Health Related Forums > Health News and Events
Hadii Qaatkii Laga Dhigay Khamro, Somalida Yaa U Maqan?
(1/1)
Waxbaro!:
Niman khubaro ah una dhashay dalka itoobiya ayaa ku hawlan siday u samayn lahaayeen khamro ka suubsan cawska qaatka loo yaqaan.
Mid ka mid ah khubaradaan oo lagu magacaabo Eyasu Haile Selassie ayaa sheegay in khamaradaan ay dad badan soo dhaweeyeen ilaa hadane uu sameeyay 500 oo dhalo baroobo ahaan.
Eyasu waxa uu sheegay in uu ka ansixiyay khamradaan cusub dawladda lana sajilay inay ka mid tahay cabitaanda sida caadiga loo cabo ayna mar dhaw dibada u iib geyn doonaan.
Khamradaan laga sameeyay qaatka ayaa aad uga tan badan markii caadi ahaan loo cuno cawska qaatka.
Waxaa xusid mudan in qaatku uu ka mid yahay tiirarka dhaqaalaha ugu waaweyn ee dalka itoobiya sanad walbana ay ka helaan lacag gaareysa 100$ million oo dollarka maraykanka ah.
Somaliya waxa ay ka mid tahay wadamada sida aadka ah looga cuno qaatka, lacag badane ay dalka itoobiya ka soo gasho.
Halkaan ka akhriso warbixintaan oo lagu soo qoray Reuters
Waxbaro!
Pharmacist:
Ilaah ayaa u maqan.
Mida kale qaatka hadii khamro laga dhigo umalayn maayo in suuq fiican uu ka heli doono soomaaliya.
Inkastoo ay jiraan dad ilkaha ka daateen oo qaatka shiita oo arintaan ku farxi doona!!! ;D
Dhibaatada caafimaadeed iyo dhaqaaleed ee qaatka uu keeno mid la soo koobi kara maahan.
Mahadsanid Waxbaro
Real Pharmacist
Hasan_c.h.c:
waa run ilaahay ayaa u maqal anigana waxaan dhihi lahaa
Dhalinyarada qayisha ee xaaslayaasha ah + (LAGUDARAY) Xaasaska ay qabaan & carruurta ay dhaleen ee isuma qadada ah X (LAGUDHUFTAY) Lacagaha ay biil ahaanta u soo helaan ragga qayila oo ay u weeciyaan dhinaca Kabarada qaadka ÷ (LOOQEYBIAY) Carruurtii oo baahi darteed calooshoodu isku dhacdo, qaarkoodna cuduro aan laga daweynin asiibaan – habeenkii marka ay guryahooda u soo hoydaan raggaas oo xaasaskooda ay kala kulmaan buuq carruurtiina qeylo & oohin, aakhirkiina uu sababsado furiin & qoys ilmo isu dhalay oo kala haajira =( LA EGTAHAY)qaadku waa bur-buriyaha qoysaska (Aabihii muqayil ah qoyskiisu ma xasilo, haddii uu u xasilana buuq & is qabqabsi kama dhamaado) “Dumarka xaaslayaasha ah ee raggoodu qayilo ha iska dulqaateen, samirkana ha kaashadeen Hana iskaga xoogsadaan caroortooda oo yayna ka dhaqaaqin
ILLAAHAYNA ha baryaan
Diagnostic:
Thanks brother hassan for your Qat equation, because it really reflects the reality.
God help those women and children
Diagnostic
Geeljire:
I heard also they want to produce khat juice in Ethiopia to be sold all across khat consuming countries.
You will soon find blended khat juices marketed as energy drink like the V drink in a store near you soon.
Innovative or not the debate on this one has already began with some people advocating for the drink version of khat as having less social and health issues from the traditional leave chewing.
~Geeljire
Navigation
[0] Message Index
Go to full version