Author Topic: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!  (Read 7830 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Maanka007

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« on: December 30, 2015, 12:32:19 PM »
ASC, bahda iyo bulsho weynta soomaliyeed ee bejkan ku xiran iyo Dhaqaatirtaba, salaan kadib waxaan rabaa in aan dhaqtarka wax ka weydiiyo calaamadahan aan is ku arkay amaba ihaayo qofkale ee ka cabanayo oo looga jawabay ma arkin marka waxaan jeclaan lahaa in aan su aasheyda soo gudbiyo bulshada ku xiran bejkana ay isiiyaan fikrado Dhaqtarka ama dhaqaatirtana iisheegan waxay daawadeydu tahay iyo in aan rajo lee yahay,
Wax daawo ah oo aan qaatay ma jirto oo aan u isticmaalayo dhaga yari ( Maqal Yari ) ama dhago xanuun. Xanuunkan wuxuu ihaayaa mudo ku dhawaad hal sano ( 1 sanad ).
waxaan isku arkay dhega culeys ama hadalka qofka uu sheegayo in anaan maqli waayo mar marka qaar, waxaa dhacdo mararka qaar in aan isku jah wareerno qofka aan sheekeysaneyno amaba wax ii sheegayo.
kaliya hadalka qofka waan maqlaa badanaa laakin dhibkeyga ugu weyn wuxuu yahay qofka oo i dhibsanaayo mararka qaar marka uu wax iishegayo oo aan maqli waayo ilaa uu hoosteyda imaado oo uu hadalka ii kala dhig dhigo. guux joogta ahna waan isku arkaa.
Bes waxaa jirto hal daawo oo ( GOOJO ) ah ayaan u isticmaalay indhaha oo markaa dhib iga heystay markaana ma qabin dhago yaridan hada i heyso. sababta aan goojada u isticmaalay waxay aheyd Indhaha oo aad ii cun cuna iyo indhaha gees yahooda oo gaduuta, indhaha oo aad u moodo in ay qoryo ku dur duraayaan

MAHADSANIDIIN.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« Reply #1 on: January 14, 2016, 02:41:10 PM »
Guuxa dhagaha waa cillad ay keenan waxyaabo badan, waxaana laga dhaxlaa maqal yari, horay ayaan arintaan uga hadalnay ee akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1839.0.html
Su'aalo la xiriiro arintaan oo aan ka jawaabnayne halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5783.0.html

Markaa labadaa qoraal akhrisato haddii ay jiraan wax faahfaahin dheeraad ah oo aad u baahan tahay iigu soo dir isla halkaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Maanka007

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« Reply #2 on: January 29, 2016, 11:34:30 AM »
intaa kadib wll waxaa igu soo cusboonaday labada dhagood midkod in ay bukato oo ay dhicaan keentay waxaa ii dheera xanuun aad u daran oo habeenada qaar iididay hurdada, xanuunka waxaan isku moojin jiray kaniinka loo yaqaan (Anti- Pain) iyo DIINSI mudo dhan ilaa iyo Afar Maalmod.

Arinta igula yaabka badan waxay tahya dhagta tan bukatay mooye mida kale si fiican wax ugama maqlo ilaa iyo markii igu horeysay xitaa marka ay bukatay mida kale wax is bedel ah ma arkin. guuxana mar mar waan ka fiicanahay, mararka qaar waa ziyaado. guuxa wuxuu yaraada mar kasto oo aan hordada kasoo tooso, kadib sidiisi ayaan u maqlaa. wll dhaqtar nooce ayaad igula talin laheyd in aan la kaashado mise dawo kale oo aad igula talineyso ayaa jirto oo aan qaadanayo. Doctor aad ayaan ugu baahi qabaa jawaabtada.

MAHADSANID.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« Reply #3 on: February 06, 2016, 04:07:13 PM »
Fadlan la kaasho dhakhtar E.N.T ah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Maanka007

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Dhagaha oo Guux ama dhawaq Hugun cml ah ka dhax shidmay!
« Reply #4 on: February 06, 2016, 05:42:34 PM »
Mahadsanis

 Inshaa allah wll waan la kaashan doona. :)


 

Su'aal: Caanaha naaska dhagaha ilmaha malagu shubi karaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12477
Last post February 06, 2016, 02:44:30 PM
by SomaliDoc
Suaal ku saabsan xanuunka dhagaha ku dhaca

Started by Hussein FowzzyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 12871
Last post February 17, 2016, 03:42:08 PM
by SomaliDoc
Guuxa Dhagaha ka Baxaya (Tinnitus)

Started by JamayassinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 63099
Last post May 28, 2015, 10:12:35 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qaabkee loo daweenkaraa maqalka dhagaha?

Started by FeysalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5115
Last post November 29, 2016, 03:32:42 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhagaha oo leh malax ama dhecan?

Started by SahilBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4528
Last post April 07, 2019, 11:38:47 PM
by SomaliDoc