Author Topic: Su'aal: Qabeyska kadib korkaa i cun cuna?  (Read 11156 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ayda.144

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Qabeyska kadib korkaa i cun cuna?
« on: December 26, 2015, 04:31:58 PM »
Asc walaalayal waxaa idin weydiinaa markii aan soo qabeysto kadib korka inuu cun cuno maxaa keena qaasatan qeybta hoose u badan cun cunka




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qabeyska kadib korkaa i cun cuna?
« Reply #1 on: January 11, 2016, 05:38:44 PM »


Cuncunka la dareemo qubeyska ka dib waa arrin ay ka shegtaan dad badan, waana lagu kala duwan yahay sababta keento.
Cuncunka waxaa ka dareemi kartaa meelo jirka ka mid ah ama jirka oo idil.

Asbaabo dhowr ah ayaa keento arrintaan ee fadlan iska fiiri haddii aad samaysay mid ka mid ah arrimahaan hoos ku xusan:
  • In aad ku qubeysatay biyo kulul: biyaha kulul waxay dadka qaar u keenaan maqaarkooda qallayl dhakhso ah, waana sababta ugu badan ee loo dareemo cuncun qubeyska kulul ka dib.
  • In aad badashay saabuuntii ama shaambadii aad ku qubbeysan jirtay, fadlan ka fogow in aad joogto u badasho waxyaabaha lagu qubeysto, maxaa yeelay waxaa ku jira waxyaabo kiimiko ka samaysan oo jirkaaga dhibsan karo.
  • Waxyaabaha aad ku qubeysato ka fiiri maaddo la yiraahdo "lauryl sulfate" oo laga soo saaro geedka qumbaha oo dadka qaar xasaasiyad ku qabaan, shirkado badan ayaa maadadaas ku soo daro waxyaabaha lagu qubeysto.
  • Biyaha aad ku qubeysatay haddii ay yihin kuwa milixa ama cusbada ku badan tahay waxay jirka ku reebaan dahaar yar oo cad oo keena cuncun badan.
  • Haddii aad xasaasiyada u nugushahay waxaad ka qaadi kartaa shukumaanada iyo marooyinka lagu tirtirto qaarkood. iska ilaali in aad ku tirtirato shukumaanda la carfiyay ama duugga noqday ama qof kale isticmaalay
  • Nafaqo darrida: haddii ay kugu yartahay macaadinta jirka qaarkisi u baahan yahay waxaad dareemi kartaa cuncun joogto ah, wuuna darnaan karaa markaa qubaysatid.
  • Haddii aad joogto u qubaysatid maalintii 3 jeer iyo waxii ka badan waxay jirka ku yaraysaa saliidii iyo dufankii eebe ugu tala galay ee qanjirrada soo saarayaan, taasina waxay keentaa kor qallayl iyo jeexjeex iyo xasaasiyad.
  • Haddii aad qabtid xasaasiyad guud oo aad dhibsatid biyaha kulul ama waxyaabo kalaba, sida dadka gacmaha jeexjeexmaan markay biyo muddo ku dhex jiraan oo kale.
  • Haddii aad qabtid xanuunka xasaasiayda biyaha laga qaado ee loo yaqaano "aquagenic pruritus" waa jirka oo difaac galo markii dhidid ama biyo qofka gaaraan, wuxuu qofak dareemaa cuncun siyaado ah laakiin jirka isma badalo, nabro ma yeesho mana gaduuto.

Sidee looga hortagi karaa cuncunkaan?
Fadlan raac talooyinkaan si aad u yarayso cuncunka qubeyska ka dib.
  • Ku qubeyso biyo qabow ama diiran, ka fogow biyaha aadka u kulul
  • Ha isticmaalin shaambo ama saabuun aadan horay u isticmaalin haddii jirkaagu ay xasaasiayda u sahlan tahay
  • Haddii aad ka shakisan tahay in biyuhu ay culus yihiin ku rakibo musqushaada qalabka biyaha khafiifiyo
  • Markaa qubeysatid ka dib isticmaal saliid dabiici ah si aad kor qallaylka uga fogaatid, saliidaha aad marsan karto waa macsarada, saliid zaytuunka iwm
  • Ku dadaal caafimaadka maqaarkaaga adigoo ka ilaaliya inuu ku dhaawacmo cimillada kala duwan
  • Haddii aad dareemayso cuncun siyaado ah, si dabiici ah iskaga daawee adigoo ku tirtirta ama ku qubeysto biyo lagu qasay baking soda ama oatmeal-ka, waxaad kaloo meelaha ku cuncunaya marin kartaa liin dhanaanta, haddii aad heli kartid kareem laga sameeyay geedka dacarta waad marsan kartaa.
  • Haddii aa intaa ka dib wax isbadal ah waysid fadlan la xiriir dhakhtar maqaar si laguu wiisiteeyo oo daawo laguugu qoro.

Akhriso qoraal ku saabsan faa'idooyinka geedka dacarta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6025.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: kaadida oo tifiq-tifiq iga imata markan foorarsado kadib xaajada suliga?

Started by Dhool-yareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13517
Last post May 01, 2017, 09:50:00 AM
by SomaliDoc
Baaritaan Caafimaad Kadib, Tuubadda Kaadi mareenka, Caabuq Xannuun ayaa Jira?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 41883
Last post April 16, 2013, 01:40:49 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 18472
Last post September 04, 2016, 07:49:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo baabi'iyaa meelaha cad cad kadib markuu ruuxa caatoobo?

Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 50550
Last post May 19, 2012, 12:50:12 PM
by SomaliDoc
Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 4
Views: 30521
Last post May 04, 2008, 06:19:13 PM
by SomaliDoc