Author Topic: Su'aal: Maxaa keena Xamo Calooleedka?  (Read 5550 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cabdiqani_ysf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa keena Xamo Calooleedka?
« on: January 03, 2016, 10:31:47 AM »
Asc marka hore waan salaamayaa dhamaan dhakhaatiirta sharafta leh ee ku sugan website kan ay ugu talo galeen inay ugu faa'iideeyeen 
ummada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan su'aashaydu waxa weeyaan.
maxaa keena xamo calooleedka ma garanayo waxa af ingiriisi lagu yidhaahdo laakiin waa xanuun badanaa dumarka umusha ka dib ku dhaca oo keena shuban iwm .
 dr adigoo raali ah hadaad xanuunkaas faahfaahin iga siin kartid igu caawi.
 aad baan mar labaad idiinku mahad celinayaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena Xamo Calooleedka?
« Reply #1 on: January 14, 2016, 03:17:20 PM »


Xamo calooleedka waa shubanka yimaado umusha ka dib waxaana afka english-ka lagu dhahaa "Postpartum Diarrhea" ma ahan cudur ee waa isbadal dabiici ah oo ku dhaca jirka hooyada markay ay dhasho ka dib.

Sida la wada ogyahay hooyadu marka ay uurka leedahay caloosheeda waxay u badan tahay fadhi, waxay leedahay saxaro adag oo waawayn oo keeni karta in foosha ay carqaladayso haddii aanan laga buufin.

Sababta ay caloosha u fadhiisato oo saxarada ugu aruurto malawadka ayaa xiriir la leh isbadalka hormoonada ku dhaca ee uurka la socdo, hormoonkaas waxaa la dhahaa "progesterone" wuxuuna sameeyaa in dareeraha iyo biyaha malawadka ku jiro oo saxarada jilcin lahaa ama u sahli lahaa inay soo baxdo in ay dareerahaas dib ugu laabataan jirka, taasina waxay keentaa in saxarada ay istaagto oo ay dhaqaaqi wayso oo ku xiranto.

Markii hooyadu dhasho, hormoonkaas wuxuu si aayar ah dib ugu laabtaa heerkiisii hore ee uurka ka hor, taasina waxay keentaa in malawadkii uu dabiici noqdo oo hooyadu shuban isku badasho xaaladeeda.

Sababta kale ee keento shubankaan waxay la xiriirtaa haddii hooyada la siiyo daawooyina antibiotic ah marka ay foolanayso ama ay qaadatay muddo gaaban ka hor ama ka dib, waxay keentaain bakteeriyadii faa'idada lahayd ee ku jirtay malawadka iyo mindhicirrada waawayn in dhimato taasina waxay keentaa shuban loo yaqaano "shubanka antibiotikada"

Shubankaan ma ahan mid aad ugu badan haweenka khaas ahaan haddii hooyada laga soo saaro saxarada inta ay foolanayso ama ka hor, laakiin waa mid ku dhaca haweenak qaar, badanaa uma baahno daawo waxayna ku istaagtaa ugu badnaan laba usbuuc.

Haddii shubanka uu siyaado yahay ama fuuq bax laga cabsanayo ama uu wato dhiig ama axalo waxay noqon kartaa arrimo kale ee ma ahan xamo calooleed ee fadlan la xiriir dhakhtar.

Talo:
- Hooyadu halaga soo saaro saxarada marka ay foolanayso waxay u sahlaysaa foosha, nadaafadane way u roon tahay, shubankaane way kaga hortagi kartaa.
- Ka fogow daawo aanan loo baahnayn, haddii aysan hooyadu infekshan qabin oo ay ku dhasho si dabiici ah oo nadaafadeeda la ilaaliyay waa in aanan daawo la siinin illaa in la dillaacay oo dhaawacas loo cabsanayo mooyee.
- Hooyada ha cabto biyo iyo dareere badan haddii ay xamo calooleed leedahay.

Akhriso qoraal ku saabsan daryeelka dhalmada ka dib: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,624.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtaan iigu soo dira qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57292
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 164506
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 108614
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 59326
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 64218
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig