Author Topic: Waa maxay Nabarka Cagta ku dhaca ee "Madura"?  (Read 32545 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa maxay Nabarka Cagta ku dhaca ee "Madura"?
« on: December 23, 2015, 02:29:30 PM »


Bismillahi.

Maanta casharkeenu waa muhiim wuxuuna ku saabsan yahay cudur aysan soomaalidu aqoon badan u lahayn aadna ugu badan.

Waa maxay nabarka cagta ku dhaca ee "Madura"?
"Madura Foot" waa caabuq ku dhaca cagta wuxuuna u badan yahay dhinaca suulka waxaana keeno jeermiska fangaska ama bakteeriyada wuxuuna aad ugu badan yahay reer miyiga khaas ahaan dadka beeralayda ah.
Wuxuu ka bilawdaa qodax kaa muddo lugta, kadibne jeermiska uu ka faa'idaysto oo jirka gudaha u galo, kadib jeermiska wuxuu ku faafaa cagta wuxuuna u gudbaa lafta taasoo keenta in lugta la jaro.
Cudurkaan magaca kale oo loo yaqaano waa "Mycetoma" laakiin wuxuu ku caan baxay magaca "Madura" maadaama loogu magaca daray magaalo dalka India ku taallo oo loo yaqaano "Madurai" oo cudurkaan aad ugu badnaa markii la ogaanayay.

Maxaa keeno nabarka Madura ee cagta ku dhaco?
cudurkaan boqolkiiba 40% waxaa keeno jeermiska fangaska loo yaqaano "eumycetoma" boqolkiiba 60% waxaa keeno bakteeriyada loo yaqaano "actinomycetoma"
Soomaalida waxaa badanaa u keeno jeermiska bakteeriyada khaas ahaan nooc u gaar ah soomaalida oo loo yaqaano "Streptomyces somaliensis", jeermiskaan inkastoo loogu magac daray soomaalida wuxuu kaloo ku dhacaa wadamo kale oo africa ku yaallo ama ka baxsan sida dalka India.
Cudurkaan "Madura" wuxuu ku badan yahay dalka India, Somalia, Sudan iyo Wadamada Latin America.

Yuu ku dhacaa badanaa cudurkaan?
Wuxuu aad ugu badan yahay dadka ku nool dhulalka kuleylaha ee aan kor ku soo xusay, wuxuuna ku badan yahay ragga da'doodu u dhaxayso 20 illaa 40 jir weliba kuwooda dacas ama kabo la'aanta ka shaqeeyo beeraha.
Waa inuu qofka cagta ay dhaawac ka gaartaa si cudurka ugu dhaco sida in ay qodax ka mudo ama wax ka jeexaan isagoo dacas la'aan ku dul socdo dhul dhoobooy ama dhiiqo ah.

Waa maxay astaamaha lagu garto cudurkaan?
Cudurkaan ma ahan mid si kadis ah dadka u dilo, wuu ku raagaa qofka muddo ayuuna qaataa oo si tartiib ah ayuu u faafaa oo qofka muddo sanooyin ah ayuu ka sheegtaa.
Marka ugu horeyso wuxuu ka bilawdaa barar ama kuus aanan xanuun lahayn oo dheecaan malax ah ka socoto, kadib wuxuu qofka dareemaa cunucn cagta gudaheeda ah, kadib ayuu xanuun isku badalaa.
Dhowr sano ka dib barar siyaado ah ayaa ka bilawdo meeshii qodaxda kaa muday, kadibne nabarka wuuu dillaacaa oo waxaa ka yimaado dheecaan joogto u socdo muddo bilooyin ah, nabarka afkiisa wuu xirmaa wax yar ka dib hadane meel aan ka fogeyn ayuu af kale ku samaymaa oo isla dheecaankii ayaa bilowdo.
Waxyaabaha lagu garto waxaa ugu horeeya in dheecaankaan uu wato waxyaabo kuuskuusan oo madow sida dhuxusha oo kale ah ama gaduudan sida miraha oo kale, taasi waxay tilmaamaysaa in jeermiskii oo kuuskuusan inuu dheecaanka soo raacayo.
dheecaankaan miraha gaduudan ama madowga wato wuxuu ku sii faafaa jirka taasoo keenayso inuu jirka cuno kadibna markii lafaha u gudbo, lafta way baaba'daa oo burburtaa oo markii raajo la saaro waxaa la arkaa lafti oo baaba'day.
Heerkaas markii ay xaaladu garto xal aan ahayn in lugta la gooyo ma jiro.

