ugu caansan ee dawakhaada keeno waxaa ka mid ah:
  • Allerjiga ama xasaasiyada
  • Hergabka ama Ifilada
  • Fuuq baxa sida shubanka iyo mataga
  • Qandhada badan sida midda malaariyada
  • Qofka oo aad u neefsado ama neefsi qoto dheer oo isku xigxiga oo sameeyo.
  • Welwelka iyo diiqada
  • Isticmaalka mukhadaraadka sida tubaakada, aalkolada iyo maandooriyayaasha kale
  • Qofka oo muddo sariir saarnaa ama jiif u badnaa markuu istaagis iyo socod bilaabo.
  • Waxa ugu qatarsan ee dawakhaada keeno waa dhiig-yarida iyo dhiig-baxa sida haweenka caadadoodu ay xowliga u socoto oo kale, qasab ma ahan in dhiigbaxu la arko, waxaa dhici karta marmarka qaar in dhiig baxu uu gudaha jirka yahay, khaas ahaan haddii qofka ay jug gaarto ama uu qabo xanuun u samayn karo nabro dhiig baxa sida kuwa gaaska oo kale.
  • Daawooyinka qaar badan oo ka mid ah waxay keenaan wareer, sidaas awgeed haddii aad daawo qaadatid oo aad isku aragtid wareer, waa in aad dhakhtarkaaga aad kala tashataa daawooyinka aad qaadatid.

B: WAREER (VERTIGO)

Wareerka nuucaan ah wuxuu ka yimaadaa hadduu khalal ku yimaado habdhiska kontaroola miisaanka jirka hadduu khalakhal galo, habdhiskaas oo loo yaqaano "Vestibular system" kaasoo dhegta gudaheeda Alle ku abuuray, qofkii dhibkaan haysto wuxuu isku arkaa inuu dhulka la socdo ama uu dhici rabo oo kale, xanuuno badan ayaa keeno in habdhiskaan khalkhal galo waxaana ka mid ah:

  • Cillad xaga aragga ah: haddii araggu cillad ka jirto wareerkaan wuu yimaadaa, maadaama ay maskaxdu ku tiirsan tahay in indhaha ay u soo gudbiyaan xaaladaha kala duwan ay ku sugan yihiin jirka qeybihiisa kala duwan.
  • Cillad xaga neerfaha kontoroolo kalagoysyada jirka ah: haddii cillad ku timaado neerfaha u qaabilsan dhaqdhaqaaqa jirka waxay keentaa wareerkaan.
  • Cillad dhegta gudaheeda ah: maadaama eebe ku abuuray dhegta gudaheeda qalab u qaabislan kontoroolida iyo balance-ga jirka, haddii cillad ku timaado dhagta sida caabuq ama wax kalaba wuxuu qofka dareemaa wareerkaan, waana arrinta ugu caansan ee keento cilladda "Vertigo", khaasatan markay la socoto dhaga-guux. sidaa awgeed haddii aad isku aragtid labadaas astaan waa in aad la xiriirtaa dhakhtar ku takhassusay dhagaha "E.N.T" si lagaaga baaro sadax cudur oo dhagaha ku dhaca oo dhibkaas keeni karo..
  • Hadduu dhaawac gaaro dhegta ama madaxa.
  • Madax xanuunka nooca loo yaqaano "goonjabka" isaga waa lagu arkaa wareerka nooca "Vertigo" - Akhriso noocyada madax xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html
  • Haddii xididada maskaxda dhiiga gaarsiiyo ay cariiri noqdaan ama xirmaan sida faaliga khafiifka ah oo kale (Transient Ischemic Attack).
  • Burooyinka ka soo baxo dhegaha ama kansarka ku dhaco maskaxda.

SIDEE LOOLA TACAALAA WAREERKA IYO DAWAKHA?
Wareerka "vertigo" ayaa ka halis badan dawakhaada, waana inuu qofka hadduu dareemo astaantaan oo si dhakhso ah ula xiriiro dhakhtarka si loo ogaado cilladaha jiro ee ka mid ah kuwa aan kor ku soo xusnay.

Khamriga oo la cabo wuu keenaa labada noco ee wareerka ah iyo daawooyinka qaar khaas ahaan haddii la badsado.

Haddii aad isku aragtid dawakhaad hal mar ah, ha welwelin wax dhib ah oo wayn in aysan ahayn ayay u badan tahay, laakiin haddii ay joogto noqoto waa in aad dhakhtar la xiriirtaa. Hadduu wareerkaaga uu yahay nooca "Vertigo" oo dhulka kula wareeganayo, markii aad jiifatidne ay kugu daran tahay si dhakhso ah ula xiriir dhakhtarka.

Haddii aad su'aalo kale qabtid ama faahfaahin uga baahan tahay qoraalkaan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 56112
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 107206
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58220
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62799
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29311
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc