Dopamine waa walax kiimiko ah oo ka tirsan koox loo yaqaano "catecholamines" oo howl muhiim ah jirka u qabto khaas ahaan maskaxda.
Markii maskaxda la joogo, dopamine-ku wuxuu u shaqeeyaa sidaa farriin-qaade neerfe kaasoo ka kala goosha neerfayaasha isagoo u kala gudbiya dhambaalada kala duwan.
Dopamine-ku markuu jirka ku bato wuxuu keenaa farxad iyo raynrayn iyo raaxo la dareemayo waana sababta badanaa daroogadu ama daawooyinka lagu walfo ay sare ugu qaadaan maadadaan.
Doapmine-ku wuxuu howlo kale oo muhiim ah ka ciyaaraa meelo kale oo jirka ka mid ah sida xididada dhiiga, taasoo keenayso inuu waasiciyo markii uu jirka u baahdo.
Wuxuu kaloo ka howlgalaa kilyaha wuxuu kaadida ku badiyaa maadada cusbada ee Sodium, wuxuu kaloo sare u qaadaa soo saarista hormoonka insulinta isagoo saameeyo Ganaca.
Dopamine-ku wuxuu kordhiyaa dhaqdhaqaaqa mindhicirrada, wuxuuna ilaaliyaa xuubka mindhirka iyo caloosha.
Wuxuu kaloo dopamine-ku ka shaqeeyaa habdhiska difaaca jirka.
Sidaas awgeed dopamine-ku wuxuu aad muhiim ugu yahay jirka bini'aadanka, xanuunada saameeyane waxay keenaa dhibaatooyin badan sida xanuunka 'parkinson's disease' akhriso waxa uu parkinson yahay?:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2393.0.htmlDopamine-ku isagoo daawo ahaan loo siiyo way jirtaa dadka uu ku yaryahay ama u baahan, waana daawo isbitaallada kaliya lagu isticmaalo oo farmashi caadi ah laguma gado.
Warbixinta ku saabsan dopamine-ku ma ahan wax lagu soo koobi karo halkaan, laakiin haddii aadan bahda caafimaadka aadan ka tirsanayn inta ugu muhiimsan oo aan is leeyahay waad u baahan tahay waa intaas.
Tyrosine-ku wuxuu ka mid yahay 22-da waxyaabood ee laga sameeyo protein-ka khaas ahaan proteinada dhambaalada jirka u kala goosha sida hormoonada.
Waana wax cunnada laga helo khaas ahaan digaaga, kalluunka, caanaha, lowska, sisinta, mooska, avocada-ha iyo caano fadhiga.
Tyrosine-ku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha laga sameeyo dopamine-ka iyo wixii la mid ah.
Dadka ay ku yar tahay maadada tyrosine-ka waxay ka sheegtaan caajis badan, diiqada, hargabka iyo hurdo xumida.
Haddii ay jiraan faahfaahin ku saabsan wax aad fahmi waysay ama su'aal la xiriirto jawaabtaan waad na soo waydiin kartaa.