Author Topic: Farqiga Garaadka Caruurta Dhiciska Ah Iyo Kuwa Kale.  (Read 11538 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Online SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 3907
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Farqiga Garaadka Caruurta Dhiciska Ah Iyo Kuwa Kale.
« on: April 16, 2017, 06:48:10 PM »


Bismillah,

Waxaan rabaa in aan qormadaan si kooban uga jawaabo su'aashii ahayd caruurta dhiciska ah ee aan bila dhamaysan maka maskax yar yihiin caruurta kale iyo sababta dadka qaar ay sidaa u dhahaan?

Maadaama maskaxda uurjiifka ay ku jirto xilli korriimo khaasatan bilaha ugu dambeeyo ee uurka, waxaa la aaminsanaa in muddo ah in caruurta iyagoo korriimada maskaxdooda dhameestirmin dhasho in ay la kulmaan dhibaatooyin aysan maskaxdooda diyaar u ahayn, taasoo culeys saarayso maskaxdii curdanka ahayd ee aan kobcin, taas ayaa keeni karto in caruurtaasi ay ka maskax yaraadaan ama ka garaad yaraadaan caruurta kale.

Iyadoo sidaa la aaminsanaa, yaa hadane waxaa jira dad la dhalay iyagoo aan bilo dhamaysan laakiin dunida wax badan ku soo kordhiyay oo aad u maskax badnaa, dadkaas la sheegay waxaa ka mid ah: Issac Newton, Mark Twain, Albert Einstein, Winston churchill iyo kuwa kale oo badan oo reer galbeedka ugu jiro liiska dadka maskaxda badan.

Taasi waxay dhalisay in dib la isugu laabto oo la isweydiiyo, haddii dhicis ahaayeen maxaa ka duway jiilkooda, maxayse dheeraayeen?!

Cilmibaarisyo arintaan lagu dabagalayay ayaa bilaabatay, waxaana ka soo baxay dhowr natiijo oo iska hor yimid, waxaana loo kala qeybsamay:

  • Koox waxay tiri, caruurta markay 2 sano gaaraan waqtigay rabaan ha ku dhashaanee inay isku maskax noqonayaan iyadoo aan la fahansanayn sababta sidaas ka dhigtay!.
  • Koox kale waxay soo ogaatay in caruurta dhiciska ah ee hooyadood naas nuujiso inay ka maskax badan yihiin caruurta bilaha dhamaysatay ee aan naaska la nuujin, waxayna arintaan sii wareerisay baaristii socotay, waxayna kooxdaan warkoodii ku soo gabagabeeyeen in naasnuujinta ay caruurta garaadkooda dhameestirto, khaasatan hadduu cunuga dhaxal ahaan uu maskaxdiisa fiicnayd.
  • Koox sadaxaad waxay tiri: hadduu cunuga foosha uusan ku dhibaatoonin oo aan dhaawac maskax gaarin, korriimadooda maskaxda iyo garaadka wax kama duwana caruurta kale

Wareerkaas iyo cilmibaarisyadaas is khilaafsan waxaan ka faa'idaysanaynaa inay arintaan tahay cilmi Alle u gaar ah oo bini'aadanka uusan tijaabo iyo baaris ku ogaan karin. Ilaahay ayaa maskaxda, garaadka iyo maalka bixiyo, kumana xirno sida nolosha aan ka arkayno xilliga iyo bilaha uu qofkaas dunida yimid.

Horay waxaan idiin kugu soo gudbinay qoraal ku saabsan saasaanta lagu fahmo caruurta maskaxda badan, ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7319.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 6005
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
FILIN: Faaidooyinka Kala Durkinta Caruurta (Child Spacing)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 20930
Last post November 08, 2009, 04:38:03 PM
by Admin
Su'aal: Vitamin C, Haddii Caruurta aad loo siiyo, Dhibaato mise Faa'iido?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 383
Last post May 07, 2017, 08:36:59 AM
by CilmiSabca
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 7427
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Caruurta isku kaadisa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3300
Last post August 21, 2011, 03:10:50 PM
by SomaliDoc