Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Xanuun canqawga ah iyo xanuun jilbaha ah?
(1/1)
Shaaficifalcoa:
asc somali doc aad baan idiinka mahad celinayaa sida fiican ee aad u caawisaan bulshada somaliyed.
waxaan idin weydiin lahaa su'aal ah
markaan socdo adigu ilaa 20daqiiqo lkn aan ahayn mid isku xigta sida intaan jamacada ka soo lugeeyo aan meelaha maqaaxiya soo maro aan xoogaa taagnaado hadhow waxaan dareemaa xanuun ka bilaabanaya jilibka ama ruuga ilaa iyo halka ay iska galaan seeda muraqa hoose ee ruuga ka timada iyo cidhibta afsomali sidaan u garanayo waxaa lagu dhahaa buqun marka waxaan dareemaa xanuun saa'id ah sidoo kale lafta dheer ee ruuga ka hooseysa waxan ka dareemaa xanun iyo gariir in dhuuxu i shub mayoo kale.
mahadsanidiin
SomaliDoc:
Waxaad u baahan tahay in lagaa baaro: calcium, phosphate iyo vitamin D-ga.
Calaamadahaas waxay tilmaan u noqon karaain lafahaagu ay daciif yihiin ama in xanuun uu jiro saamaynayo murqaha ama lafaha ama labadaba.
Fadlan la xiriir dhakthar si laguu baaro.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version