Author Topic: Su'aal: Biyo cad sida shahwada oo kale aya iga yimaado?  (Read 4551 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Janaale

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Su'aal: Biyo cad sida shahwada oo kale aya iga yimaado?
« on: January 13, 2016, 11:58:25 PM »
   Asc.  dhaman bahda SomaliDoc.

suaasheydu wxa weeye marka aan saxaroonayo siiba marka caloshu I taaagantahay ooo saxaradu adagtahay ooo jiirto ama docdo, wxaa xubinka taranka iga yimaada biyo cad oo aan u maleyey shahwadeydii.  mxay tahay??? jazaakumulah.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Biyo cad sida shahwada oo kale aya iga yimaado?
« Reply #1 on: January 14, 2016, 02:55:43 PM »
Biyo cad oo shahwada u eg oo yimaada markii la saxaroonaya sida caadiga ah waxay ku timaadaa markii jiirashada saxarada ay daliigto ama cadaadiso qanjirka prostate-ka kadibne uu soo daayo biyahaas.
Kullamaa saxarada adag tahay ayaa la arkaa biyahaan waana arrin dabiici ah oo wax laga walwalo ma ahan.
Haddii aad leedahay astaamo kale sida dheecaan guska ka socdo, qanjirrada saracda oo ku bararsan, kaadida oo ku dhibto, qaska oo ku xanuuno iyo wax la mid ah, fadlan la xiriir dhakhtar.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: