Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waa sidee daawada propecia?

(1/1)

Ahmedsahal:
Asc Dr aadban kugu mahad celiNaya wax qabad kaga Allha kaa abaalmariyo Adiga iyo dhamaan howl wadenada website kan
 DR dawada lagu magacabo propecia ama  finasteride ma tahay mid wax tarkeda ka Dr ahaan aad aminsan tahy
Mise lo isticmaali karaaa bidaarta markay bilow kugu tahay taa o nuceedu yahay food leefta ama mid afka hore ee fooda kaguranta




                        Mahadsanid Dr
 

SomaliDoc:
Waa daawo jirta oo la yaqaano, waxaana loo adeegsadaa badanaa ku daaweynta bararka qanjirka bostaatada iyo bidaarta ragga gasho.
Inkastoo bidaarta loo qaato laakiin isbadalka la filo waxay la egtahay boqolkiiba 30%, waana in ugu yaraan 6 bil la qaaato si isbadalka loo arko, waana in daawada la joogteeyo, maxaa yeelay markii la istaajiyo bidaartii dib ayay u bilaabataa.
Sidaas awgeed dhakhaatiir badan ma u isticmaalaan daawadanaa ku daaweynta bidaarta.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version