Author Topic: Su'aal: Tabar yari xagga galmada ah?  (Read 8052 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdulkadiralii

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Tabar yari xagga galmada ah?
« on: December 27, 2015, 10:04:24 AM »
ASC,

Marka hore aad ayaan idin kugu mahad celinayaa sida aad dadka u wacyi gelisaan, waxaan jeclaa inaan idin waydiiyo su'aashan:

Waxaan joogaa Xamar waxaan ahay lab, 30 iyo dhowr jir ah, weli ma guursan lkn waxaan ka cabsanayaa tabar darri galmada ah, xubinta taranku in uu jilicsanyahay aan dareemayaa oo uusan xoog lahayn, ma toosna ee wuu yaraha fooraraa oo in gacanta lagu qabto uu u baahanyahay, markii farjiga lagu riixana dhexda ayuu ka jebaa oo ka laamaa, biyahana isla markiiba waa imaanayaan, xitaa mararka qaar anoo salaaxid wada ayay imaanayaan. Waxaan muddo gacanta isaga keeni jiray shahwada, hadda waayadan waxaan isku arkay kacsi yari, dhowr mar ayaan qudbo siro sameeyay lkn weli guur caadi ah ma gelin maxaa yeelay waxaan ka baqaa in aan fashilmo, Soomaaliya wax galmada ku saabsan dhaqtar haddii aad u shegto waa ku dhibsanaa, tankale dhaqtarka dad aa la jooga marka aad qolka ugu geleysid taasna way kaa xishood siinee, Fadlan ila tali hadda qorshe guur aan ku jiraa waana cabsanaa.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Tabar yari xagga galmada ah?
« Reply #1 on: January 14, 2016, 02:25:16 PM »
Abdulkadir marka hore cabsida iska daa, howlgabka kacsiga iyo hami yarida waxa ugu horeeya ee keena waa sterss-ka iyo welwelka ku saabsan "amaad fashilantaa ama aad howl qaban waysaa".
Intaa ka dib, siigeysiga wuxuu ka mid yahay waxyaabaha keena cilladahaan iyo kuwa kalaba, daawadiisuna waa in aad joojisaa, ka akhriso halkaan waxyaabaha ay keento siigeysashada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html
Waxaad kaloo u baahan tahay in aad fikrad ka qaadatid marka hore holgabka kacsiga iyo waxyaabaha keeno iyo siyaabaha aad ula tacaali kartid, akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html
Waxaad kaloo akhrisataa qoraal aan uga hadlanya waxyaabaha dabiiciga ah ee ragga u roon: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5937.0.html

Intaa ka dib haddii aad su'aalo kale qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa sababa xanuun ku yimaada raga xiliga galmada?

Started by Shamso MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20667
Last post September 16, 2015, 02:20:23 PM
by SomaliDoc
Su'aalo: Caadada Wareersan? Galmada Badan? Xilliga Uurqaadka?

Started by CaaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 51461
Last post January 01, 2011, 08:43:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kiniinka awooda galmada maxuu udhimi karaa caafimaadka?

Started by TimocadeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 36051
Last post March 31, 2017, 07:43:12 PM
by SomaliDoc
Suáal: Cudurka macaanka galmada ma layskugu gudbiyaa?

Started by Ahmed333Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26628
Last post June 12, 2009, 12:08:53 AM
by SomaliDoc
SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 93751
Last post June 05, 2011, 06:41:43 PM
by SomaliDoc