Sidee loo baaraa cudurkaan haddii qof looga shakisan yahay?
  • dheecaankaas oo indhaha lagu garto hadduu qofku khibrad u leeyahay ama in sheybaar loo qaado si loo baaro
  • Sawir raajo la saaro cagta ama meesha looga shakisan yahay inuu ku dhacay si loo ogaado heerka uu marayo iyo inuu cudurkii yahay intaba
Way jiraan baaritaano kale oo dhowr ah oo kala duwan laakiin labadaa kore ayaa ugu caansan.

Sidee loo daaweeyaa cudurkaan?
Jeermiska bakteeriyada wuu ka sahlan yahay kan Fangaska markii la daaweynayo.
Maadaama nabarkaan "Madura" ay dadka badankood dhakhaatiirta la soo xiriiraan markuu ku fogaado oo aanan dhib loo arkin marka hore, wax ka qabashadiisa way iska yar tahay, hadduu cudurka faafane xal aan qalliin ahayn majiro.
Hadduu nabarku ku egyahay qeyta hilibka ah waa in la gooyaa inta uu gaaray, qofkane la siiyaa daawo isugu jirta antibiotic iyo anti-fungal muddo dhowr bilood ah, laakiin hadduu nabarka uu gaaray lafta, waa in ilaa inta uu lafta ka gaaray la jaraa maadaama uu si sahlan ugu faafi karo lafaha jirka kale.
Hadduu qofku nasiib badan yahay oo waqti hore la arko nabarka waa in daawo dagdag ah la siiyaa oo muddo uu qofka dhakhtar la socdo si loo hubiyo in caabuqii uu istaagay.

Muxuu dhibaato kale uu keeni karaa cudurkaan?
Inkastoo cudurkaan aana si kadis ah loogu dhiman laakiin wuxuu keenaa in jirka qaarkiis looga sabro.
Wuxuu keeni karaa in qofka uu ka dhigo cuuryaan oo luguhu qalqalloocdaan.
Wuxuu keeni karaa in qanjirradu ay xirmaan oo lugtu bararto.
Waxaa laga yaabaa in qofka ay dhibaato ka soo gaarto daawooyinka uu qaadanayay muddooyinka dhowrka bilood ah.

Sidee looga hortagi karaa cudurkaan?
Nasiib xumo, cudurkaan ma lahan tallaal, laakiin waa in qofka uu qaataa waxyaabaha ka hortagga dabiiciga ah sida inuu qofku kaba la'aan uusan socon ama iska ilaaliyo inay wax mudaan ama dhaawac ka gaaraan lugaha.
Waa in aad ka wacyi galisaa dadka halista ugu jira xanuunkaan ee qaraabadaada ah oo aanan awood u heli karin in ay qoraalkaan ka faa'idaystaan ama dhakhtar ay helaan sida ugu dhakhsiyaha badan maadaam uu reer miyiga ku badan yahay.
Ogow hadduu dhakhtarku kugula taliyo in aad qalliin u baahan tahay in aadan diidin maadaama dadka badanaa lugaha laga jaray ay ka dhaga adeegeen in laga jaro caabuqa hilibka ka gaaray markii horaba.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Fayraska Zika (Zika Virus)?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 21865
Last post February 03, 2016, 12:36:33 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay finka kaso baxa dabada? Una eg kaso bax cml?

Started by Ahmed dollarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24872
Last post October 22, 2016, 05:04:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxay Ku Kala Duwanyihiin Ama Ku Kala Gedisan Yihiin, Anti Bacterial Iyo

Started by Darmaan123Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 16096
Last post November 05, 2013, 10:51:11 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu karto marka jirka ku yartahay birta (Iron)?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 31081
Last post January 16, 2010, 06:58:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu garto qofka maka uu ku yaryahay Vitamin C?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24225
Last post January 16, 2010, 06:58:41 PM
by SomaliDoc