Author Topic: Su'aal: Maxaa keeni Kara tabar Dari lugaha ah?  (Read 9013 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa keeni Kara tabar Dari lugaha ah?
« on: December 13, 2015, 03:09:35 AM »
Asc waxan maalmahaan isuku arkaa tabar Dari lug ah iyo kabuubyo badan waxaan qaataa pulmicort wax daawo ah 4 habeen kahor ayaan dhaqtar lahaa dhiigayga brusherka waa normal  garaaca wadnaha sidoo kale raajito feeraha waa ok markan isku arkay kab ubyasa waxan iska raadiyay astaamaha macaanka araga xoogaa waan ka daciifaa mar mar Waxaan aad uiscicmaalaa mobilka gaar ahaan habeenka waan ku dhafraa nerfaha xididada weey itaagmaan wadnaha xanuun ayaan ka dareemaa mar mar lkn waxan qabaa gastric nooca icidka badan ah markaan biyo badan cabo waan matagaa dhanaan markaas ayaa xididadii nerfaha idagaan waxan kaloo qabaa dhabarka kuleeyahay wax la dhaho ciste wax dhiba makuu keeneeyso ayaa LA igu dhahay vitimin B complex ayaan hada qaataa maxa igula talineeysaan vitimins kee keni kato kabuubyo haduu kaa maqan yahay




Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa keeni Kara tabar Dari lugaha ah?
« Reply #1 on: December 15, 2015, 01:00:11 AM »
waxaa kale oo igu soo kordhay gacmo hur iyo laab hur tan kale  makeeni kartaa dhiig yari waayo 5 maalin kahor dhiigeeyga kor wuxuu ahaa 100 hoosna 72 marka kaas mala dhihi karaa waa dhiig yari tan kale xiliga qaboobaha sida tusaale ahaan bishii 12 iyo tobonaad ee hore waan dawaqsanaa dhaqtarkana wuxuu igu dhahay nervo waaye hadaan tusaale ku siiyo waxaa igu beermaya cabsi wax walbana waxa eey ila noqonaayaan wax aan horay u arkay ama aan ku riyooday hadii qof ila hadlo waxaan umaleeyaa hadalkaas inaan horay ugu riyooday oo aan arkay qofkaan oo saas i dhahaya markaas ayaan cabsi dareemaa xiliga qoraxdana waxaan ahay caadi hadana sidii ayaan dareemyaa waana isla bishii waqtigii qaboobaha mahadsanid walaal

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keeni Kara tabar Dari lugaha ah?
« Reply #2 on: December 18, 2015, 07:50:46 PM »
Kor hurka aad dareemayso iyo tabar darrida jirka ah iyo gaaska acid-ka badan iyo walaaca iyo welwelka habeenkii ah intaba way isku xirnaan karaan oo waxaa keeni karo hadduu jiro xanuun hormoonada ama neerfaha kicinayo ama stress ama si nafsaani ah aad u jiran tahay, waxaad u baahnaan lahayd dhakhtar cudurada guud ku takhasusay oo baaritaan guud ku marsiiya oo waraysi dheer kula yeesha.

Midda kale dhiig yarida aad tilmaantay ma ahan in cillad pressure-ka ay ka jirto ee dhiigyaridu waa marka birtu ay dhiiga ku yartahay oo taasi dhiig la qaado ayaa lagu baaraa oo waxaa la fiiriyaa "hemoglobin-ka" ama HB.

Midda kale fitamiinada sida B6 iyo B12 haddii ay kugu yaryihiin way keenaan kabuubyo laakiin ma ahan fitamiino si sahlan jirka uga luma waa in ay jirto cillad kale ee fitamiinada dhuminayso ama yaraynayso waa haddii cilladu ay fitamiin wax la xiriira ay noqoto.

Taladaydu waa in aad la xiriirtaa dhakhtar takhasus cudurada guud leh.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55963
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162281
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106975
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62303
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28970
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc