Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Jilba xanuun?

(1/1)

Qeyre11:
 Dr ani waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo 19 sano jir ah jilbaha aa i xanuunaan markasta oo dukanaayo ama aa ku bad ka imaado ama aa ku fa dhiisto jilbaha

SomaliDoc:
Xanuun aad ka dareento kalagoyska jilibka ma ahan wax murqaha la xiriiro haddii aad leedahay shanqar, xanuun daqnasho leh markaa dhaqaaqdo ama kalagoyska aad dhaqdhaqaajiso, waxaana keeni karo xanuun kalagoyska ku dhaca noocuu rabo ha noqdo, ama cillad lafaha, seedaha ama ruugagga ah.

Xanuun roomaatiisam ama riix ah ama cillad dhareerka kala goyska ku jiro.

Lafo beel ama maadada kalsiyamta ama fitamiin d-ga oo ku gu yar.

Sidaa darteed waxaad u baahan tahay in lagugu sameeyo baaritaano lagu kala hubsanaayo xanuunadaas.

Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan jilba xanuunka iyo kla goysyada, si aad fikrad uga qaadato.
1- RIIXA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html
2- XUBNO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html
3- JILBO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html
4- FIBROMYALIGA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html
5- DHABAR-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html
6- LAFOBEEL: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html
7- MURQO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html

Fadlan la xiriir dhakhtar guud si loo ogaado cillada waxa ay tahay.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version